24/04/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xeyle, ayaa ka qeyb galay madashii labaad ee Horncenter Dialogue Platform, oo saddexdii bilba mar la qabto.
Madashan ayaa diiradda lagu saaray mowduuca:
“Hababka Waxtarka Leh ee Xallinta Khilaafaadka Bulshada, Gaar ahaan Xilliyada Doorashooyinka.”
Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan wax ku ool ah oo lagu xalliyo khilaafaadka bulshada, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka oo inta badan keena xiisado iyo kala aragti duwanaansho. Waxa uu xusay in wada-hadal furan, ka qeybgal bulsho, iyo in la tixgeliyo duruufaha gaarka ah ee deegaanka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo nabad iyo xasillooni waarta.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashi dhow oo ka dhexeeya dowladda, bulshada rayidka ah, iyo hoggaanka dhaqanka uu door weyn ka qaadan karo ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta kalsoonida bulshada inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka.
23/04/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Cabdullaahi Cumar Aadan (Sakiin), ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray kulanka Technical Working Group (TWG) ee qorshaha Isbeddelka Galmudug 2026–2030.
Kulankan oo laba maalmood ka socday Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha deegaanka,, howlaha guud, dastuurka iyo haweenka, guddoomiye ku-xigeenka dib-u-heshiisiinta degmada Ceelbuur, iyo wakiillo ka socday hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah (INGOs), kuwa maxalliga ah (LNGOs), iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan, isku waafajinta mudnaanta horumarineed ee Galmudug, iyo dardargelinta hirgelinta qorshaha Isbeddelka 2026–2030.
22/04/2026
Dhuusamareeb: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Maxamed Dhagacade, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Cumar Aadan (Sakiin), ayaa maanta ka furay magaalada Dhuusamareeb kulanka Technical Working Group (TWG) ee qorshaha Isbeddelka Galmudug 2026–2030.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha deegaanka, ganacsiga, iyo howlaha guud, Haweenka ,guddoomiye ku-xigeenka dib-u-heshiisiinta Ceelbuur, iyo wakiillo ka socday hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah (INGOs), kuwa maxalliga ah (LNGOs), iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan, isku waafajinta mudnaanta horumarineed ee Galmudug, iyo dardargelinta hirgelinta qorshaha Isbeddelka 2026–2030.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray dib-u-eegista horumarka la gaaray, falanqeynta caqabadaha jira, iyo dejinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo yoolalka qorshaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo horumar waara, xasillooni, iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay ee Galmudug.
DHAMMAAD
Farxaan ahmed abdi
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug,
31/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xayle, ayaa degmada Guriceel uga qeyb galay xiritaanka Shirka Madasha Maayarada Galmudug oo sanadkan lagu qabtay magaalada Guriceel, kaas oo maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa lagu kulmiyay dhammaan maayarada degmooyinka Galmudug iyo guddoomiyeyaasha gobollada Mudug iyo Galgaduud. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xayle, ayaa sheegay in dowladda Galmudug ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta maamulada degmooyinka, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada.