17/03/2026
Ciidanka Galleyr ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Cali Mire kaddib howlgal guuleystay oo lagaga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Qeybta 21-aad iyo Ciidanka Madaxtooyada kuwaas oo muujiyey geesinimo iyo isku-duubni heer sare ah.
Waxaan u tacsiyeeyneynaa dhammaan intii ku naf waayey dagaalka Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Alle ha u boogo dhayo oo ha caafiyo.
19/01/2026
Maanta ayaan ka qeyb galay Kulanka Guddiga Joogtadaa ee Golaha Wakiillada Galmudug.
Kulanka ayaa looga dooday Ajandeyaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
Warbixinta xaaladda guud ee deegaannada Galmudug iyo saameynta Abaarta Sanadkaan.
Warbixinta is-diiwaan-gelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka Galmudug.
Diyaarin Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 13aad
Ansixinta Waqtiga furitaanka Kalfadhiga 13aad, iyo Ansixinta Kaarka Aqoonsiga ee Sanadkan 2026.
20/12/2025
Waxaan ka tacsiyaynaa geerida ku timid Nabdoon Daahir Sheekh Xasan waxaana tiiraanyada tacsidaa wadaagaa dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Marxuumka waxaan Alle ugu barya inuu siiyo naxariistiisa sidoo kale samir iyo iimaan buuxa allaha ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.
11/12/2025
Hambalyo wiilka aan Abtiga u ahay Farxaan Maxamed Cusman iyo Marwadiisa oo maanta ku aqal galay Caasimadda Soomaaliya ee Mugdisho. Reerka allaha barakeeyo abti oo kala hela Ubad baariya.
10/10/2025
Waan u mahadceleynaa Ciidamada Geesiyaashaa ee 24 Kii saac lasoo dhaafay shaqada culus ka qabtay Deegaankii dhibaatadu kadhacdey laguna laayay dad Birimageydaa. Waxaana rajeynayaa Sharciga in lamarsiin doono si kuwa danbe ugu waano qaataan Insha allah.
20/08/2025
Galmudug Hormarsan Hamblyo.
13/07/2025
Waxaan maanta iska diiwaan galinay Xaruumaha Codbixinta Doorashada Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka.
Waxaan Bulshada Galmudug ugu baaqayaa inay codkooda ku ciil baxaan doortaana Shaqsiga ayaga matali karo.
20/03/2025
khawaarij maalmihi u dambeyay ayay kujiraan oo dabarjar ayaa ku socda waqtigoodina waa soo dhamaday cidii meel ay joogan ugu tagta waa la mid waa hiil khawarij waana lala naarayaa
Fursad aad haysataa waa in aad ka fogaato meelaha ay ku dhuumaalaysanayan khawarijta naf La caariga ah.
18/03/2025
Waxaa wax laga xumaado ah in Wasiir Dawladda ka tirsan asagoo wax hubsan in uu dad shacaba oo lalayay ku tilmaamo AS, shacabkaan ayaa loo dilay aano qabiil waxa ayna sii horin kartaa Colaadaha sokeeye.
Dadka dhintay waa dad shacaba AS wuu dhex dagan yahay lkn AS maahan.
Magacyada raga dhintay waa kuwaan wasiir soo cadeey in eey AS yihiin
1. Nuur cali maxamuud
2. Indhacade fagiig
3. Cabdi waaxid xaashi warsame
4. Cabdi xaashi shidane