Galmudug State TV

Directions Website

Galmudug State TV Bogga Rasmiga ah ee Talafeshinka Dowladda Galmudug

The Offical Page of Galmudug State Television

08/10/2026

Hay’adda Ifrah Foundation ayaa maanta Degmada Cabudwaaq ka bilowday ololaha wacyigelinta ee ku saabsan ka hortagga Gudniinka Fircooniga (FGM) iyo dhaqangelinta Xeerka Ka-hortagga FGM-ka ee Dowladda Galmudug.

08/10/2026

Baraha kiiska loo haysto Maxamed Abdi Jaamac ayaa maxkamadda uga warbixiyay sida ay habeenkaas wax u dhaceen.

08/10/2026

Munasabada Furitanka imtixanka Culuumta Sharecada oo ay u faristen Ku dhawaad 50 arday oo wax Ka baraty Mu'asasada Xayatu Diin faraceda degmada Xero dhagaxley ee Gobolka Mudug

Hay’adda Ifrah Foundation ayaa maanta Degmada Cabudwaaq ka bilowday ololaha wacyigelinta ee ku saabsan ka hortagga Gudni...
08/10/2026

Hay’adda Ifrah Foundation ayaa maanta Degmada Cabudwaaq ka bilowday ololaha wacyigelinta ee ku saabsan ka hortagga Gudniinka Fircooniga (FGM) iyo dhaqangelinta Xeerka Ka-hortagga FGM-ka ee Dowladda Galmudug.

Ololahan oo loogu magac daray Born Perfect Caravan, ayaa gaari doona dhammaan degmooyinka Galmudug, iyadoo ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda wacyiga bulshada, xoojinta hirgelinta sharciga, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka bulshada ee dadaallada lagu ciribtirayo FGM.

08/10/2026

Dhuusamareeb: Askari ku eedeysan inuu dilay askari kale.

Taliye Ku-xigeenka CID-da Gobolka Galgaduud, Dhamme Cabdulqaadir Abshir Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xafiisk...
08/10/2026

Taliye Ku-xigeenka CID-da Gobolka Galgaduud, Dhamme Cabdulqaadir Abshir Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xafiiska C.I.D-da Degmada Xeraale

Taliyaha ayaa booqday Xarunta CID-da degmada, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha CID-da.Degmada.Xeraale).Taliye.Axmed Deeq Abdullahi.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliye Cabdulqaadir Abshir Cali ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo howlwadeennada C.I.D-da degmada, isagoo kula dardaarmay inay si hufan, masuuliyad iyo Cadaalad ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay casriyeynta adeegyada bulshada iyo horumarinta hadafka baarista dambiyada, si loo xoojiyo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlaha baarista dambiyada iyo tayeynta adeegyada hay’adaha amniga ee Gobolka Galgaduud.

08/10/2026

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug ayaa maanta magaalada Galkacyo ku qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlay xaaladda tamarta iyo fursadaha maalgashiga.

Maamulka iyo Sarakisha Amniga degmooyinka Xarardheere iyo Wisil ayaa kulan looga hadlayay amniga deegaannada Koonfurta M...
08/10/2026

Maamulka iyo Sarakisha Amniga degmooyinka Xarardheere iyo Wisil ayaa kulan looga hadlayay amniga deegaannada Koonfurta Mudug ku yeeshay duleedka deegaanka Ceelhuur, oo hoostaga degmada Xarardheere.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, wada-shaqeynta ciidamada iyo maamulka, iyo sidii deegaannada looga sifeyn lahaa Khawaarijta, loona adkeyn lahaa nabadgelyada bulshada.

Ciidanka Xoogga Dalka, ciidanka deegaanka iyo Maamulka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan oo k...
08/10/2026

Ciidanka Xoogga Dalka, ciidanka deegaanka iyo Maamulka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay tuulooyinka Jiracle iyo Hareeri Jimcaad, oo hoostaga deegaanka Caad ee Degmada Xarardheere.

Ciidamada ayaa gaaray goobo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta, waxaana ay xaqiijiyeen ammaanka tuulooyinka uu howlgalka ka dhacay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kaa shanaya Maamulka Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ay God walbe uga daba galayaan kooxda aragagixida ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere.

07/10/2026

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka Ayaan Hassan Siyaad ayaa maanta waxay booqasho iyo kormeer ku tagtay Xaruunta Dowaladda hoos ee magalada Galkacyo, oo dhismaheedu meel gab gabo ah marayo.

Address

Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug State TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share