19/03/2026
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Mudane Ali Eid ayaa Alle uga baryay in uu ka aqbalo dhammaan muslimiinta soonkii, salaaddii, iyo acmaashii wanaagsanaa ee lagu waynaynay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu ka dhigo kuwa ku guulaysta ajarka iyo dembi dhaafka.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in munaasabadda Ciidul Fidriga ay tahay maalin farxad, iyo isu naxariisasho, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug in la isu naxariisto, gacanna la siiyo bulshada kuwooda nugul.
14/03/2026
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa manta kormeer shaqo ku tagay Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada waxana u halkaasi kula dardarmay Masuliiyiinta iyo Howlwadenada Wasaarada in adeegyada Wasaarada la daadajiyo oo Shacabka Galmudug ee Dagmooyinka iyo Deeganada lo dhaweeyo.
Wasirkii Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Wasiir ahmednuur ayaa sheegay in Wasaarada ay qoday in ka badan 100 ceel biyood oo nooca Solar ka ah hadana ay dhamaysay Shaybaarka biyo ee ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan Xariga laga jaridoono.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirki h**e ee Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Wasiir ahmednuur iyo Waasiirka Cusub ee Wasaarada abdulahi Maxamed Dahir oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye.
19/02/2026
Tacsi
Inaa Lilaahi Wa’inaa Ilaah Rajicoon
Madaxweynaha Dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kaariye , Madaxweyne kuxigeenka Ali Dahir Eid Gudomiyaha Barlamanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal waxay ka tacsiyaynayan Geeridii ku timid Marxuun Ganacsade Raawe Suleiman Ciid,
Alaha u naxariiste Marxuunka Raawe Suleiman Ciid waxaa uu ahaa Ganacsade Sadaqo badan dadkuna aad u jecel yihiin
Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa Qoyskiisii, Ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaan Leenahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo Amiin Amiin Amiin.
17/02/2026
MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO HAMBALIYO KU ADAN BILASHADA BISHA RAMADAAN U DIRAY SHACABKA GALMUDUG
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed , gaar ahaan Shacabka Dowlada Goboleedka Galmudug.
Mudane Ciid ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay fursad qiimo leh oo Alle loogu dhawaanayo, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo acmaasha khayrka leh, gaar ahaan is-cafinta, isku duubnida bulshada iyo garab istaagga dadka tabaaleysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fadliga bisha barakaysan, isla markaana ay dalkooda iyo dadkooda ugu duceeyaan nabad, xasillooni iyo horumarka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in Ramadaantu tahay bil lagu xoojiyo qiyamka Islaamka ee naxariista, samafalka iyo wadajirka, isaga oo Alle uga baryay in uu shacabka Soomaaliyeed ku gaarsiiyo bishan kheyr, barwaaqo iyo nabad waarta.
17/02/2026
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa manta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Masuliyiinta ugu sareysa hay,ada Caalamiga ah ee ICRC.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa Hay,ada ICRC Kala hadlay ka qayb qadashasa Gurmadka Abaraha iyo dhamaystirka Mashaaricda Hay,ada ay ka wado Galmudug.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.
10/02/2026
Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u Heshisiinta Galmudug.
04/02/2026
Madaxweyne kuxigenka Galmudug oo furay Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030)
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, uga furay Shirka La-tashiga Dowladda Galmudug ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030).
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, ayaa ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo is-waafajin buuxda oo u dhexeeya Qorshaha Istaraatiijiga ah ee WFP iyo Qorshaha Isbeddelka Galmudug 2026–2030, si loo xoojiyo hoggaaminta dowladeed, lahaanshaha qaranka, iyo saameynta waarta ee barnaamijyada la fulinayo.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Cabdullaahi Dhagacade, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda shirka, isagoo xusay in ka-qaybgalayaasha lagala tashanayo qaabka, mudnaanta, iyo jihada mashaariicda horumarinta, xasilinta, iyo gargaarka bini’aadannimo ee shanta sano ee soo socota laga hirgelin doono Galmudug.
Shirka waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal guud, maamulka degmooyinka, iyo madax kale oo dowladeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya dejinta aragti mideysan oo ku saabsan horumarinta iyo adkeynta adkeysiga bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa ku ammaanay ka-qaybgalayaasha shirka doorkooda firfircoon iyo ka-qaybqaadashadooda wax ku oolka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadatashi ballaaran iyo iskaashi dhow si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.
03/02/2026
MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA UN KA
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Ali Dahir Eid ayaa Madaxtooyada Dowladda Galmudug ee Dhusmareeb ku qabilay wafdi ka socda UN ka
Madaxweynaha iyo Wafdiga ayaa waxay ay ka wada hadleen Dadargalinta Mashaaricda ka socota guud ahaan Galmudug iyo Qorshaha 2026-2030.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Weheliyay Wasiiro ka tirsan Dowlada Galmudug iyo Masuliyiin kale oo u ka mid yahay Gudomiyaha Gobolka Galgaduud.
18/01/2026
MADAXWEYNE KUXIGENKA GALMUDUG OO MASHAARIC DHAGAX DHIGAY.
Madaxweyne kuxiigenka dowladda Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa manta Caasimada Dhuusamareb ka dhagax dhigay Dhismaha labbo suuq oo xoolaha ah, oo laga hirgalinayo Gobolka Galgaduud.
Sido kale Mashruucan ayaa waxa qayb ka ah qodista labo ceel biyood, oo laga kala qodi doono Gobolada Galgaduud iyo Mudug Mashruucan waxaa Sido kale ka mid ah Ambulance yo logu talogalay Caafimadka Xoolaha oo labo ah iyo Waro biyood 10 garaya oo Xoolaha ay ka cabi doonan
Dhaman mashaariicdan waxaa Fulinaya Wasarada Xananada Xoolaha ee Dowlada Galmudug waxayna wax tar u leeyihiin horrumarinta xoolo dhaqatada Galmudug
Dowlada Galmudug ayaa waxay Wayadan awooda saraysay Horumarinta Xoolo dhaqatada iyo Beeraleeyda Galmudug waxana laga sameeyay horumar wanagsan.
05/10/2025
SHIRKA GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO LAGU ANSIXIYAY MIISAANIYAD SANADEEDKA 2026 .
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Galmudug oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Shirkaan ayaa waxaa warbixin dhanka waxqabadka Dowladda ah loga dhagaystay Wasaaradaha kala ah
1 Howlaha guud iyo guriyaynta
2 Wasarada Qorsheeynta
3 Wasaarada Caafimaadka
4 Wasaarada Beeraha iyo Warabka
5 Wasarada Kaluumaysiga
6 Wasaarada Maaliyada
Golaha ayaa ka dooday islamarkana ansixiyay Miisaaniyadda sanadeedka Dowladda Galmudug 2026 oo gaaraysa $49,7015,000 (Afartan iyo sagaal milyan iyo Todoboboqol)
Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigenka Galmudug ayaa faray Golaha Wasiirada in adeegyada Dowladda la daadajiyo loona dhaweeyo deegaanada laamiga ka fog iyo kuwa Khawaarijta laga xoreeyay.
23/09/2025
MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO FURAY SHIR LOGA TASHANAYO HORUMARINTA WADOOYINKA ISKU XIRA GOBOLADA SOOMAALIYA.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Somaaliya Project Steering Committee (PCS )
Furitaanka shirka ayaa waxaa goob-joog ka ah wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee DFS Dr Calmi Maxamed Nuur iyo wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyeeynta dowladda Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir iyo Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Somalia.
Shirkan ayaa waxaa kaqayb galay guddiga haga mashruuca Road infrastructure programme Somalia (RIPSOM) oo ka kooban wasiiradda Hawlaha Guud ee DFS iyo wasaaradaha Hawlaha guud iyo guriyeeynta dowlaha xubnaha ka ah DFS iyo shaqaalaha mashruuca.
Shirkan oo afartii biloodba mar la qabto ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlayaa waxayaabaha u qabsoomay mashruuca muddadii u dhaxeysay shirkan iyo kii h**e iyo sidoo kale hawlaha cusub ee u qorsheysan inu mashruucu qabto muddooyinka soo aaddan.
Gabagabada Shirka Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye ayaa Saxiixaya Dhismaha wado 60KM oo dhismaheedu bilaaban doono bisha October 2025.