Ahmed Ismail

Ahmed Ismail

Share

Public Prosecutor, Former politician, Social activist, LLM of International Law ECSU

Photos from Ahmed Ismail's post 25/02/2026

Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary waa darajada ugu sarraysa ee safiirnimo ee dawladi magcawdo, marka loo joogo xeerarka diplomasiyada gaar ahaan Vienna Convention on Diplomatic Relations.

Sadexda kelmedood waxay ka dhigan yihiin safiir buuxa oo ka wakiil ah madax weynaha haystana awood buuxda oo uu ku metelo dalkiisa, u saxeexo heshiisyo, kuna meteli karo wada xaajoodyo, dawlada isrealna way aqbashay.

Talaabadani waxay dhamaystiraysaa aqoonsigii ay dawlada Israel siisay jamhuuriyada Somaliland.

20/02/2026

T A C S I T I I R A A N YO L E H

انا لله وانا اليه راجعون كل نفس ذائقه الموت.

inaalillaahi wa ina ileyhi Raajucuun kuli Nafsatu Daaqidatu Mawod illhey Ha u Naxariisto Khadiijo Yaasin diiriya Oo xaqii u yimi

Waxaan ka tacsiyeynayaa Qoyskii qaraabadii iyo Bahda Ciidanka booliska.

illhey Samir iyo imaan Saadiqa ha inaga wada siiyo Marxuumadana janatu fardowsa Ha Ugu Deeqo
Waa bil barakaysana aamii

17/02/2026

Ramadan Mubarak ☪️

22/10/2025

Midnimo, walaalnimo, qaranimo.

Photos from Ahmed Ismail's post 05/10/2025

Heshiiskani waa political Understanding ama confidence building measure, heshiis siyaasdeed gudaha ah kaaso lagu xoojinayo amniga, dhaqaalaha iyo saamaynta siyaasadeed ee labada dhinac, laakiinse maaha treaty, heshiis caalami ah oo wajibaad sharci abuuraya.

Sidoo kale is afgaradkani wuxuu muujinayaa masuuliyad iyo bisayl siyaasadeed, rabitaankan nabadeed wuxuuna dhinacyada ka gudbinayaa sawir quruxbadan oo ay ku kasban karaan kalsooni caalami ah, sidoo kalena wuxuu sare u qaadanaya sumcadda somaliland ee ah dawlad nabadoon ah.

Waxaa muhiim ah in shacabka Jsl iyo guud ahaan soomaalidu ay fahmaan in is afgaradka noocan ahi aanu ahayn taansul siyaasadeed ay somaliland kaga tanaasulayso qadiyadeeda, balse uu yahay hab diblomsiyadeed lagu dhisayo amni iyo wada noolaansho, taas oo ah dhaqanka dawlad kasta oo doonaysa aqoonsi iyo xasilooni.

Is afgaradka noocan ahi maaha markii kowaad ee uu aduunka ka dhaco, wuxuu h**e u dhexmaday dawlado aan la aqoonsanayn (De facto states) iyo maamul goboleedyo (subnational entity) sida:
1: Taiwan iyo Hong Kong 1990
2:Nothern Cyprus iyo Turkish 1980- present
3:South Ossetia iyo Russian Regoinal Governments 2008 - present
4: Kosovo iyo Serbian Municipalities pre-2008

✍️ By: Ahmed ismail, Legal Scholar & Expert in International Law and Diplomacy

01/10/2025

Kiiska taliyahan ka tirsanaa ciidamada somaliya kuna eedaysna inuu sifo sharcodarro ah ugasoo gudbey xadka wajaale, kaddib qabashadiisa dawlada waxaa u furnaa laba talaabo. Mid sharci iyo mid diblomaasiyadeed.

Talaabada sharciga: sida ku xusan axdiga qaramada midobay qodobka 51 xaqqa is difaaca marka uu dhaco Xad-gudub dhuleed (territorial violation), waxaana ka dhalanaya dhowr talaabo oo ay ka mid yihiin, xidhid iyo sarkaalka lagu hayo xabsi kumeel gaadh ah inta la hubinyo sababta uu usoo galay.

Dacwad gudaha ah: Haddii uu jebiyey sharciga gudaha (tusaale, hub sidasho, basaasnimo, weerar), waxaa lagu qaadi karaa dacwad ciqaabeed si lamid ah muwaadin kasta oo shisheeye ah.

Dib u celin (Deportation/Expulsion): Dawladdu waxay xaq u leedahay inay si rasmi ah dib ugu celiso dalkiisii iyadoo dacwad diblomaasiyadeed laga gudbinayo, iyo dalbashada sharci ciidan (Court Martial.

Talaabo Diblomaasiyad (Diplomatic Channels): hadii uu sarkaaku dalka kuso galay si k**a’ ah oo aan la xidhiidhin arimaha aynu sare kuso sheegnay, waxaa lagu xallin karaa wada hadal diblomaasiyadeed iyo heshiisyo amni.

Waxayna u badan tahay in ay dawladu qaaday labadaa talaabo ee u danbeeya midkood kuwaaso kala ah Dib u celin (Deportation/Expulsion) iyo Talaabo Diblomaasiyad (Diplomatic Channels).

By: Garyqaan Ahmed Ismail

Photos from Ahmed Ismail's post 30/09/2025

Waxaan si qoto dheer u bogaadinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, guddida nabadda iyo maamulka gobolka Sanaag, sida hufan oo habsami leh ee ay u wadaan howlaha nabadda gobolka. Waxaan si gaar ah ugu ammaanayaa qaabkii xikmadda, dulqaadka iyo hal-adayga ku dhisnaa ee ay u wajaheen hawsha qaramaynta ciidamadii madaniga ahaa, dib-u-heshiisiinta iyo sal-udhigidda nabadda magaalada Ceerigaabo, arrintaas oo abuurtay kalsooni bulsho iyo ixtiraam loo hayo hoggaamiyeyaasha ay shacabka si sharaf leh u doorteen.

Photos from Ahmed Ismail's post 24/07/2025

Magacaygu waa Ahmed Ismail, waxa aanan halkan ka taageerayaa baaqa iyo soo jeedinta nabadda ee ay direen dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sanaag.

16/07/2025

Sanaag waxay u baahan tahay cod mideysan oo leh rabitaan nabadeed. Midnimada iyo wada noolaanshuhu waa hadyad ay bulshadeenu iskugu deeqi karto, jiilba jiil.

Madaxweynaha JSL waan uga mahadnaqayna, waanuna soo dhoweynaynaa gogoshaa nabadeed ee uu dhigay magaalada ceerigaabo.

04/07/2025

Tacsi Tiiraanyo Leh

Allaah ha u naxariisto jannooyinkiisana ha ugu deeqo Macallin Rashiid Xaaji Beder, oo maanta ku geeriyooday deegaanka Laanqiciye.
Ustaadku wuxuu ahaa halgamaa aan caadi ahayn, oo noloshiisa u huray la dagaalanka jahliga iyo faafinta cilmiga. Wuxuu ahaa macallin daacadnimo, samir iyo adkaysi isku darsaday, baaskiilkiisana wuxuu u isticmaali jiray sidii uu u gaadhsiin lahaa aqoonta carruurta iyo ardayda ku dhaqan magaalada iyo miyiga Ceerigaabo.

Aniga ahaan, wuxuu ahaa macallinkii ii bilaabay barashada Qur’aanka kariimka, isla markaana dugsiga hoose dhexe ee Surud igu baray maadada sayniska. Markasta oo aan kulanno, wuxuu i waydiin jiray xaaladda waxbarashadayda, heerka aan ka marayo, iyo himilooyinka aan leeyahay. Wuxuu ahaa qof qalbigiisu u nugul yahay ardayda dadaalka iyo tacabka ku jira, mar walbana wuxuu canaanan jiray kuwa waxbarashada ka gaabiya ama aan hormarka ku talaabsan.

Wuxuu igu baray xikmad aan marnaba illoobi doonin:
“Waxbarashadu ma dhammaato, weligaa haka daalin.”

Dhowr iyo labaatanka sano ee aan aqaanay, Macallin Rashiid wuxuu ahaa shaqsi ka duwan inta badan dadka aan la kulmay. Wuxuu lahaa naxariis, dulqaad, iyo ku dhiirrigelinta qof kasta oo rabay horumar. Waxaan aaminsanahay in haddii halgankiisa, dadaalkiisa iyo daacadnimadiisa laga ogaan lahaa dunida horumartay, magaciisa iyo taariikhdiisa lagu xusi lahaa baal dahab ah.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, ubadkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda waxbarashada gobolka sanaag. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu qabrigiisa u waasiciyo, kana dhigo beer ka mida beeraha jannada, janatul firdowsana ku abaal mariyo.

Samir iyo iimaan saadiq ah Ilaahay ha inaga wada siiyo.
Aamiin.
By: Ahmed Ismail.

30/06/2025

Marka laga yimaado in ay tahay qadar ilaahay, hadana meesha k**a saarayso in ay jirto hagrasho, dayac, diyaar garow la’aan iyo in qorshe laga yeesho masiibooyinka noocan oo kale ah.

Ilaa iyo iminkana xajmiga dabkani leeyahay, iyo gurmadka laga gaysanayaa maaha kuwo isu dhigma.

Shacab iyo dawladba fadhiga halaga kaco, oo hala badbaadiyo deegaanka.


Want your business to be the top-listed Government Service in Erigabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

http://garyaqaanahmed.778/, http://garyaqaanahmed.778/

Address


LAMAKURA, ADDIS ABABA
Erigabo
1000