31/03/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay si murugo leh uga tacsiyaynaysaa geerida ku timid Prof. Dr. Cali Jimcaale Axmed Nur, oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Marxuumku wuxuu ahaa aqoonyahan sare oo door weyn ka qaatay kobcinta aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo Bare Sare ka ahaa cilmiga Comparative Literature ee Jaamacadaha Queens College iyo CUNY Graduate Center, halkaas oo uu sidoo kale ka soo qabtay xilal hoggaamineed.
Prof. Cali Jimcaale waxa uu ka tegay dhaxal aqooneed oo qiimo leh, oo ay ka mid yihiin buugaagta Gaso, Ganuun, iyo Gasiin, When Donkeys Give Birth to Calves, iyo The Invention of Somalia, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay fahamka suugaanta, dhaqanka iyo jiritaanka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu jannatul firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, ardaydii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay samir iyo iimaan ka siiyo.
28/10/2025
Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay hambalyo u diraysaa Guddoomiyaha cusub ee Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Gobolka Mudug Mudane Mowliid Cabdiwaaxid Maxamed iyo Guddoomiye ku Xigeen Mrs. Kaafiyo Nuur Warsame.
Waxaan u rajaynaynaa in ay mas'uuliyadda lagu aaminay si xilkasnimo ah u gutaan qeybna ka qaataan horumarinta aqriska iyo qoraalka bulshada gobolka Mudug.
Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0617005477/0907263464
[email protected]
15/10/2025
Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis:
Bandhigga buugga ISMAHURTO
Waxaa La ogeysiinayaa Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo Ee isugu jira Mas'uuliyiin, Aqoonyahanno, Arday iyo Ururada Ka Shaqeeya Hawlaha Waxbarashada Iyo Horumarintooda In Habeen Dambe a Uu Qabsoomi Doono haddii Eebbe idmo Bandhigga Buuga ISMAHURTO
Qoraaga: ?Maxamed Ciise Cismaan
Goobta :Ajaziira hotel
Goorta :16-10-2025
Waqtiga โฒ 6:30Pm (Maqribnimo)
Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0617005477/0907263464
[email protected]
03/10/2025
Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay u mahadcelinaysaa Ustaad Hanad Abdi Ali oo qayb lixaad iyo taageero buuxda la garab istaagay horumaribta howlaha Maktabadda.
Si gaar ah wuxuu fududeeyay xiriirka Jamaacadda SIMAD University oo maktabadda ugu deeqday 3kun oo buugaag ah.
04/06/2025
Galkayo Public Library sends hearfelt thanks to SIMAD University, Somalia's No.1 University and a leading institution in research and community development for donating and handing over 2,821 books from various fieldsโranging from Somali language and cultural books to essential reference materials and English literature.
This generous contribution reflects SIMAD University's strong commitment to building a brighter future for Somalia by fostering knowledge and increasing literacy in our communities.
Galkayo Public Library is proud of this partnership with SIMAD University. Since we share a common vision of empowering communities through literacy and learning, we look forward to continuing our collaboration with SIMAD to promote literacy, community development and civic engagement efforts we have been championing for the past 5 years.
Many thanks to Ustaad . Abdikarim Mohiadin, the Rector of SIMAD University, for approving this valuable donation; Ustaad Mohamed Siyaad, the Director of SIMAD University Library, for his unwavering support and commitment; and finally Ustaad Abdi Ali, From the Galmudug Ministry of Education, Culture, and Higher Education, for facilitating and coordinating this important partnership.
This is not just a donation of books, it is an investment in the Galkayo Community by University.
.................................
Somali
Maktabadda Guud Ee Galkacyo waxay u mahadcelinaysaa Jaamacadda SIMAD, oo ah jaamacadda ugu sarreysa Soomaaliya iyo hormuudka cilmi-baarista iyo horumarinta bulshada, oo ugu deeqday 2,821 buug oo iskugu jira qeybo aqooneed oo kala duwan โ laga bilaabo buugaag af Soomaali iyo dhaqan ah ilaa agabyo muhiim ah iyo suugaanta Ingiriisiga.
Deeqdan buugaagta ahi waxay muujineysaa sida ay Jaamacadda SIMAD uga goโan tahay dhisidda mustaqbal ifaya iyada oo la xoojinayo aqoonta iyo akhriska bulshada.
Maktabadda Guud ee Galkacyo waxay ku faraxsan tahay iskaashiga ay la yeelatay Jaamacadda SIMAD. Maadaama aan wadaagno aragti ku dhisan horumarinta bulshada iyo kor u qaadista akhriska, waxaan rajeyneynaa sii wadidda wada shaqeyntan wax ku oolka ah.
Mahad ballaaran ayaan u direynaa Ustaad .Abdikarim Mohiadin, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, oggolaanshiyihiisa deeqdan qiimaha leh; Ustaad Mohamed Siyaad, Agaasimaha Maktabadda Jaamacadda SIMAD, taageeradiisa iyo dadaalkiisa joogtada ah; iyo ugu dambeyn Ustaad Abdi Ali oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug oo fududeeyay iskuna dubbaridat iskaashigan muhiimka ah.
Tani ma ahan kaliya deeq buugaag ah, waa maalgashi Jaamacadda SIMAD ay ku maalgashatay bulshada Galkacyo.
Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0617005477/0907263464
[email protected]
28/02/2025
๐๐จ๐จ๐ง๐ช๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง.
Waxaa dhammaan bulshada reer Gaalkacyo lagu wargelinayaa in bisha ramadan awgeed si ku meelgaar ah saacadihii shaqada ee maktabadda loo beddelay.
waxa ay inta lagu guda-jiro bisha ramadan shaqayn doontaa gelinka H**e Subaxii laga bilaabo 7:30 Am ilaa 11:30 Am Duhurnimo. hadii eebbe idmo.
Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]
28/02/2025
Casuumaad Furan!
Caawa iyo Bandhigga Strategic Ramadan Habits
Caawa oo ay bishu ku beegan tahay 28 Bisha February 2025, waxa magaalada Gaalkacyo lagu soo bandhigi doonnaa buuggaas qiimaha badan oo uu Qoray Mohamed Abdullahi.
Faahfaahinta intaa ka dheer, fiiri boorka hoose. Balanteenu waa kasoo qaybgalka iyo iibsiga buugaagta.
๐๐ช๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐จ๐ซ๐จ๐ซ๐ฌ๐ข
04/02/2025
๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ข๐๐ก๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐- ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐11๐๐๐
Xalay waxaa inoo qabsoomay kulanka 11aad ee Madasha Bidhaamiye, oo ah madal aqoon kororsi. Kulankan waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Maktabadda Guud ee Gaalkacyo iyo Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo, waxaana diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee xoojinta nabadda iyo isku-xirka bulshada.
Kulanka waxaa marti ku ahaa Ayub Moallim Ali Haji, Aasaasaha Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, oo si qoto dheer u falanqeeyay mowduuca. Intii uu socday kulanka, ka soo qeybgalayaashu waxay suโaalo la xiriira doorka dhallinyarada ee nabadda iyo horumarka bulshada weydiiyeen jeediyaha, waxaana la isla falanqeeyay xalal wax ku ool ah.
Waxaa sidoo kale kulanka ka soo qaybgalay Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo, Maamulka Jaamacadda Modern, Jaamacadda GU, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hobyo, Maamulka iskuulka Sheikh Ali Samater, Maamulka Iskuulka Al-Safa, Maamulka Iskuulka Waaberi, iyo marti sharaf kale.
Mahadcelin gaar ah ayaan u direynaa dhammaan ka soo qeybgalayaashii kulanka ka dhigay mid miro dhal ah. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta horumarka, waxaana muhiim ah in ay hormuud u noqdaan nabadda iyo isku-xirka bulshada.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
# Madasha_Bidhaamiye
Dhammaad.
.......................
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]
03/02/2025
Maktabadda Guud ee Gaalkacyo iyo Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo waxay si wadajir ah idin kugu casuumayaan kulan cilmiyeed ciwaankiisu yahay โDoorka Dhalinyarada ee Xoojinta Nabadda iyo Isku-xirka Bulshada.โ
Kulanka waxaa marti ku ah Ayub Moallim Ali Haji oo ah Aasaasaha Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Dib-u-heshisiinta.
๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ฐ๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ช๐ซ๐ข๐ ๐ค๐ ๐๐ข๐ uu ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ค๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐๐๐.
Faahfaahinta kulanka, fiiri boorka hoose:
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
Dhammaad.
.......................
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]
11/01/2025
๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐ง๐ข๐
Agaasimaha wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug Mudane ๐๐ฆ๐๐ซ ๐๐๐๐ข ๐๐ฎ๐ซ๐ Ayaa ugu deeqay 20 buug maktabadda guud ee Gaalkacyo.
Maamulka Maktabadda waxay Agaasime ๐๐ฆ๐๐ซ oga mahadcelinayaan ka Qeyb qaadashada Ololaha Buug deeqista Maktabadda Guud ee Gaalkacyo.
๐๐ช๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ค๐จ๐ซ๐๐ซ๐ฌ๐ข
Dhammaad.
.......................
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]