12/08/2019
Maktabadda Guud ee Cadaado waxey maanta u dabaaldageysaa sanaguuradeedii 1aad ee ka soo wareegtay aas-aaskeedii. Waxey dhalinta Cadaado u ahayd sanad wata guulo, isdhexgal iyo koritaan. Waxaan mahad u jeedineynaa qof kasta oo ka qeybqaatay safarkaan quruxda badan.
23/04/2019
Happy to all of you. The Adado Library is happy to celebrate this beautiful occasion with the book lovers in and to every bookworm in the whole world.
Our advice in this special day; read more books.
25/02/2019
Waqtigaaga qayb kamid ah nala qaado
23/02/2019
Fiid wanaagsan.
Macalimiinta deegaanka barayaasha ka ah iyo ardada qudhooda waxaan jecelnahay inaan lawadaagno in buugaag fiican oo xog dheeraad ah ay ka heli karaan lakeenay makatabadda Cadaado. Soodhawaada!
25/01/2019
Waxaa Maktabadda Guud ee Cadaado xalay ka dhacay tababar ku saabsan akhriska si loo helo Dhaqan Akhris ee ka bulaala magaalada Cadaado. Tababarka waxaa soo abaabulay, qabtayna‬ Naadiga Dhaqanka ee Galmudug.‬
In ka badan 150 ka soo qeybgalayaal, oo isugu jira dhalinyarada magaalada, ardayda Jaamacaddaha, kuwo dugsiga sare, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka soo qeybgashay tababarkaan. Tababarku keliya xoogga ma saarin hanaanka akhrinta, siyaabaha kala duwan ee wax loo akhriyo iyo weliba waqtiyada ay habboon tahay in wax la akhriyo, ee wuxuu sidoo kale xusay saameynta wanaagsan oo ay leedahay marka ay bulsho wax akhriso.
15/09/2018
Paul D. Williams, oo ah qoraa Maraykan ah, ayaa Maktabadda Guud ee Cadaado ugu deeqay lacagtii uga soo xarootay buugaagtiisii sanadkaan lagu iibiyey Carwada Buugaagta Muqdisho.
Mahadsanid Paul. Dhammaan akhristayaasha Maktabadda abaal weyn ayey kaaga haayaan ficilkaan.
09/09/2018
Dhalinyarada Cadaado ayaa casho sharaf u sameeyey dhalinyarada dib u mideynta dhalinta Soomaaliyeed ee New SYL.
Dhalinyarada Cadaado ayaa sidoo kale sagootin iyo mahadcelin uga faa’iideystay xafladdaan casho sharafta ah ee loo sameeyey dhalinyarada New SYL.
09/09/2018
Maktabadda Guud ee Cadaado ayaa galabta 920 buug ka guddoontay Ururka Dib-U-Mideynta Dhalinta Soomaaliyeed ee New SYL.
Waxaan aad ugu mahadcelineynaa dhalinyaradaan Hargeysa ilaa Cadaado dhulka isaga soo safray si ay buugaagtaas u soo gaarsiiyaan Maktabadda Guud ee Cadaado.
Waxaa xusid mudan in ururka New SYL uu buugaagtaas 920ka gaaraya ka soo kala aruuriyey dhammaan gobolada dalka iyo dibadaba, isugu geeyey magaalada Hargeysa, kadibna safar dheer halkaas ka ga soo baxay ilaa Cadaadona safar dhulka ah ku yimid, iyaga oo buugaagtaas wada.
Aad ayaad u mahadsantihiin walaalayaal. Cadaado waa ay idin ka guddoontay hadiyadaas qaaliga ah.
08/09/2018
Dhalinyarada New SYL oo horrey Maktabadda Guud ee Cadaado ugu deeqay 920 buug ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray magaalada Cadaado.
Dhalinyaradan ayaa ka soo safray magaalada Hargeysa, soona maray dhulka iyaga oo sida 920 kii buug oo ay Maktabadda ugu deeqeen.
Dhalinyarada magaalada Cadaado ayaana isla maanta qado sharaf u sameeyey dhalinyaradaas, oo galabta xaflad maktabadda dhexdeeda ka dhici doonta ku wareejin doona buugaagta ay ku deeqeen. Mahadsanidiin.
07/09/2018
Ururka dib-umidaynta dhalinta Soomaaliyeed ee NEW SYL ayaa 920 buug ugu deeqay Maktabadda Guud ee Cadaado.
Waxaa xusid mudan in ururku uu buugaagtaas ka soo aruuriyey dhammaan gobolada dalka iyo dunida inteeda kale oo ay ardayda Itoobiyo wax ku barta ugu horreyso.
20/08/2018
Maktabadda Guud ee Cadaado waxey farxad & barwaaqo u rajeyneysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda Ciida awgeed. Sanadkaan midkiisa kale ku gaara farxad iyo nabad.
Ciid Wanaagsan!