Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug

Share

kusoo dhawaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug's post 11/07/2020

Madaxweynaha Galmudug ayaa daahfuray shirka wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madashaan waxaa goobjoog ka ah xubno ka tirsan golayaasha Xukuumadda DXDF iyo xildhibaano heer fadaraal ah iyo bulshada rayidka.ShirkaWadatashiga2020
-Dhammaad-

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug


Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug's post 06/07/2020

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Mudane Wasiir Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi Waayeel) ayaa sheegey in Siyaasadda Arimaha Gudaha ee Galmudug aay ka duwan tahay saay ahaan jirtey.

Socdaalkii Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa ay ku tageen Guud ahaan Deegaanadda Galmudug ayuu Wasiir Cabdi Waayeel ku sheegey inaay aheyd fursad dahabi ah oo soo martey Shacabka Galmudug taasoo loo baahan yahay in laga faaideysto.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug's post 16/06/2020

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor -Qoor) oo uskugu Jirta Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa Safar dhulka ah ku tagey Degmooyinka u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jamaac Cabdi waayeel oo kamid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegey in Safarkaani yahay mid loogu kuu galayo Xaaladda Shacabka Galmudug.

Socdaalka Wafdigaan ayaa yididiilo iyo Farxad ku abuurey Guud ahaan Shacabka Galmudug.

Xaafiiska Arimaha Bulshadda ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib i heshiisiinta Galmudug.

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug's post 08/06/2020

Shirka Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Galmudug oo Gaalkacyo ka dhacay.

Shirkaan ayaa waxaa Shir Gudoominaayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Shirkaan ayaa looga hadlayey Siddii loo dardar galin lahaa Howlaha Shaqo ee Horyaala Xukuumadda Galmudug.

05/06/2020

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdiwaayeel) ayaa deegaanka Bandiiradleey Maanta ku furey Shir Dib u heshiisiin ee la dhex dhigayey Labbo beelood oo Colaadi ka dhaxaaysa.

Furitaanka Shirka Kadib Wasiirka ayaa Safar u aadey deegaanka Hobyo halkaas oo uu Shaqo Kasoo qabanayo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug waxeey Diiradda saartey Dib u heshiisiinta iyo Dhisidda Goloyaasha deegaanka taasoo hormar iyo Hiigsi u ah Umadda Reer Galmudug.

26/05/2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa soo saaray Guddi Farsamo oo daadihin doona dhisitaanka Golayaasha Deegaanka Galmudug.

Shaqo wacan

16/05/2020

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi Waayeel) oo Waraaysi siiyey Idaacadda Voada ayaa kaga hadlay booqashaddii uu dhawaan ku tagey deegaanka Qalanqalle isaga iyo Wasiiro ka tirsan Golaha Wasiiradda Galmudug,

Photos from Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug's post 13/05/2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi Waayeel) ayaa maanta booqasho ku tagey deegaanka Qalaanqale isagoo shaqaaqadii ka dhacday halkaasi amaro kasoo saarey.

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Dhuusamarreeb
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00