Wasaaradda Caafimaadka Galmudug

Directions Website Contact the organization

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Bogaan waa kan rasmigaa ee Wasaaradda Cafimaadka Galmudug. This is the official page

Dhuusamareeb, 22 September 2026.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Ca...
22/09/2026

Dhuusamareeb, 22 September 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Daryeelka Aasaasiga ah ee Degdegga ah ee Hooyada iyo Dhallaanka.

Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan sidii ay si hufan uga jawaabi lahaayeen xaaladaha degdegga ah ee ku yimaada hooyada iyo dhallaanka, loona hubiyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Tababarkan waxaa bixinaya khubaro iyo tababarayaal aqoon iyo waayo-aragnimo u leh adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waxaana ka qaybgalaya shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka ee uu taageero JRP.

Dhuusamareeb, 21 Sebtembar 2026Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaa...
21/09/2026

Dhuusamareeb, 21 Sebtembar 2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qabatay shirka toddobaadlaha ah ee qiimeynta iyo qorsheynta howlaha shaqo.

Shirka waxaa guddoomiyay madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Muscab Xassan Muuse, waxaana looga hadlay qiimeynta waxqabadka iyo howlihii shaqo ee Wasaaradda ay qabatay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu dejiyay qorshe-hawleedka toddobaadka soo socda, iyadoo mudnaanta la siinayo dardargelinta howlaha muhiimka ah, xoojinta wada shaqeynta waaxyaha kala duwan iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Shirkaan toddobaadlaha ah ayaa qeyb ka ah hannaan joogto ah oo Wasaaraddu u adeegsato qiimeynta waxqabadka, qorsheynta howlaha iyo xaqiijinta in waajibaadka shaqo loo fuliyo si hufan oo waafaqsan qorshayaasha Wasaaradda.

Galkacyo, 20 Sebtembar 2026Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Maxamuud Ax...
20/09/2026

Galkacyo, 20 Sebtembar 2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar ku saabsan isku-dhafka adeeg-bixinta tallaalka, kaas oo loo qabtay shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee Gobolka Mudug.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan habka isku-dhafka ah ee loo bixiyo adeegyada tallaalka, si loo xaqiijiyo in bulshada ay hesho adeegyo tallaal oo tayo leh, joogto ah, hufan, isla markaana si habboon uga hirgala xarumaha caafimaadka iyo degmooyinka.

Tababarka waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug iyo Jaamacadda Jazeera, iyadoo iskaashigan lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha caafimaadka iyo xarumaha waxbarashada, lana horumarinayo aqoonta iyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyey shahaadooyin ka-qaybgalayaasha, kuwaas oo si guul leh u dhammaystay tababarka. Shahaadooyinkaas ayaa loogu talagalay in lagu aqoonsado dadaalka, ka-qaybgalka iyo aqoonta ay ka kororsadeen tababarka, si ay uga faa’iidaystaan shaqadooda iyo adeegyada ay bulshada u fidinayaan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, ayaa ku boorriyey ka-qaybgalayaasha in aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka heleen ay si toos ah ugu dabaqaan goobahooda shaqo, si loo xoojiyo adeegyada tallaalka iyo daryeelka caafimaad ee bulshada.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
16/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Caafimaadka Degmada Ceelguula, taas oo qayb ka ah socdaal shaqo oo uu baryahan ku marayay xarumaha caafimaadka ee Gobolka Mudug.

Intii uu Wasiir Dowluhu ku guda jiray booqashada, waxa uu kormeer ku sameeyay adeegyada caafimaad ee xaruntu bixiso, xaaladda guud ee xarunta, iyo baahiyaha jira ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiir Dowlaha ayaa sidoo kale la kulmay maamulka iyo shaqaalaha xarunta, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada maalinlaha ah, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh xarunta, si loo sii xoojiyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada.

Booqashada Wasiir Dowlaha waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
15/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Caafimaadka Degmada Wisil, halkaas oo uu ugu kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad ee xaruntu u fidiso bulshada deegaanka.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Wasiir Dowlaha ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee xarunta, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka iyo howlwadeennada caafimaadka, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Ugu dambeyn, Wasiir Dowlaha ayaa bogaadiyey dadaallada ay wadaan maamulka iyo shaqaalaha Xarunta Caafimaadka Degmada Wisil, isagoo ballanqaaday in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo taageerada xarumaha caafimaad ee gobollada iyo degmooyinka Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
14/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Caafimaadka Degmada Xero-Dhagaxleey, taas oo qayb ka ah socdaal shaqo oo uu baryahan ku marayay xarumaha caafimaadka ee Gobolka Mudug.

Intii uu Wasiir Dowluhu ku guda jiray booqashada, waxa uu kormeer ku sameeyay adeegyada caafimaad ee xaruntu bixiso, xaaladda guud ee xarunta, iyo baahiyaha jira ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiir Dowlaha ayaa sidoo kale la kulmay maamulka iyo shaqaalaha xarunta, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada maalinlaha ah, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh xarunta, si loo sii xoojiyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada.

Booqashada Wasiir Dowlaha waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Dhuusamareeb, 14 Sebtembar 2026 .Shirka toddobaadlaha ah ee qiimeynta iyo qorsheynta shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo ...
14/09/2026

Dhuusamareeb, 14 Sebtembar 2026 .

Shirka toddobaadlaha ah ee qiimeynta iyo qorsheynta shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Dhexe ee Wasaaradda.

Shirka waxaa guddoomiyay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Cabdifitaax Duraan Salaad, waxaana diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadkii iyo hawlihii la qabtay toddobaadkii lasoo dhaafay, iyo dejinta qorshe-hawleedka toddobaadka soo socda.

Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale si faahfaahsan looga wada hadlay hawlaha u yaalla Wasaaradda, caqabadaha jira iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
14/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarumaha caafimaadka deegaanada Qeydaro iyo Daqay, halkaas oo uu ugu kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.

Intii uu socday booqashada, Wasiir Dowlaha ayaa kormeeray xarumaha caafimaadka, isagoo qiimeeyay adeegyada ay bulshada u fidiyaan, xaaladda shaqaalaha caafimaadka, iyo baahiyaha ka jira xarumaha, si loo xaqiijiyo in bulshada deegaanka ay hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh oo joogto ah.

Wasiir Dowlaha waxaa booqashada ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Masuuliyiinta ayaa kulamo iyo wada-tashi la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka, iyagoo ka dhageystay baahiyaha iyo caqabadaha jira, waxaana la adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee deegaanada Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
13/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Caafimaadka Deegaanka Baraag-Ciise, halkaas oo uu u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad ee xarunta iyo baahiyaha caafimaad ee bulshada deegaanka.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka ayaa dhagax-dhigay ballaarinta Xarunta Caafimaadka Baraag-Ciise, oo ay bulshada deegaanka iska kaashadeen dhismaheeda iyo horumarinteeda. Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka iyo isku-duubnida bulshada deegaanka ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka.

Ugu danbeyn Wasiir Daahir ayaa bogaadiyey dadaalka ay bulshada deegaanka ugu jirto dhismaha iyo ballaarinta xarunta, isagoo xusay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ay garab taagan tahay bulshada, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Baxdo, 13 September 2026.Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fii...
13/09/2026

Baxdo, 13 September 2026.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Baxdo iyo Xarunta Caafimaadka Maarsame, halkaas oo uu u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad iyo baahiyaha ka jira xarumahaasi.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirku wuxuu kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha maalinlaha ah, caqabadaha horyaalla, baahiyaha qalabka caafimaad, daawooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada deegaanka. Waxa uu sidoo kale dhiirrigeliyey shaqaalaha caafimaadka, isagoo ku boorriyey inay sii wadaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiir Dowlaha ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ay sii wadi doonto kormeerka iyo taageerada xarumaha caafimaadka, si loo hubiyo in bulshada deegaanka Baxdo, Maarsame iyo deegaanada ku xeeran ay helaan adeegyo caafimaad oo ku filan, hufan, kana jawaaba baahiyahooda.

Address

18
Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caafimaadka Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Caafimaadka Galmudug:

Shortcuts

Share