Muuqaal soo koobaya munaasabadii lagu amaal marinayay ardayda 10-ka kaalin ugu h**eysa gashay iyo ku guuleystayaasha tartan aqooneedkii term-kii h**e la qabtay.
Dhammaantiin hambalyo ayaan idin leenahay.
Al-safa Primary and Secondary School-Galkacyo
Asxaabta qaaligaa waxaan boggaan ugu talo galnay in aad kala socotaan wax walboo faa'ido u ah bulshada sida waanada, waxbarashada nooc yadeda iyo xikmada
18/02/2026
Waxaa la abaal mariyay kooxihii ku guuleystay tartan aqooneedkii term-kii h**e la qabtay, oo iskugu jira subaxley iyo galabley.
Subaxley waxaa ku guuleystay kooxda Gaalkacyo halka kaalinta 2aadna ay galeen kooxda Boosaaso.
Galableyna waxaa ku guuleystay kooxda Sanaag halka kaalinta 2aadna ay galen kooxda Nugaal.
Waxaan leenahay hambalyo.
18/02/2026
السلام عليكم ورحمة الله تعالى وبركاته
Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 17/02/2026, waxaa schoolka ka qabsoomay munaasabad lagu abaal marinayay ardayda gashay 10-ka kaalmood ee ugu saraysa imtixaanka dugsiga sare ee Al-safa teeramkii h**e ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Tirada ardayda 10ka kaalmood ee h**e gahsay waa 12 arday, Kaalinta 4aad waxaa isla galay laba arday oo isku dhibci keenay imtixaanka, sidoo kalena kaalinta 8aad waxaa isla galay laba arday oo iyaguna isku dhibco ah.
Waxaan leenahay Hambalyo dhammaan ardayda dadaasahy.
17/02/2026
Hambalyo 10-ka arday ee ugu sareysa dugsiga sare term-ka 1aad ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
22/11/2025
.
, 22/11/2025 waxaa xarunta dugsiga sare ka qabsoomay xaflad heerkeedu sareeyo, oo lagu maamuusayay Macallimiinta dugsiga.
Xafladaas oo ay soo agaasimeed ardayda iskuulka gaar ahaan fasalka 12aad ee dugsiga sare.
Xafladu inta ay socotay ardayda dugsiga ayaa uga mahadceliyay macallintooda sida wanaagsan oo ay wax ubaraan, uguna duceeyay in uu alle ka siiyo ajar iyo xasanaad.
Sidoo kale maamulka iyo macallinmiinta ayaa iyaguna aad ugu dhiiragaliyay ardayda in ay in ay marwalba yeeshaan ixtiraamka, qadarinta iyo xushmaynta waalidkooda iyo macallintooda.
Mahadsanidiin.
22/11/2025
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan macalimiinta Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Al-safa.
Mudnaan macalin baa leh.
13/11/2025
Maantay oo khamiis ahayd taariikhduna ahayd 13/11/2025 waxaa si nabad ah noogu soo dhammaaday imtixaankii bilaha ahaa ee dugsigu qaadi jiray.
Imtixaanka oo ah waxa lagu qiimeeyo heerka fahamka iyo dadaalka ardayda muddadii ay wax baranayeen ayaa si wanaagsan noogu soo idlaaday.
Maamulka iyo macalimiinta ayaa u rajeeyay dhammaan ardayda guul iyo dadaal joogto ah, iyagoo ku booriyay in ay muujiyaan 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗶, 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮𝘀𝗻𝗶𝗺𝗼, 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗻𝘀𝗵𝗮𝘅 𝗶𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻.
Mahadsanidiin.
31/08/2025
3-da kaalin ugu sareysa fasalkasta dugsiga sare iyo dugsi hoose/dhexe.
Hambalyo guuleysta.
26/08/2025
,
waxaa la ogeysiinayaa bahda waxbarashada jecel ee reer Gaalkacyo in dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Al-safa uu furay diiwaangelinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Waqtiyada dugsigu uu shaqeeyo waa subax, galab iyo habeen.
Kusoo dhawaada dhugsiga Al-safa, oo horay ugaara hoyga aad ka helaysid waxbarasho tayo leh.
.
.
25/08/2025
Hanbalyo dhamaan arday loo soo shaaciayay Examka dowlada kan faderalka iyo galmudug-ba qaasatan ardayda Al-safa Primary & Secondary School.
Waxbarashada halkas kasiiwada.
Muuqaal qurux badan oo soo koobaya xafladii qalinjabinta dufcadii 8aad ee fasalka 12aad.
10/07/2025
QEYBTA 2AAD SAWIRADA: Xaflada qalin-jabinta dufcadii 8aad fasalka 12aad ee dugsiga sare Al-safa sanad dugsiyeedka 2024-2025
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Website
Address
Golis
Gaalkacyo
Opening Hours
| Monday | 06:00 - 17:30 |
| Tuesday | 06:00 - 17:30 |
| Wednesday | 06:00 - 17:30 |
| Thursday | 06:00 - 17:30 |
| Saturday | 06:00 - 17:30 |
| Sunday | 06:00 - 17:30 |
