Dowladda hoose ee Degmada Cadaado

Call Directions Website Contact the organization

Dowladda hoose ee Degmada Cadaado Waxaad boggaan ka heleysaa wararka rasmiga ah ee Dowlada Hoose ee Degmada Cadaado

Maamulka degmada Cadaado oo kulan soo dhaween iyo hambalyeeyn ah ku qabtay degmada Cadaado kaas oo lagu taageerayey Huga...
23/10/2026

Maamulka degmada Cadaado oo kulan soo dhaween iyo hambalyeeyn ah ku qabtay degmada Cadaado kaas oo lagu taageerayey Hugaanka cusub ee Galmudug.

Cadaado; 23-October-2026: Gudoomiyaha degmada Cadaado mudane Faarax Diiriye Warsame ayaa munaasabad soo dhawayn ah ku qabtay degmada Cadaado waxaana ka soo qayb galay munaasabadda qaar kamid golaha wasiirada Dowlada Galmudug, Xubno ka mid ah golaha wakiilada Dowlada Galmudug, Gudoomiyaha degmada Baxdo, Gudoomiye ku-xigeenka degmada Xaradheere,, Siyaasiyiin kale, Xoghayaha degmada Cadaado mudane Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, xubno kamid ah golaha deegaanka degmada Cadaado, Agaasimayaal iyo ururada Bulshada degmada iyo marti sharaf kale.

Kulanka ayaa waxaa khudbado ka jeediyey kasoo qayb galayaasha waxayna si isku mid ah usoo dhaweeyeen madaxweynaha galmudug ee cusub iyo kuxigeenkiisa waxayna balan qaadeen Inay la shaqey doonaan haddii alle idmo.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay inay ka maamul ahaan soo dhaweenaayaan Hugaamiyaha dowlada Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xassan iyo Hugaamiye ku xigeen Cabdiwali Ibraahim Garyare, wuxuuna balanqaaday inay si wayn ula shaqeyn doonaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyey shacabka iyo madaxda reer Cadaado oo runtii dadaal badan oo aan kala har laheyn muujiyey intii ay socdeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha wakiilada iyo Golaha deegaanka.

————————————————————————
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

Tacsi:إنا لله وإنا إليه راجعون."إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى... فلنصبر ولنحتسب"Gudoomiyaha degmada C...
17/10/2026

Tacsi:
إنا لله وإنا إليه راجعون.
"إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى... فلنصبر ولنحتسب"
Gudoomiyaha degmada Cadaado asagoo ku hadlaya magaciisa, kan maamulka iyo shacabka reer Cadaado wuxuu ka tacsiyeeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid
al-sheekh/al-waalid: Diriye Abtidoon oo dalka Masar tii alle ugu timid.
اللهم اغفر له وارحمه واعف عنه ووسع قبره وادخله الجنة.
wuxuu ahaa samafale deegaanka iyo guud ahaan Soomaaliya arimo badan oo khayri ah ka soo qabtay.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo ka Qaybgalay Daahfurka Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Xal-u-helidda Baraka...
11/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo ka Qaybgalay Daahfurka Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Xal-u-helidda Barakacayaasha

Muqdisho, 11 Oktoobar 2026 – Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee Xal-u-helidda Barakacayaasha (NSPAP) iyo Kooxda Farsamo ee Qaranka ee Xalalka Waara.

Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadkii sannadkii 2025, horumarinta xalalka waara ee barakacayaasha iyo xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nolol-maalmeedka dadka barakacayaasha ah.
Dowladda hoose ee degmada Cadaado ayaa noqotay midda sida ugu fiican uga faa’iideysatay mashruuca xalalka waara marka la eego 17 magaalo ee mashruucaani ka shaqeeyo.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado siinayso dadaallada lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax ku ool ah.

— Dhammaad —

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado
[email protected]
Cadaado.gm.so

Maamulka Degmada Cadaado
Horumar, adeeg bulsho iyo xalal waara.

11/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo ka Qaybgalay Daahfurka Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Xal-u-helidda Barakacayaasha

Muqdisho, 11 Oktoobar 2026 – Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee Xal-u-helidda Barakacayaasha (NSPAP) iyo Kooxda Farsamo ee Qaranka ee Xalalka Waara.

Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadkii sannadkii 2025, horumarinta xalalka waara ee barakacayaasha iyo xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nolol-maalmeedka dadka barakacayaasha ah.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado siinayso dadaallada lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax ku ool ah.

Maamulka Degmada Cadaado
Horumar, adeeg bulsho iyo xalal waara.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo Gaari Bas ah ku Wareejiyey Xannaanada Carruurta MisbaaxCadaado, 4 Oktoobar 2026 – Guddoo...
04/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo Gaari Bas ah ku Wareejiyey Xannaanada Carruurta Misbaax

Cadaado, 4 Oktoobar 2026 – Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa maanta gaari bas ah ku wareejiyey Xannaanada Carruurta Misbaax ee degmada Cadaado.

Gaadhigan ayaa loogu talagalay in uu qayb ka noqdo adeegyada iyo fududeynta gaadiidka carruurta dhigata Xannaanada Misbaax, taas oo ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada iyo daryeelka carruurta ee degmada.

Munaasabadda wareejinta gaariga waxaa Guddoomiyaha ku weheliyey Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, Agaasimaha Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Madaxa Waxbarashada Degmada Cadaado, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Cadaado.

Mas’uuliyiinta ayaa goobta ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo adeegyada waxbarashada iyo daryeelka carruurta, iyadoo la dhiirrigelinayo horumarinta kaabeyaasha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, adeegyada bulshada iyo mustaqbalka carruurta degmada.

— Dhammaad —

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado
[email protected]
Cadaado.gm.so

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo Xarunta degmada ku qaabilay qubaro ka socoda Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Gu...
01/10/2026

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo Xarunta degmada ku qaabilay qubaro ka socoda Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Galmudug oo maantay soo gaaray degmada Cadaado.

Cadaado; 01-October-2026: Gudoomiyaha degmada Cadaado mudane Faarax Diiriye Warsame ayaa Xarunta degmada ku qaabilay qubaro ka socoda Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Galmudug oo maantay soo gaaray degmada Cadaado quburadaan ayaa wada daraasadaha farsamo ee waddooyinka muhiimka ah ee hoos yimaada Mashruuca SHIP, kuwaas oo muhiim u ah isku-xirka deegaannada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Daraasadahaan ayaa waxay ku saabsan yihiin saddex waddo oo isku-dar ahaan dhererkoodu yahay 285 km, kuwaas oo kala ah:
Qaradhi – Galkacyo: 140 km
Baxdo – Cadaado: 90 km
Cadaado – Cabudwaaq: 55 km

Khubarada ayaa sameyn doona sahanno iyo baaritaanno farsamo oo dhameystiran, oo ay ka mid yihiin qiimeynta xaaladda dhulka, topographic surveys, baaritaanka ciidda iyo agabka dhismaha, qiimeynta xaaladda waddooyinka, iyo xog ururinta lagama maarmaanka u ah diyaarinta naqshadaha injineernimada.

—————————————————————
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

Doorashada Galmudug iyo degmada Cadaado.
30/09/2026

Doorashada Galmudug iyo degmada Cadaado.

29/09/2026

Gudoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarah Diiriye Warsame ayaa shacabka Cadaado ugu baaqay iney Maalinka bari ah ay u soo baxaan doorashooyinka isku sidkan ee Golaha wakiilada iyo golaha deegaanka.

Gudoomiye degmada Cadaado oo ka qayv galay Munaasabad lagu taageeraayey laguna soo dhaweenaayey Musharax Madaxwayne Galm...
27/09/2026

Gudoomiye degmada Cadaado oo ka qayv galay Munaasabad lagu taageeraayey laguna soo dhaweenaayey Musharax Madaxwayne Galmudug.

Godinlabe; 27-Sep-2026:- Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame ayaa degmada Godinlabe uga qayb munaasabd balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen cugaasha, waxgaradka, Haween, Dhalinyarada iyo siyaasiyiinta Reer Xaaji Saleebaan.

Munaasabadaan oo aheed mid lagu soo dhaweenaayey laguna taageeraayey musharax madaxwayne Galmudug mudane Liibaan Axmed Xassan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kale duwan oo ka socday Dowlada Federalka ah, Dowlad Goboleed Galmudug iyo maamulada qaar kamid ah degmooyinka Galmudug.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

Daahurka Olalaha doorashada ku celiska ah ee Golaha deegaan iyo Golaha wakiilada Galmudug.Cadaado; 26-Sep-2026:- Guddoom...
26/09/2026

Daahurka Olalaha doorashada ku celiska ah ee Golaha deegaan iyo Golaha wakiilada Galmudug.

Cadaado; 26-Sep-2026:- Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame oo uu wehliyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, qaar kamid ah golaha Wasiirada dowlada Galmudug, Xubno ka tirsan Golaha wakiilada Galmudug, Gudoomiye degmada Baxdo iyo Wakiilada Ururka Cadaalada iyo wadajirka JSP ayaa xalay xarunta degmada uga qayb galay daah-furka Olalaha doorashada ku celiska ah ee Golaha deegaan iyo Golaha wakiilada Galmudug.

Madashaan oo uu Maamulka degmadu soo qaban qaabiyey ayaa waxaa Ururka JSP taageerayaashiisa uga codsanaayey codka siiyaan maalinta 30 bisha oo doorshada loo madlan yahay.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

Address

Madaxtooyada
Cadaado

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda hoose ee Degmada Cadaado posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda hoose ee Degmada Cadaado:

Shortcuts

Share

Nearby government services