14/12/2024
Guddoomiyaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Deg. CEEL-AFWEYN Mudane Yaasiin Cabdi Xaaji Ducaale iyo dhammaan bahda waxbarashada Deg. Ceel afweyn waxay hambalyo, bogaadin iyo duco u dirayaan dhammaan Golaha Wasiirrada cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Qaranka J SL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ( Cirro ).
Waxa ay si gaar ah ugu hambalyeynayaan isla markaana ay Ilaahay uga baryayaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Horumarinta Sayniska Mudane Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf iyo Wasiiru-Dawlaha Cusub ee Waxbarashada, Barbaarinta iyo Horumarinta Sayniska Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul...
Hambalyo iyo shaqo wacan.
16/09/2023
Maasha Allaah Xildhibaan Salah Mohamed Diriye wllo waad ku mahadsan tahay dedaalka aad dadkaaga iyo dalkaaga la garab-taagan tahay. Runtii waa dhiirri-gelin aad u qaaliya, waana deeq ardaygu waxbarashada heer-jaamacadeed ugu baahan yahay in uu helo computer uu wax ku barto.
Waxan in aad tahay xildhibaankii koowaad ee Reer Ceel Afweyn ah oo waxtar u muujiya waxbarashada Ceel-Afweyn.
Waxan xusayaa h**e masuuliyiin deeq-waxbarasho naga caawisay, oo Reer Ceel Afweyn ahaa waxayna ahaayeen laba nin:
1. Maareeye-xigeenkii h**e ee madbacadda Qaranka Maxamed C/raxmaan Liibaan (AHUN) oo naga caawiyey Jaamacadahana Deeq-Waxbarasho uga helay tiro arday ah.
2. Xildh. Cumar Jaamac Faarax( oo isagoo aan xildh. ahayn ardaygii ugu sarreeyey Deeq-waxbarsho siiyey).
Intaasu waa inta aan ka xasuusanahay waxtarka masuuliyiinta Ceel afweyn ee ardayda Jaamacadaha ee hab wasaaradeed soo mara laguna xisaabtamo ( way jiri kartaa in masuuliyiin gaar gaar cid wax u taray ay jiraan) laakiin halkan kuma xusayo maaddaama aanay ahayn wax caam ah oo Reer Ceel afweyn oo dhan ka dhexeeyey.
Mar kale waxa aan kaaga mahad-naqayaa in aad jeebkaaga uga iibiso kambuyuutarro afarta arday ee ugu sarreeya ardayda ka baxday sannadkan Dugsiga Sare ee Ceel-afweyn ( adigoo aan cid gaara u xidhin ee ay ku mutaysanayaan natiijadooda imtixaanka). Bahda Waxbarashada Ceel afweyn abaalkaas waa kuu hayaan.
Mar kale waxan fursaddan uga faa'iideysanayaa in aan ka codsado masuuliyiinta Reer Sanaag oo dhan, gaar ahaan kuwa Reer Ceel Afweyn in ay Deeq-waxbarasho u raadiyaan intii la heli karoba ardayda Reer Ceel afweyn, mid dalka ah iyo mid dibadeedba, iyadoo loo eegayo danta iyo derehada uu ardaygu imtixaanka keenay, maaddaama Ceel afweyn tahay Degmada keliya ee aan lahayn Jaamacad ardaygu wax ka baran karo isagoo gurigooda jooga!
Ardaydana waxan ku dhiirri-gelinayaa in ay waxbarashada ay sii wadaan duruuf kasta oo la kulanta, isla markaana ay ka midho-dhaliyaan fursadaha waxbarasho ee ay helaan. Waxa iga xasuusin ah oo aan Reer Ceel afweyn oo dhan, masuuliyiin iyo shacab, qurbo-joog iyo qolqol joogba, u sheegayaa in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo nabadda oo ah halka Ceel afweyn ka dayacan tahay.
Allaa mahad leh,
Keyse Shire Saalax,
Gudd. Waxb. Deg. Ceel Afweyn.
14/09/2023
Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahad leh. Mar labaadka waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda sannadkan ka qalin-roganaysa dugsiyada H/dhexe ee Degmada Ceel afweyn iyo Dugsiga Sare oo natiijo aad u fiican keenay imtixaannadii shahaadiga ahayd iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah ardaydaas, iyadoo welibana ilaalinta imtixaankuna wanaagsanaynd.
Degmada Ceel afweyn ayaa kaalinta 3aad ka gashay natiijada celceliska dugsiyada SL oo ah qiimaynta ugu sarraysa ee ay hadda Wasaaradda Waxbarashadu samayso maaddaama la joojiyey 10kii arday oo la qiineeyo celceliska ardayda ee dugsi kasta iyo degmo kasta.
Ardayda sannadkan ee dugsiga sare ayaa ku gudbey natiijo ah sidan:A= 34 arday B= 5 arday
C+= arday.
Waxa kale oo xusid mudan Dugsiyada h/dhexe oo imtixaanka ay u fadhiisteen 11 Dugsi oo kala ah 1. Dhoollayare 2. Nugaal 3. Huluul 4. Bohol 5. Bixin 6. Godwaraabe 7. Xamilka 8. Kal-sheekh 9. Godcaanood 10. Ceel Nimcoon 11. Laasdoomaarre ayaa dhammaantood natiijo fiican keenay, mana jirto cid ka dhacday. Si gaar ah Dugsiyada Nugaal iyo Dhoollayare ayaa ardaydoodu ay natiijo aad u sarraysa keeneen.
Inkastoo sida caadiga ah Dugsiyada Degmadu guul soo hooyaan imtixaannada haddana wax weyn oo innaga dhiman ayaa jira oo aynu gaadhi kari lahayn haddii isku-tashi bulsho la helo. Tusaale ahaan Degmada oo dhan hal(1) Dugsi sare ayaa ku yaalla halka degmooyin innaga yar ama innala mida ay Dusgiyo sare oo badan oo arday badani ka baxdo leeyihiin.
Waxa iyana ayaan-darro kale ah in dagaallada sokeeye iyo kala fogaanshaha bulsho ay sababto in Dugsiyadu xidhmaan, dugsiyo badani dumaan marka ciidammadu degaan, waxbarashadu dib-u-dhacdo (sida haddaba jirta). Waxa kale oo niyad-jab joogto ah ku ah ardayda iyo macallimiinta in tirada ardaydu marka lasoo kobciyoba ay wax dhacaan oo haddana sagxadda dib looga soo bilaabayo mar kasta oo wax dhacaan!
Marka mustaqbalka la eego ma faani karno haddaynu nahay Reer Ceel Afweyn si kasta oo aynu guul u keenno inta aynu sidaa nahay ee mustaqbalka ubadkeennu hubanti la'aanta ku jiro!
Natiijadii imtixaanka halkan bay ardayda, macallimiinta, maamuleyaasha iyo waalidiintu ka eegan karaan, dhammaan Dugsiyada Degmada oo dhan.
Waad mahadsan tihiin,
Keyse Shire Saalax.
Gudd. Waxb. & Sayniska Deg. CEEL-AFWEYN Ee Gobolka Sanaag.
14/09/2023
Alxamdulillaah.. Hambalyo Dugsiyada Ceel-Afweyn iyo deegaannada hoos yimaadda, darajada ay Degm. Usoo hooyeen. Maasha Allaah.
04/09/2023
Taariikhda lama sheegin, nin nabad qaatay ama samray oo ku khasaaray! Colaad-sokeeyena cid ka faa'iddey lama sheegin.