Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia

Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia

Share

Welcome to the Ministry of Commerce and Industry-Galmudug State of Somalia

10/12/2023

Wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Cabdulqadir Abdullahi warsame ayaa khudbad ka jeediyey daahfurka maalgashiga dekadda hobyo.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 10/12/2023

Wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Cabdulqadir bdulqadir Abdullahi warsame ayaa ka qeyb galay dhagax dhiga Dhismaha Dekadda Hobyo oo lagu dhisayo isku tashi.

Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug iyado kaashanaysa Ganacsatadda reer Galmudug dadaal badan ku bixisay Dhismaha Dekadda Hobyo oo muhiimad gaar ah u leedahay dadka dagan Galmudug iyo kuwa dariska la ah.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 28/11/2023

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo uu wehliyo wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Abdulqadir Abdullahi warsame ayaa manta boqday Mashruca weyn ee Dagmada Caabudwaaq logu dhisayo Suuq weyn oo la yirahdo Jubba Markeet.

Suuqaan oo Gabogabo maraya ayaa waxaa dhisaya wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug oo kaashanaysa EU waxaana ku ganacsan doona ganacsatada yar yar ee Magaalada Caabudwaaq kuwaas oo horay ugu ganacsan jiray meelo aan ku habonayn

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa u mahadceliyay Shirka Dhisaysa Suuqan oo si casri ah u dhistay waxa uu sido
kale Maamulka iyo Shacabka Dagmada ugu baqay in ay ilaalsadan suuqan casriga ah

Wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Abdulqadir Abdullahi warsame ayaa dadaal badan ku bixinaya side ay uheli lahaayeen Ganacsatadda reer Galmudug suuqyo casri ah .

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 10/08/2023

MADAXWEYNAHA JFS & MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO SIWADAJIR AH U XARIG JARAY XARUNTA BANIGAGA DHEXE EE DHUUSAMARREEB.

Dhuusamarreeb, 10-ka Agoosto 2023; Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa siwadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in bangiga dhexe xaruntiisii Dhuusamarreeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho

Wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane prof Abdulqaadir Abdullahi Warsame ayaa bogaadiyo in bangiyada private ka loo Soo dhaweeyo adeegyadii ay meela fog uaadi jireyn si ay ufududaato howlaha Gansiga ka jira Galmudug.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 24/07/2023

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoorqoor) oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Dowlad Goboleed Galmudug Mudane Sakaria Shariif Ahmed ayaa xarigga ka jaray Suuqa Casri oo laga dhisay Magaalada Dhuusamareeb.

Suuqaan laga dhisay Dhuusamareeb oo ka kooban 62 Mehradood ayaa Mashruuca lagu dhisay waxaa hirgalisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana gacan ka geystay Midowga Yurub, Iyadoo ay qayb ka tahay dedaallada Arrimaha Soo Kabashada Ganacsiga Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Waxay dadaal badan ku bixineysaa sidii loo helilahaa suuqyo casri ah.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 04/06/2023

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane xil.mahad sh Ali ibaar oo ay wehliyan qaar ka mid ah Golaha wasiirada dowladda Galmudug iyo duqa caasimada ayaa ka qeyb galey doorashada gudoonka Ganacsatada caasimada Galmudug

Munaasabada oo si heer sare leh loo soo agaasimey kana dhacday xarunta degmadda dowladda hoose ee Dhuusamareeb, ayaa xubnaha Ganacsatada iska dhex doorteen Guddoonka ganacsatada Dhuusamareeb, iyadoo doorashada ay ku soo baxeen
Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen hogaamin doona Ganacsatada Caasimadda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug ayaa bogaadiyey sida wanaagsan ay isku doorteyn Ganacsatada caasimada wuxuuna balan qaaday in dhamaan degmooyinka dhiman ay tusaale unoqon doonto doorashadii adkeyd ee meeshan ka dhacay

Ugu danbeyn wasiirka ayaa hambalyo udiray Gudoomiyaha iyo kxigeenka cusub ee rugta Ganacsiga caasimada in alle la Garab Galo xilka culus ee loo igmaday.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 27/05/2023

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Galmudug Mudane Abdulqadir Cabdullaahi warsame oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Sakaria Shariif Ahmed ayaa maanta ka qeyb galey shir loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada gaarka ah oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga federal ka iyo hay’adda DAI

Shirkan, ayaa lagu soo bandhigay laba daraasaddood oo ka hadlaayey ganacsiyada aan tooska ahayn ee iskaga gudba xuduudaha taas oo jidka u xaadhaysa xidhiidh ganacsi oo si rasmi ah u dhexmara wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo weli ba sidoo kale daraasad ka hadlaysa Iskaashatooyinka iyo ururada ganacsiyada gaarka ah

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug ayaa sheegay in shirkaan muhiimad weyn uyahay Ganacsatada caqabadaha heysta Lagu ogaan doono

Labadan daraasaddood, ayaa ahmiyad weyn u leh fududeynta ganacsiga, dhiiri-gelinta maalgashiga iyo horumarka ganacsiyada gaarka ah, waxaana ay tani sii horumarin doontaa wada-hadalkii dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah taas oo xoojin doonta xalinta caqabadaha inta badan soo waajaha ganacsiga dalka.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 15/05/2023

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug mudane Abdulqadir Cabdullaahi warsame oo ay wehliyan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Mudane Sakaria Shariif Ahmed iskuduwaha wasaaradda ee caasimada Mudane Bashiir Cali Cabdikariin ayaa Magaaladda Dhuusamaereeb ee Casimadda Galmudug kaga qeyb galay Shir wadatashiya oo uu dhaxeyay wafdi ka socday haya’dda WFP iyo haya’ddaha kala duwan ee Dowladda Galmudug.

Shirkaan ayaa inta uu socday waxa diirada lagu saaray Dib u dhiska iyo Xoojinta Ha'ayddaha Dowladda ee shaqa wadaaga la ah WFP .

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 14/05/2023

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Sakaria Shariif Ahmed ayaa ka qeyb galey Shirka Agaasimeyaasha Guud ee Dowladda Galmudug

waxaa shirka daah-furay Madaxweyne kuxigeenka dowladda Galmudug Mudane Ali Dahir Eid

Shirkaan oo looga hadlayay Dardargalinta howlaha Wasaradaha iyo Arimaha Dib u heshiisinta ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug iyo Wasiirka Qorsheynta Galmudug.

Shirkaan ayaa sido kale Diirada lagu saray Arimaha Dimuquraadiyaynta iyo Adeeg Daadajinta

Agaasimaha ayaa halkaas ku Soo bandhigay Hormarada la taaban karo ay gaartay Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha kana sameysay deeganada kala duwan ee Galmudug iyo Caqabadaha horyaala.

Photos from Ministry of Commerce and Industry- Galmudug State of Somalia's post 07/05/2023

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug Mudane Sakaria Shariif Ahmed oo uu wehliyo isku duwaha wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha ee caasimada dhuusamareeb Mudane Bashiir Cali Cabdikariin Ayaa kormeeray habsami u socodka Dhismaha Suuq casri ah oo ay yeelaneyso caasimada Dowladda Galmudug

Dhismaha suuqaan ayaa kamid noqonaya mashaariicda Horumarineed iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee laga hirgalinayo Magaalada Dhuusamareeb

Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowlada Galmudug ayaa waqti badan ku bixineysa sidii uhelilahaayeen Ganacsatada rer Galmudug Goobo casri ah oo ay ku Ganacsadaan

Agaasimaha ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyey Midowga yurub oo mashruucan maalgeliyey iyo sidoo kale wasiir ka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Galmudug oo juhdi ku bixiyey in Galmudug laga hirgaliyo suuqyo la jaan qaadi Kara caalamka .

15/04/2023

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug ayaa isku duwaha wasaaradda umagacaawday Degmada dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Ayuu Mudane Bashiir Cali Cabdikariin u magacaabay in uu noqdo Isku duwaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Degmada dhuusamareeb.

Dhamaad.

22/03/2023

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Galmudug waxay ugu hambalyey neeysaa guud ahaan caalamu islami gaar ahaan Ganacsatada reer Galmudug iyo ummadda Soomaaliyeed curashadda Bisha Ramadan

Sidoo kale wasaaradda Ganacsiga waxa ay ganacsatada ugu baaqeysaa in ay ummadda reer Galmudug udhimriyaan fadliga Bisha Ramadaan.
رمضان مبارك كل عام وانت بخير

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Dhusamareeb
Dhuusamarreeb