Hassan Hersi Hashi

Hassan Hersi Hashi

Share

Member of the House of Representatives of the Galmudug state of Somalia.

Gudoomiyaha Guddiga amniga, xuduudaha iyo arrimaga gudaha ee baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka GMG.

17/03/2026

Ciidanka Galleyr ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Cali Mire kaddib howlgal guuleystay oo lagaga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Qeybta 21-aad iyo Ciidanka Madaxtooyada kuwaas oo muujiyey geesinimo iyo isku-duubni heer sare ah.

Waxaan u tacsiyeeyneynaa dhammaan intii ku naf waayey dagaalka Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Alle ha u boogo dhayo oo ha caafiyo.

Photos from Hassan Hersi Hashi's post 19/01/2026

Maanta ayaan ka qeyb galay Kulanka Guddiga Joogtadaa ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Kulanka ayaa looga dooday Ajandeyaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

Warbixinta xaaladda guud ee deegaannada Galmudug iyo saameynta Abaarta Sanadkaan.

Warbixinta is-diiwaan-gelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka Galmudug.

Diyaarin Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 13aad

Ansixinta Waqtiga furitaanka Kalfadhiga 13aad, iyo Ansixinta Kaarka Aqoonsiga ee Sanadkan 2026.

20/12/2025

Waxaan ka tacsiyaynaa geerida ku timid Nabdoon Daahir Sheekh Xasan waxaana tiiraanyada tacsidaa wadaagaa dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Marxuumka waxaan Alle ugu barya inuu siiyo naxariistiisa sidoo kale samir iyo iimaan buuxa allaha ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

11/12/2025

Hambalyo wiilka aan Abtiga u ahay Farxaan Maxamed Cusman iyo Marwadiisa oo maanta ku aqal galay Caasimadda Soomaaliya ee Mugdisho. Reerka allaha barakeeyo abti oo kala hela Ubad baariya.

10/10/2025

Waan u mahadceleynaa Ciidamada Geesiyaashaa ee 24 Kii saac lasoo dhaafay shaqada culus ka qabtay Deegaankii dhibaatadu kadhacdey laguna laayay dad Birimageydaa. Waxaana rajeynayaa Sharciga in lamarsiin doono si kuwa danbe ugu waano qaataan Insha allah.

23/09/2025

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta u soo xiray tababar ciidan oo loo qabtay qayb ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug kuwaas oo bilihii la soo dhaafay layli iyo tababar dhameystiran ku qaadanayay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaan goobjoog ku ahayn Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Saraakiil Ciidan oo heerar kala duwan leh, iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha amniga.

Photos from Hassan Hersi Hashi's post 20/08/2025

Galmudug Hormarsan Hamblyo.

15/08/2025

Waxaan soo Booqanay Ciidanka Dib u xoreynta oo Taba-bar ugu socda Magaalada Xanan-buure .

Photos from Hassan Hersi Hashi's post 13/07/2025

Waxaan maanta iska diiwaan galinay Xaruumaha Codbixinta Doorashada Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka.

Waxaan Bulshada Galmudug ugu baaqayaa inay codkooda ku ciil baxaan doortaana Shaqsiga ayaga matali karo.

20/03/2025

khawaarij maalmihi u dambeyay ayay kujiraan oo dabarjar ayaa ku socda waqtigoodina waa soo dhamaday cidii meel ay joogan ugu tagta waa la mid waa hiil khawarij waana lala naarayaa

Fursad aad haysataa waa in aad ka fogaato meelaha ay ku dhuumaalaysanayan khawarijta naf La caariga ah.

18/03/2025

Waxaa wax laga xumaado ah in Wasiir Dawladda ka tirsan asagoo wax hubsan in uu dad shacaba oo lalayay ku tilmaamo AS, shacabkaan ayaa loo dilay aano qabiil waxa ayna sii horin kartaa Colaadaha sokeeye.

Dadka dhintay waa dad shacaba AS wuu dhex dagan yahay lkn AS maahan.

Magacyada raga dhintay waa kuwaan wasiir soo cadeey in eey AS yihiin
1. Nuur cali maxamuud
2. Indhacade fagiig
3. Cabdi waaxid xaashi warsame
4. Cabdi xaashi shidane

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Dhuusamarreeb
GM-067