Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Government Organization, Dhuusamarreeb.

19/03/2026

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dowlladda galmudug Ali maxamuud Faarax Ali (Zeko), ayaa uga hambalyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda Muslimiinta munaasabadda Ciid-ul-Fitriga.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

12/02/2026

Waiirka Warfaafinta dowladda Galmudug ayaa maanta furay kulanka wadatashiga hindise-sharciyeedka saxaafadda Galmudug, kaas la-tashiyo kadib la horgeyn doono golaha wasiirrada.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 11/02/2026

Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa soo qaban-qaabisay kulanka wadatashiga hindise-sharciyeedka saxaafadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda furitaanka hindise-sharciyeedka saxaafadda Galmudug mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Ganeey
Duqa Caasimadda Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Geeda Qorow
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Galmudug, Eng. Maxamed Dhago-cadde,

Kulanka wadatashiga xeerka saxaafadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay inta badan suxafiyiinta Galmudug, kuwaas oo laga kala keenay dhammaan deegaannada Galmudug si ay uga qeyb qaataan wadatashiga.

Ugu horreyn, kulanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Warfaafinta Dowladda Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Zeko), isaga oo ka hadlay dardargelinta xeerka saxaafadda iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray.

Dhanka kale, Duqa Caasimadda Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Geeda Qorow, ayaa bogaadin iyo dhiirrigelin u jeediyay saxafiyiinta ka soo qeyb galay kulanka, isagoo ku ammaanay doorkooda muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Ganeey, ayaa si faahfaahsan uga hadlay marxaladihii adkaa ee la soo maray iyo sida ay muhiim u tahay in Galmudug yeelato saxaafad leh xeerar iyo nidaam qeexaya xiriirka u dhexeeya saxaafadda iyo dowladda.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Eng. Maxamed Dhago-cadde, ayaa isaguna si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in saxaafadda Galmudug hesho xeer rasmi ah oo hagaya howlaha warbaahinta.

Ugu dambeyn, bahda saxaafadda Galmudug ayaa si weyn u soo dhoweeyay kulankan wadatashiga ah ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Galmudug.
Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 12/01/2026

Maanta waxaan Magaalada Dhuusamareeb Ka furmay tababar ku saabsan tebinta anshaxa leh ee tacadiyada jinsiga ku salaysan (GBV), kaas oo loogu talagalay wariyaasha Dhusamareb, Tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ).

Agaasimaha Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Xasan Cabdiraxmaan Aadan Fantastic, oo ka hadlay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay mudnaan siinayso tayeynta saxafiyiinta iyo xoojinta anshaxa saxaafadeed. Waxa uu intaa ku daray in wasaaraddu ay sii wadi doonto taageerada tababarro sare u qaadaya xirfadda warbaahinta, gaar ahaan tebinta arrimaha xasaasiga ah ee la xiriira GBV.

Dhanka kale, Nimco Xasan Cabdi, Xoghayaha Abaabulka ee NUSOJ, ayaa ka hadashay ahmiyadda tababarkan. Waxay xustay in warbaahinta ay door muhiim ah ka ciyaarto tebinta tacadiyada jinsiga ku salaysan, iyadoo ku adkaysay in tebintu noqoto mid ku dhisan anshax, asturnaan iyo ilaalinta karaamada dhibbanayaasha, si warbaahintu uga qeyb qaadato wacyigelinta bulshada halkii ay waxyeello kale ka geysan lahayd.

Sidoo kale, Maxamuud Cismaan (Beerey), Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo ku dheeraaday doorka ururrada saxafiyiintu ku leeyihiin difaaca xuquuqda wariyaasha iyo horumarinta xirfaddooda. Waxa uu xusay in tababarrada noocan ah ay muhiim u yihiin sare u qaadista anshaxa saxaafadeed, gaar ahaan tebinta arrimaha xasaasiga ah sida tacadiyada jinsiga ku salaysan, wuxuuna wariyaasha ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iideystaan aqoonta lagu gudbinayo tababarka.

Ugu dambeyn, Mudane Cilmi Cali Ganey, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, ayaa ku ammaanay NUSOJ dadaalka ay ku horumarinayso saxafiyiinta. Waxa uu sheegay in la dagaallanka tacadiyada jinsiga ku salaysan uu u baahan yahay wada-shaqeyn buuxda oo ay ka qeyb qaataan dowladda, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey wariyaasha Dhuusamareeb inay noqdaan codka kuwa la dulmay, kana shaqeeyaan faafinta wacyiga iyo ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha.

Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 07/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Cali Maxamuud Farax (Cali Seko), ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furay tababar kor loogu qaadayo awoodda wariyeyaasha ee dhinaca xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xorriyadda warbaahinta,iyo ka hortagga hadalka naceybka, iyo ka fogaanshaha kicinta rabshadaha, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka.

Wasiirka ayaa wariyeyaasha kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan tababarada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta saxaafad masuul ah oo ku dhisan anshax, xaqiiqo iyo isla-xisaabtan.

Dhanka kale, Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug ayaa sheegay in tababarkani ku soo aaday waqti xasaasi ah, isagoo wariyeyaasha ku boorriyay inay si qoto dheer u fahmaan doorkooda inta lagu jiro doorashooyinka, kana fogaadaan hadallada naceybka ah iyo wax kasta oo kicin kara rabshado ama qalqal bulsho.
Saxaafad masuul ah waa tiirka nabadda iyo dimuqraadiyadda.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo taageero ka helaya United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), gaar ahaan Xafiiska Xuquuqda Aadanaha

Dhamaad

21/10/2025

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo Bogaadiyay Shacabka Xarardheere: “

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Galmudug, Mudane Cali Maxamuud Faarax (Cali Zeko), ayaa ugu hambalyeeyay shacabka degmada taariikhiga ah ee Xarardheere, kadib markii si rasmi ah loo bilaabay qaadashada kaararka codbixinta ee doorashooyinka ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay billowga hanaankaasi inuu yahay guul weyn oo shacabka iyo Dowllada Galmudug wada gaareen, isaga oo si gaar ah u ammaanay ka-qeybgalka iyo ka-go’naanta shacabka Xarardheere ee ku aaddan dhismaha dowladnimo sal adag leh.

Shacabka Xarardheere waxay muujiyeen wacyi, waddaniyad iyo biseyl siyaasadeed oo lagu faano. Rabitaankooda ah in ay codkooda si xor ah u dhiibtaan waa tusaale la isku dayi karo, una baahan in la taageero,” ayuu yiri Wasiir Cali Zeko.

Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee Xarardheere ku leedahay taariikhda, dhaqanka, iyo dhaqaalaha Galmudug. Wuxuu sheegay in degmada ay astaan u tahay dulqaad, dadaal iyo halgan, taasina ay si dabiici ah uga dhigeyso hormuudka isbedelka dimuqraadiga ah ee hadda socda.

Ugu dambeyn, Wasiir Cali Zeko ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug, gaar ahaan kuwa degmooyinka aan weli si buuxda u bilaabin qaadashada kaarka codbixinta, inay ku daydaan dadaalka shacabka Xarardheere, si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan oo ku dhisan nidaamka qof iyo cod.

19/10/2025

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo Dhuusamareeb ka Daahfuray Tababar ku Saabsan Doorka Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah ee Hirgelinta Qoondada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Cali Maxamuud Faarax (Cali Zeko),
oo ka hadlyay furitaanka tababarka ayaa
“booriyay bahda saxaafadda in si buuxda uga faa’iidaysataan doodaha iyo fikradaha la is dhaafsanayo muddada labada maalmood ah. Dhamaadka kulanka waxaan rajaynayaa in ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo la taaban karo.”

Tababarkan ayaa waxaa gacan ka geysanaya Hay’adda Qaramada Midoobay ee Taageerada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 07/10/2025

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Galmudug Cali Maxamuud Faraax (Cali Seeko) ayaa maanta magalada Dhuusamareeb, tababaar aqoon-is-weydaarsi ah uga furay 25 suxufi oo ka howlgala gudaha Galmudug.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 26/08/2025

Agaasimaha waaxda Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Xasan Abdi Rahman Fantastic, Ayaa Tababar ugu furay 22 wariye oo ka kala socda xarumaha warbaahinnada kala duwan ee magaalada Dhusamareb , Tababarku wuxuu socon doonaa muddo 3 maalmood, waxaana loo qabtay si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda saxaafadda.

Tababarku wuxuu ku saabsan yahay horumarinta sinaanta jinsiga ee warbaahinta, waxaana si wadajir ah u soo agaasimay Somali Women Journalists Organization (SWJO) iyo IMS (International Media Support).

Maalinta 1-aad waxaa diiradda lagu saaray kala-bixinta fikradaha iyo caadooyinka ku aaddan jinsiga ee saameeya warbaahinta — iyo sida xulashada ilo-wareedyada ay u qaabeeyaan wakiillada iyo codadka bulshada.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 18/08/2025

Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug
ayaa bilowday dhameystirka xeerka saxaafadda Galmudug ee muddo dheer qabyada ahaa. Waxaa sidoo kale maalmaha nagu soo aaddan la bilaabi doonaa kulammo wadatashi ah oo la xiriira xeerka cusub ee ay yeelanayso saxaafadda Galmudug.

Waxaa la filayaa in xeerkan uu wax badan ka beddelo caqabadihii h**e uga jiray saxaafadda Galmudug. Sidoo kale, xeerkan wuxuu horseedi doonaa horumar iyo nidaam hufan oo lagu hago warbaahinta ka howlgasha deegaannada Dowlada Galmudug.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowlada Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Zeko), xeerkaan cusub wuxuu wax ka beddeli doonaa dhibaatooyinkii horay uga jiray saxaafadda, iyadoo la rajeynayo inuu noqdo mid waxtar u leh saxaafadda Galmudug.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 14/08/2025

Agaasiamaha guud ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Galmudug, Abuukar Shiikh Nuur ayaa magalada Dhuusamareeb ku soo xiray aqoon isweydaarsi muddo labo maalmood ah ka socoday Dhuusamareeb, kaas oo ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya.

Aqoon isweydaarsigaan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka warbaahinta ee geedi-socodka doorashooyinka dalka waxaana ka qeyb galay 20 suxufiyiin ah oo ka socota Hay’adaha Warbaahinta Galmudug.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug's post 13/08/2025

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo Furay Tababar Ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya

Dhuusamareeb, 13 Agoosto 2025– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), ayaa si rasmi ah u furay tababar laba maalmood ah oo ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka warbaahinta ee geedi-socodka doorashooyinka dalka waxaana ka qeyb galay 20 suxufiyiin ah oo ka socota Hay’adaha Warbaahinta Galmudug.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, oo ugu h**eyn ka hadlay furitaanka tababarka, ayaa sharaxay ajandaha aqoon-isweydaarsiga iyo muhiimada kor loogu qaadayo xirfadda iyo anshaxa suxufiyiinta xilliyada doorashooyinka.

Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Marwo Fartuun Axmed Xasan, ayaa tilmaamtay in tababarkan uu qeyb ka yahay taxane aqoon-isweydaarsi ah oo h**e loogu qabtay Muqdisho iyo Baydhabo, loogana golleeyahay in la xoojiyo fahamka saxafiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.

Mudane Cali Seeko Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa hadaljeedintiisa furitaanka kula dardaarmay suxufiyiinta ka faa'iidaysiga tababarkan oo ku soo aadday waqti ku habboon oo ay Galmudug ka socoto diiwaan galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka.

Aqoon isweydaarsigan ayaa yoolkiisu yaha kor u qaadista kaalinta warbaahinta ee tabinta doorashooyinka waxaana uu qeybka yahay barnaamij taxanaha oo lagu kobcinayo xirfadda iyo aqoonta Wariyayaasha oo Wasaaradda Warfaafinta XFS uu ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka (UNTMIS)

Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Dhuusamarreeb