17/12/2024
Anigoo ku hadlaya afka maamulaha wasaarada shaqada, arimaha bulshada iyo qoyska xafiiska degmada ceelafwejn waxan halkan ugu horayn hanbalyo sagootin ah uga dirayaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenkii h**e ee wasaarada shaqada, arimaha bulshada iyo qoyska mudane Eng cali cumar maxamed iyo marwo yurub abiib cabdi oo aanu mudo soo wada shaqaynay runtiina waxay ahaayeen shaqsiyaad wanaagsan oo saaxiib dhow la ahaa shaqaalaha wasaarada sido kale waxan hanbalyo soo dhowayn ah udirayaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada Dr. Milgi maxamed cilmi (MIlgo Sanbaloolshe) iyo maxamed muuse cabdi (Galaydh)oo maanta oo bishu tahay 17-12-2024 lawareegay xilkii wasaarada waxana illahay uga baryaya inuu ufudaydiyo kuna asturo xilkaa qaranka ee loo igmaday waxanuna ka rajaynaynaa inay saaxiib dhow la noqdaan guud ahaan shaqaalaha wasaarada dardar geliyaan hawlaha baaxada leh ee shaqo ee wasaaradu qaranka uga masuulka tahay.
15/12/2022
Xukuumada Somaliland ayaa saaka 50 qoys oo danyar ah oo ka soo jeeda gobolada barri ee dalka ku wareejisay maal-galin ganacsi .
26/03/2021
Dhalinyaro ay Haayada Care international Ku Tababartay Wacyi-gelinta Tacadiyada la dhanka ah jinsiga , ayaa Kulan Wacyi Gelineed oo Mudo Laba Cisho ah (2 days) socday Kusoo Gebagebeeyay Degmada ee Gobolka Sanaag waxana gebagebadii soo afmeeeeay kulanka masuuliyinta wasaaradaha shaqogelinta arima habulshada iyo qoyska iyo wasaarada sports ka
10/01/2021
HAMBALYEYN IYO SAGOOTIN
Anigoo ah maamulaha wasaarada shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyska Waxan halkan hambalyo uga dirayaa wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyska JSL Md. Mustafe maxamuud cali bille
oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Maanta oo taariikhdu tahay 10/1/2021 u magacaabay wasiirka Wasaaradda shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyskan JSL, waxay alle uga baryayaan inuu xilkaas culus ku asturo.
SAGOOTIN
==========
waxan hambalyo iyo sagootin u dirayaan Wasiirki h**e ee Wasaaradda Shaqo galinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Marwo , Hinda jaamac xirsi oo mudadii ay joogtay wasaaradda muujiyey dedaal,karti, iyo daacadnimo oo ay ku horumarisay wasaaradda qaybaheeda kala duwan.
Maamulaha wasaarada shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyska ee degmada ceelafwein
Jaamac cilmi ismaaciil
29/09/2020
Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay madaxa hay,adda WFP.
Ugu horayna waxay wasiirku ka dhegaysatay warbixin la xidhiidha hawl qabadkooda.
ugu danbayna waxaa aad looga wada hadlay dardar gelinta hawlaha shaqo ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hay,adda WFP
05/09/2020
Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland Marwo Hinda Jaamac xirsi gaani ayaa maanta daah furtay kulan balaadhan oo lagu gorfaynaayo Xeerka kufsiga iyo xeerka gudniinka fircooniga ah.
Gorfayntan ayaa socon doonta mudo laba cisho ah.
31/08/2020
Iskaashi ay sameeyeen Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL iyo Shabakadda Online wax lagaga barto ee Coursera ayaa aqoon raadiyeyaal badan u sahlaya inay si fudud cilmiyo kala duwan uga bartaan shabakadaasi.
Waxan ka codsanaynaa dhalinyarada aqoon raadiska inay ka faaiidaystaan oo isdiwaan geliyaan see free ah
30/08/2020
Halkani waa degelka cusub ee wasaarada shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyska xafiiskeeda degmada ceelafwein kalo soco waxqabka iyo adeegyada kala duwan ee wasaarada uqabato shacabkeeda kudhaqan degmada ceelafwein iyo nawaaxigeeda
NB Aragtidiinu waa noo muhiim
Maamulaha wasaarada shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoyska degmada ceelafwein jaamac cilmi ismaaciil