Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug

Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug, Government Organization, Galmudug, Dhuusamarreeb.

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 14/09/2025

Nairobi, September 13,2025.

Waxaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo ku saabsanaa qiimeynta hawlihii iyo qorshayaashii Mashruuca SERP ee soo socday mudadii sanad iyo barka ahyd ee lasoo dhaafay.

Intii uu socday kulankani ayaa waxaa lagu falanqeynayay guulahii la gaaray mudadii uu shaqaynayay mashruucu, natiijooyinka muuqda ee lataaban karo, caqabadahii iyo culaysyadii lala kulmay, iyo waxyaabaha xiga ee diirada lasaari doono kuwaa oo uu mashruucani kala shaqeyn doono Hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Mashruuca SERP Soomaaliya, madax ka socotay Dowladda Federaal ka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo howl wadeenada Mashruuca.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Galmudug Marwo Amina Maxamed Faarax oo ay wehliyaan xubno katirsan xafiiskeeda ayaa qayb ka ahaa kulankaasi muhiimka ah.

Guddoomaha ayaa kahadashay ahmiyadda uu leeyahay kulankani iyadoo soo jeedisay in lasii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda iy Mashruuca si loo xaqiijiyo fulinta hawlaha qorsheysan, ka gudbidda caqabadaha taagan iyo ka mira dhalinta guulaha lafilayo.

Gabagabadii iyo gunaanadkii kulanka waxaa lagu ballamay h**e usocod iyo isku duubni si loo wada xaqiijiyo fulinta arimihii muhiimka ahaa ee kasoo baxay shirka.

๐——๐—›๐—”๐— ๐—”๐—”๐——.
๐Ÿ“Œ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ
๐—ง๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐—ถ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—ช๐—ฒ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜๐—ฒ: ๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ.๐—ด๐—บ.๐˜€๐—ผ

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 21/06/2025

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฅ๐—ฎ๐˜†๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—ฏ๐—ป๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐˜…๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐—บ๐—ฝ๐˜‚๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป ๐—ธ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ถ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ.

Aqoon kororsigan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka kala socday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Guddiyada Shaqaalaha Rayidka iyo Wasaaradaha Shaqada.

Aqoon kororsigan oo daarnaa barashada aqoonta iyo khibradda Dowladda Malaysia ee la xiriirta hanaanka bixinta adeega guud iyo maamulka Shaqaalaha ayaa intii uu socday ka qeybgalayaashu waxey fursad u heleen in ay booqdaan xafiiska Ra'iisulwasaaraha Dowladda Malaysia iyo Wasaarada Maamulka Shaqaalaha ee dalkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Galmudug Marwo Aamina Maxamed Faarax oo kalimad ka jeedisay madasha ayaa tibaaxday muhiimadda aqoon kororsigani uleeyahay qeybaha kala duwan ee Shaqaalaha Dowladda si ay iyaguna ubixiyaan adeeg hufan oo waxtar lataaban karo uleh bulshada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa u mahdcelisay xubnaha kasocday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo Dowlada Malaysia ba sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweyeen xil gooni ahna isaga saareen wafdigan ballaaran ee matelayay Dowladda Soomaaliya intii ay joogeen Dalka.

Wabilaahi Towfiiq.

๐——๐—›๐—”๐— ๐—”๐—”๐——.
๐Ÿ“Œ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ
๐—ง๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐—ถ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—ช๐—ฒ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜๐—ฒ: ๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ.๐—ด๐—บ.๐˜€๐—ผ

01/05/2025

๐—›๐—”๐— ๐—•๐—”๐—Ÿ๐—ฌ๐—ข ๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ฆ๐—›๐—”๐—ค๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—”๐——๐——๐—จ๐—จ๐—ก๐—ž๐—”

๐——๐—›๐—”๐— ๐—”๐—”๐——.
๐Ÿ“Œ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ
๐—ง๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐—ถ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—ช๐—ฒ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜๐—ฒ: ๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ.๐—ด๐—บ.๐˜€๐—ผ

29/03/2025

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐— ๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—œ๐—ถ๐—ฑ๐˜‚๐—น ๐—™๐—ถ๐—ฑ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Galmudug Marwo: Aamina Maxamed Faarax ayaa Hambalyadda Ciidul Fidriga lawadaagtay Dhammaan Umadda Muslimiinta ah, kuwa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Shaqaalaha Dowladda Galmudug meel kasta oo ay dunida kajoogaan.

Guddoomiyaha ayaa Allah kabarisay in Ciidan Ciideeda uu inagu gaarsiiyo caafimaad-qab, cibaado suuban iyo in Allah (SWT) inaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan la nimaadno Insha'Allah.

๐——๐—›๐—”๐— ๐—”๐—”๐——.
๐Ÿ“Œ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ
๐—ง๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐—ถ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ
๐—ช๐—ฒ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜๐—ฒ: ๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ด๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐—ฐ๐˜€๐—ฐ.๐—ด๐—บ.๐˜€๐—ผ

08/03/2025

Hambalyo Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso๐Ÿ‘ธ.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA DAWLADDA GALMUDUG MARWO AAMINA MAXAMED FAARAX WAXA AY HAMBALYO IYO BOGAADIN UDIREYSAA DHAMMAAN HOOYOOYINKA IYO GABDHAHA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA MAALINKAN GAARKA AH AWGEED.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
___________________________________
๐Ÿ“ŒBooqo Ciwaanada Guddiga
Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ณ๐’‚๐’‡๐’‚๐’๐’ˆ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 23/02/2025

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA SHAQAALAHA RAYID-ka AH EE GALMUDUG MARWO AAMINA MOHAMED FARAH AYAA KA QAYB GASHAY MADASHA DIB-U-HABEYNTA MAAMULKA GUUD EE DOWLADDA.

Shirkan oo socday muddo seddax cesho ah ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaashada Guddiyada Shaqaalaha Dowladda ee labada heer, Agaasimeyaasha Guud, Lataliyaal iyo xeel dheerayaal kala duwan.

Muddadii seddaxda cesho ahayd ee uu socday shirkan ayaa waxa shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya XFS, waxana looga dooday arrimaha hortebinta u leh Dib-u-habeynta Maamulka Guud ee Dowladda, iyadoo ugu dambayn laga soo saaray qorshe-howleed faahfaahsan. Qodobada looga hadlay waxa ka mid ah; Dhaqangelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka & Mushaaraadka, Warbixinta Qiimeynta Tababarrada Shaqaalaha, Siyaasadda Shaqo baradka (Internship), kor u qaadista Doorka Haweenka ee Shaqaalaha Rayidka, Siyaasadda Qaranka ee Tababarrada, Dhaqangelinta Sharciga Howlgabka & Liiltirka iyo qodobo kale.

Guddoomiye Amina ayaana shirka ka jeedisay Guulaha la taaban karo ee Xafiiska Guddiga ka gaaray horumarinta shaqaalaha gaar ahaan qiimeynta baahiyaha tababarrada iyo joogteynta kormeerkooda waxa ayna Guddoomiye Amina ku nuux-nuuxsatay ahmiyadda ay leedahay in kor u qaadista Doorka Haweenka ee Shaqaalaha Dowladda.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
___________________________________
๐Ÿ“ŒBooqo Ciwaanada Guddiga
Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ณ๐’‚๐’‡๐’‚๐’๐’ˆ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 20/02/2025

Dhuusamareeb 20 Feb 2025

Xubno ka socda Guddiyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Xafiiska Gudiga Shaqaalaha Galmudug.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug Mudane Abdikafi Dahir ayaa Xarunta Dhexe ee Guddiga kusoo dhaweeyay Madaxda ka Socotay Guddiyada Shaqaalaha Rayidka Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal ka Soomaaliya.

Ugu h**eyn Agaasimaha ayaa Dhambaal Bogaadin ah ka Guddoomay Xubanaha Hirshabele, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidoo kalana Diiradda lagu saarey sidii loo Dardargelin lahaa Horumarinta Cududa Shaqaalaha Dowlada iyo sidii loo Dhaqangelin lahaa Shuruucda Gudiyada shaqaalaha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud Guddiga ayaa Wafdiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ku yimaadeen Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug iyo shaqooyinka Muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka Soomaaliya.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
___________________________________
๐Ÿ“ŒBooqo Ciwaanada Guddiga

Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ณ๐’‚๐’‡๐’‚๐’๐’ˆ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 19/02/2025

Dhuusamareeb, February 20-2025 Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Galmudug Ayaa maantay magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay Aqoon kororsi socon Doono muddo labo cisho ah,

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda PREMIS2 Waxaa kasoo qeyb galay xubno sarsare oo kasocda Guddiyada Shaqaalaha Rayidka Dowladaha xubnaha Ka ah Dowladda Federalka sida Hirshabele, Jubbaland iyo koonfur galbeed.

Tababarkaan Ayaa diiradda lagu saarayaa Kobcinta kheyraadka shaqaalaha, Isbedelada Kheyraadka shaqaalaha, Horumarinta Kartida gudiyada, Hantidhowrka Shaqaalaha iyo Dulmarka Aqoon-is-weydaarsiga Maareynta Mushaharka.

Munaasabadda furitaanka Tababarka waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Guddiga Mudane Abdikafi Dahir Bare isagoo Ku bogaadiyay kulana dardaarmay xubnaha Guddiyada kasocday inay Ka faa'iideystaan aqoonta la bari doono Ugana faa'iideeyaan saaxiibadooda shaqada marka ay dib ugu laabtaan goobaha shaqada.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud Ayaa U mahadceliyay Hay'adda PREMIS2 iyo Lataliye Warsame oo ah masuulka bixinayay Tababarkan heerkiisu sareeyo.

Dhamaad.

___________________________________
๐Ÿ“ŒBooqo Ciwaanada Guddiga
Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ณ๐’‚๐’‡๐’‚๐’๐’ˆ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚

28/01/2025

TACSI
( ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ )
"โ€Žุฅู† ู„ู„ู‡ ู…ุง ุฃุฎุฐ ุŒ ูˆู„ู‡ ู…ุง ุฃุนุทู‰ ุŒ ูˆูƒู„ ุดูŠุก ุนู†ุฏู‡ ุจุฃุฌู„ ู…ุณู…ู‰ "

Guddoonka Sare ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Agaasimaha Guud, Howl wadeenada xafiska & Dhammaan Shaqaalaha Rayidka waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qarabada, ehelada, asxaabta ayagoo ka tacsiyeynaya geerida ku timid Allaha u naxariisto Marwo Sharo Xirsi maxamuud.

Marxuumadda waxaan Alle uga baryeenaa inuu qabrideeda U waasiciyo, Janatul Firdowsa kawaraabiyo .

Walaasheen Astur Xirsi maxamuud iyo Guddoomiye Bishiir Cabdul oo ay si gaar ah u taabanayso geeridu waxaan leenahay Samir iyo limaan Alle hanaga siiyo.

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ุง ูˆุงุฑุญู…ู‡ุง ูˆูˆุณุน ู…ุฏุฎู„ู‡ุง ูˆุงุบุณู„ู‡ุง ุจุงู„ู…ุงุก ูˆุงู„ุซู„ุฌ ูˆู†ู‚ู‡ุง ู…ู† ุงู„ุฎุทุงูŠุง ูƒู…ุง ูŠู†ู‚ูŠ ุงู„ุซูˆุจ ุงู„ุงุจูŠุถ ู…ู† ุงู„ุฏู†ุณ.

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 30/10/2024

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA AH MARWO: AMINA MOHAMED FARAH IYO XUBNO SARSARE OO KATIRSAN XAFIISKA GUDDIGA AYAA KA QAYB GALAY SHIRKA LABAAD EE MADASHA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD GOBOLEED EE DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA DOWLADDA OO LABADII MAALIN EE LASOO DHAAFAY LAGU QABTAY NAIROBI.

Madasha waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Shaqaalaha, Lataliyayaal iyo Masโ€™uuliyiin labada heer ee dowladda waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanga guud iyo hagaajinta maamulka shaqaalaha.

Guddoomiye Aamina Sheikh oo shirka ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsatay guulaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Galmudug ka gaaray Maamul Wanaaga iyo xiriirka kala dhaxeeya Guddiga Heer Federaal iyo Kuwa Heer Dowlad Goboleed.

Ugu dambeyn Guddoomiye Amina oo qayb ka ahayd Dood Wadaag Maalintii Labaad ee shirka ayaa ka hadashay ahmiyadda ay leedahay in lahelo tababarro tayo leh oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dowladda.

Nairobi, Kenya
30-October-2024
___________________________________
๐Ÿ“ŒBooqo Ciwaanada Guddiga
Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ณ๐’‚๐’‡๐’‚๐’๐’ˆ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚

Photos from Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Gobaleedka Galmudug's post 09/10/2024

The Galmudug Civil Service Commission conducted a two-day Stress Management Workshop for Civil Servants. The Work Shop aimed to help participants understand workplace stress, recognize individual and collective stressors, introduce stress management tools, & develop stress management action plans.

___________________________________
๐Ÿ“Œ Please visit to link's
Twitter https://twitter.com/galmudugcsc
Instagram: https://instagram.com/galmudugcsc
Website: www.galmudugcsc.gm.so

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Galmudug
Dhuusamarreeb

Opening Hours

Monday 08:00 - 05:30
Tuesday 08:00 - 04:00
Wednesday 08:30 - 04:50
Thursday 08:00 - 05:00
Saturday 08:00 - 05:00
Sunday 08:00 - 05:00