08/08/2026
📚 Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Qiimaha iyo Faa'iidada uu Aqrisku u leeyahay Bulshada! 💡
Maanta waxaa Maktabadda Guud ee Cadaado,kulan heer sare ah ku yeeshay Naadiga aqriska degmada Cadaado iyo Ustaad Nuur Dhiblaawe halkaas oo si qoto dheer loogu lafa-guray muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay ku xirnaato aqriska iyo buugta.
Kulankan oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro iyo aqoonyahano badan, waxaa soo qabanqaabiyey oo si xikmad leh u daadihinayey Ustaad Nuur Dhiblaawe.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan intii soo xaadirtay iyo Ustaad Nuur Dhiblaawe oo bixiyey aqoonta iyo waqtiga qaaliga ah. Hadafkeenu waa inaan dhisno bulsho aqris badan, faham lehna mustaqbal ifaya!