21/11/2025
Waxaan farxadda la wadaageynaa Munaasabadda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed 21 November.
Hambalyo Macalin 🫡
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gargaar, Social service, Dhuusamarreeb.
21/11/2025
Waxaan farxadda la wadaageynaa Munaasabadda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed 21 November.
Hambalyo Macalin 🫡
Guddoomiyaha Gargaar Ahmed Gaardiid iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray Deegaanka Xananbuure iyaga oo dhiirigalin ugu tagay ardayda dugsiga hoose ee Iskuul Xananbuure.
Kulanka wacyi-galinta ah waxaa qayb ka ahaa Odoyaasha Dhaqanka, Waalidiinta Caruurta, Guddiga iyo Maamulka Iskuulka waxaana deegaanka ka muuqday ififaalo waxbarasho iyo mid nabadeed.
The Second Africa Climate Summit in Addis Ababa 🫡
Guddoomiyaha Ururka Gargaar, Ahmed Gaardiid, ayaa ka qeybgalay Shirka Labaad ee Cimilada Afrika oo ka socda Addis Ababa. Ka qeybgalkaas ayaa ah markii ugu horreysay ee Gargaar ka qaybqaato shir caalami ah, waxaana uu muujinayaa go’aanka ururka ee la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo taageeridda bulshooyinka nugul ee Afrika.
Ururka Gargaar waxa uu doonayaa in uu xoojiyo iskaashiga iyo codka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo qayb ka noqonaya dadaallada waaweyn ee lagu wajahayo caqabadaha deegaanka iyo cimilada.
Gargaar Social service
06/09/2025
Guddoomiyaha Gargaar Ahmed Gaardiid, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia 🇪🇹 si uu uga qayb galo Shirweynaha Isbeddelka Cimiladda Afrika, kaas oo lagu gorfeeynayo caqabadaha iyo xalalka cimilada qaaradda.
Guddoomiyaha Gargaar oo booqday Samafasho Hibo NuuraHargeysa, Somaliland.
Guddoomiyaha hay’adda Gargaar, Ahmed Gaardiid oo safar rasmi ah ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa xafiiskeeda ku booqday Samafasho Hibo Nuura oo ka mid ah dhalinyarada hormuudka u ah arrimaha bulshada.Booqashada ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada u taagan adeegga bulshada iyo horumarinta deegaanka.
Guddoomiye Ahmed Gaardiid ayaa ku bogaadiyey Samafasho Hibo Nuura shaqada wanaagsan ee ay bulshada u qabato, gaar ahaan barnaamijyada waxbaridda hooyooyinka ku ganacsada suuqyada Hargeysa.
02/09/2025
United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia
𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆 – Axmed Cabdullaahi Axmed waa u ololeeye arrimaha waxbarashada Soomaaliya oo aad u firfircoon. Ka dib markii uu ka soo gudbay caqabado waaweyn oo dhanka waxbarashadiisa ah, waxa uu hadda taageeraa jiilka soo socda, si uu wax uga beddelo noloshooda isaga oo u maraya ururka Gargaar, oo ah mid aan dowli ahayn oo ay ka go'an tahay in ay helaan waxbarasho tayo leh carruurta ku nool miyiga iyo xeryaha barakacayaasha.
Xananbuure Magaalo Soo_kabaneysa.
28/08/2025
Guddoomiyaha Gargaar Ahmed Gaardiid oo wada kulanada uu la qaadanayo hay’adaha aan dowliga ahayn ee Puntland gaar ahaan Caasimadda Garowe, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Gargaar iyo hay’adahaas.
Guddoomiyaha ayaana booqday Xafiiska Ururka Warbaahinta Puntland (Media Association of Puntland) Xafiiska Dalladda Ururrada Naafada Puntland PDON - iyo Xafiiska Dalladda Dhalinyarada Gobolka Nugaal ee MUDAN Youth Umbrella.
Guddoomiyaha Gargaar Ahmed Gaardiid oo safar shaqo ku jooga magaalada Garoowe ayaa kulamo la qaadanaya hay’adaha aan dowliga ahayn, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Gargaar iyo hay’adahaas.
Intii uu safarka ku guda jiray Guddoomiyuhu wuxuu booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Dalladda Ururrada Naafada Puntland (Puntland Disability Organizations Network)
Galabta Iyo Xananbuure 👋
12/08/2025
“We’re proud to share that our Executive Director, Ahmed Abdullahi Ahmed Gaardiid, has been officially invited to participate in the Africa Climate Summit 2 (ACS2025).
It’s an honor to be part of this vital platform, contributing to key climate discussions that will shape Africa’s sustainable future.