Badbaadinta Galmudug
Golaha Badbaadinta Galmudug
Waa page rasmiga ah ee Golaha Badbaadinta Galmudug
20/04/2022
Shirkii guddiga madasha Badbaadada Galmudug ayaa saacad ka hor soo gabagab**bey.
Filo dhowaan faahfaahint!
26/03/2022
Allah ha u naxariisto Xil Aamina.ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜
Guddiga doorashada Galmudug oo Madaxa loo furay, kadib markii ay si cadaalad ah u soo gaba gabeyeen doorshada xildhibaan.
15/03/2022
Waxaan uga mahadcelinaa madaxweyne Ahmed Abdi Kaarie in uu kusoo dhameeyey doorshadii waqtiga loo qabtay.
Sidoo kale waxaan ku bogaadinaa sida uu u Ilaaliyey kuraasta haweenka oo uusan ka hoos marin dorashadii 2016.
Waxaa Galmudug kasoo baxay dad dhisan oo soomaali hogaami kara waxaana ka rajeynaa in iyaga iyo saxiibadooda kale ay dalka u xulaan hogaamiye ka gudbiya caqabadaha horyaala.
Reer Galmudug State waxaan u rajeynaa in ay gacmaha la isqabsado loona midoobo xasiloonida iyo horumarinta deeganada GM.
.
13/03/2022
2 World class players and Qabiir Jarnaal Waayo arag ah and Amb Cabdisalam Dhabancad,he’s on another level…💙
60 Cod Qaali
55 Cod Cagaweyne
51 Cod Amb dhabanacad
13/03/2022
Maxay kula tahay?
13/03/2022
Doorashada 3-daan kursi ayaa maanta ilaa caawa ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Saddaxda Kursi ayaa mid ka mid ah waxaa kusoo baxay xildhibaankii h**e ugu fadhiyay Kursiga, halka Labada kale ay yihiin kuwa cusub.
05/03/2022
Waa kursiga hop069 oo sanadkaan wata xiiso gooni ah, waxaana u sharaxan wiil iyo abtigiis.
Yaa mudan oo matali kara Galmudug Alcadaala iyo Odowaa?
Badbaadi Galmudug.
02/02/2022
Madasha Badbaadada Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka socda qeybo kamid ah degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud.
Goluhu waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsanyahay xaaladaha amni darro ee ku soo kordhay Galmudug, iyagoo waxgaradka ugu baaqay in loo istaago joojinta colaadaas.
Fiqi " Qoor Qoor wuxuu Galmudug ka furtay kawaan uu qofba mar ku qasho"
22/01/2022
Afhayeenka Madasha Badbaadada Galmudug Awil Suudi ayaa warbaahinta la wadaagay Ujeedooyinka Madashu u taagan tahay
MADASHA BADBAADADA GALMUDUG WAXEY U TAAGANTAHAY
1. Uruurinta iyo abaabulidda waxgaradka reer Galmudug ee ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee isbedel-doonka ah.
2. Ka badbaadinta Galmudug kooxaha danaystayaasha ee ay gacanta u gashay iyo dhismaha Galmudug midaysan, loo dhan yahay, danaha dadkeeda ka shaqaysa ayadoo loo marayo wadada Sharciga ah ee ugu suurtagalsan sida ugu dhaqsaha badan.
3. La socodka iyo diiwaangalinta tacadiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada, musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda ee uu geysanayo hogaanka Galmudug.
4. Ka difaacidda Galmudug in aysan gacanta u gelin kooxaha argagixisada ah waqtiga kala guurka ah iyo wacyigelinta bulshada in ay iska difaacaan cadowga.
5. Ka ilaalinta Galmudug in aysan ka dhicin b**b doorasho oo sabab u noqda dagaallo, fowdo iyo xasillooni darro la xakamayn waayo, ayadoo la diiwaangelinayo b**bka doorashada isla markaana dacwad ka dhan cid kasta oo ku lug yeelata la gudbin doono.
Ugu danbayn, waxaan caddaynaynaa in Madasha Badbaadada Galmudug ay soo dhowaynayso xubin ka noqoshada qof kasta oo reer Galmudug ah oo ku qanacsan mabaadi’da iyo ujeedooyinka ay u taagan tahay, Isla markaana diyaar u ah ka qeybgalka hawlaha Madasha.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Dhuusamarreeb
