Mahamed jama

Mahamed jama

Share

Mohamed Jama official page

25/11/2024

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot ayaa si cad u sheegay inay nooc kasta oo taageerro aan shuruud lahayn , xataa haddii loo baahdo ciidanka Faransiiska inay siin doonaan Ukraine, isagoo tan u sababeeyay inay badbaadadooda halis ku jirto.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri;“Kilomitir kasta oo laba jibbaaran ee Ukraine waxaa ku socda ciidamada Ruushka…. Tani waxay la macno tahay in khatartu ay Yurub uga soo dhawaatay in ka badan kiiloomitir laba jibbaaran."

09/11/2024

Warbixin cusub | Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Xamaas ayaa beeniyey wararka ay faafisay kanaalka "Kan" ee Yahuudda iyo warbaahinta kale ee qaarkood, kuwaas oo sheegay in dowladda Qadar ay farriin u dirtay hoggaanka Xamaas ee ku sugan gudaha dalkaas, oo lagu wargelinayo in ay isaga baxaan wadanka . Ilo wareedkani waxay ku andacoodeen in arrintani ay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu doonayo in la kiciyo dareenka iyo in la abuuro jahwareer.

09/11/2024

Xisbullah ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo Israa’iil ku leedahay meel u dhow magaalada Haifa. Xisbullah ayaa sheegtay in dagaalyahanadoodu ay gantaallo ku garaaceen saldhigga iyo warshadaha milatariga ee Zvulon oo ku yaalla waqooyiga magaalada Haifa.

Waxaan idinla socodsiin doonaa wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha.

09/11/2024

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay weeraro Israa’iil ka geysatay marinka Qaza tan iyo waaberigii maanta.

Laba qoys, oo guud ahaan ka kooban 6 qof, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay iskuulka Fahd al-Sabah oo ku yaalla xaafadda Tuffah ee marinka Qaza, halkaasoo ay qaxooti Falastiiniyiin ah ku noolaayeen.

Sidoo kale, ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay duqeyn lala beegsaday teendhooyin ay dadka barakacay ku sugnaayeen oo ku yaalla al-Mawasi, oo ka tirsan magaalada Khan Younis ee koonfurta marinka Qaza.

Afar Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay waqooyiga magaalada Beit Lahiya.
Aljezeera

26/08/2024

Salaamullah dhamaan Soomaali wayn
Wax walba waxa ay leeyihiin bilow bartan Facebookga waxaan idin kula wadaagu doonaa dhamaan macluumaadka iyo falanqaynta arimaha caalamka iyo bariga dhexe waxaana rajayn doonaa inaan idiin soo gudbino xogo lagu kalsoonyahay sidoo kalena tafatiran
Inta badan waxa aan xooga saari doonaa barteenan Facebookga, warbixinada aan idiin soo gudbin doono waxacay u badnaan doonaan qoraalo.
Ugu danbayn waxa aan idinka codsanaynaa inaydaan naga ilaawin followda
Mahadsanidiin

Want your business to be the top-listed Government Service in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Gaalkacyo

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00