Maamulka Degmada Buur-Hakaba

Maamulka Degmada Buur-Hakaba Page-ka Rasmiga Ah Ee Maamulka Buur-hakaba.

Gadoomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim maxamed leysaamow oo uu weheliyo Taliyaha Guutada 7-aad ee Qaybta 60-aa...
12/10/2026

Gadoomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim maxamed leysaamow oo uu weheliyo Taliyaha Guutada 7-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Maxamed Xasan Aadan Sandheere, ayaa darees ciidan iyo hub dhammaystiran ku wareejiyey ciidamo cusub oo ka mid noqon doona Guutada 7-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wareejinta dareeska iyo hubka ayaa qayb ka ah diyaarinta ciidamada cusub ee ku biiraya guutada, si ay uga mid noqdaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadan ayaa muujinaysa wada-shaqeynta Maamulka Degmada Buur-hakaba iyo hogaanka ciidamada, taas oo la xiriirta taageerada iyo diyaarinta ciidamada ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhamaad___,

09/10/2026

Gadomiye Leysaamow Oo safar shaqo ugu maqnaa magaaloyinka mogdisho iyo baydhabo ayaa maanta dib Ugu soo laabtey magaalada Buur-Hakaba ,,

26/09/2026

Gadomiye Leysaamow Oo Baydhabo kaga Qeyb Galey Shirka Sanadlaha Gadomiyasha Gobalada Iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed.,

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ahna Duqa Magalada Mudane Ibrahim Maxamed Ibrahim Leysaamow Ayaa Ka Qayb Galay S...
26/09/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ahna Duqa Magalada Mudane Ibrahim Maxamed Ibrahim Leysaamow Ayaa Ka Qayb Galay Shirka Sanadlaha Gadomiyasha Gobalada Iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed Oo ka Furmey Baydhabo.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Gadoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo.

Madashan oo ay ka qeybgalayaan wasiiro, xildhibaano, gadoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.

Madasha ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale madasha ayaa lagu gorfeeyey arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii dowladaha hoose ay u yeelan lahaayeen awood iyo dhaqaale ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda ku aaddan bulshada.

Madasha ayaa sido kale looga hadlay u-diyaargarowga saameynta fatahaadaha El-Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan shacabka, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada nugul.

DHAMAAD ___

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim Leysaamow, oo uu weheliyo Gadoomiyaha Arrimaha Bulsha...
24/09/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim Leysaamow, oo uu weheliyo Gadoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada, Siidow Cabdi Maxamed, ayaa booqasho ku tegeen xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed, Mudane Ibraahim Cali Tifow.

Booqashada ayaa diirada lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Maamulka Degmada Buur-hakaba iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo fursadaha dhaqaale ee bulshada degmada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu taageerayo ganacsatada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.

DHAMAAD ____

21/09/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Leysaamow Ayaa Maanta Booqasho ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Birmadka KGS.,

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba oo Booqday Taliska Ciidanka Booliska Birmadka KGSBAYDHABO — Gadomiyaha Maamulka ...
21/09/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba oo Booqday Taliska Ciidanka Booliska Birmadka KGS

BAYDHABO — Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba, Ibraahiim Maxamed (Laysamow), ayaa booqasho ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Birmadka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Gadomiyaha ayaa halkaasi si diran loogu soo dhaweeyey, waxaana soo dhoweeyntiisa hoggaaminayey G/le Mustaf Axmed Maxamed, iyo Saraakiil Kale.,

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, iskaashiga iyo isku-duubnida u dhexeeya maamulka degmada iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga.

Gadomiye Ibraahiim Maxamed Laysamow ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in maamulka iyo ciidamada ammaanku ay si dhow uga wada shaqeeyaan amniga, xasilloonida iyo horumarka bulshada.

DHAMAAD ___.

18/09/2026

Wafdi Uu Hogaaminayey Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Leysaamow Oo weheliya Taliye Maxamed xasan Aadan Sandheere Iyo Gadomiyaha Arimaha Bulshada Ayaa maanta Soo Gaareen Magaalada Caasimada Ee Mogadishu Waxaana Kuso Dhoweyen Masuuliyiin kala Duwan .,

18/09/2026

DUQA MAGAALADA BUUR-HAKABA Ayaa maanta Soo Gaarey Magaalada Caasimada Ee Mogadishu Waxaana Halkaas Kuso Dhoweyen Masuuliyiin kala Duwan .,

WAFDI UU HOGGAAMINAYEY Gadomiyaha BUUR-HAKABA OO SOO GAARAY MUQDISHOMUQDISHO — Wafdi uu hoggaaminayey Gadomiyaha Maamulk...
18/09/2026

WAFDI UU HOGGAAMINAYEY Gadomiyaha BUUR-HAKABA OO SOO GAARAY MUQDISHO

MUQDISHO — Wafdi uu hoggaaminayey Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba, Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow, oo ay weheliyaan Gadomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Siidow Cabdi Maxamed iyo Taliye Maxamed xasan Aadan Sandheere ayaa maanta Soo Gaareen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey masuuliyiin kala duwan, iyadoo booqashadan ay la xiriirto hawlo iyo kulamo ay wafdigu ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho.

Inta ay ku sugan yihiin caasimadda, wafdiga ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo kala duwan oo looga hadli doono arrimo la xiriira xaaladda iyo horumarka Degmada Buur-hakaba.

DHAMAAD ___.

Address

Buur-Hakaba
Buurhakaba

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Buur-Hakaba posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share