Hon Farhan Dhuubane

Hon Farhan Dhuubane

Share

Waxaan ahay Hon Farhan Dhuubane halkaan kadaalaco Maqaallo laxariira Xaaladda dalka iyo Qormaayinka

27/04/2026

Badhan, Sanaag:- Madaxwayne Dowlada Puntland ayaa qasrigiisa ku booqday Suldaanka guud Daarood Suldaan Siciid Suldaan Cabdilaalaan.

Badhan wa caasimada 2aad ee Puntland, wa safar muhim u ah xasilonida gobolka iyo diyargarowga howlgalka Onkod ee Calmadow SI PL loga ciribtiro Kooxaha Nabad diidka ah.

Allah yaa saakay taga
Puntland oo mid Quran ah
Sinaam wax u qaybasatoo
Sumacadii lagu yaqiinay
Sidoodii uso ceshada

20/04/2026

Isku-aadka Tartanka Caasimadaha Dowlada Puntland

Horinta kowaad ( Group A)

Boosaaso, Dhahar, Galkacayo, Calula iyo Badhan.

Horinta labaad (Group B)

Qardho, Laascaano, Buuhoodle iyo Garoowe

Darbi Bari, Kulanka furitaanka " Boosaaso iyo Dhahar ".

Reer Bosaso, sodhawaynta wa waajib la idinku leeyahay, laakiin tartanka gushiisu wa kala afkaansho, ma jirto fowdo, ciyaartana lama banadayo, garoonkuma darbi la qabsado ma lahan.

" 20 jir mudug jooga Allah uma xil qarin"

18/04/2026

Qofkii ugu mudnaa ee xil loo magacabey cawa waa Taliye Fu'aad Xanaano, waxay ku habonayd in wasaarada gaar ah losameeyo "Difaaca".

Puntland ayaa General Fu’aad Xanaano u magacowday Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga ee dhinaca Difaaca, wa shaqo uu sifcn u yaqaano, in PL qayb Difaaca xuduudaha yeelayo wa arin bogaadin mudan.

Fu’aad waa mid kamid ah saraakiisha naftooda u huray Puntland, asago ku dhaawacmay howlgalkii Hilaac ee ciribtirka argagixisada Daacish looga nadiifiyey buuralayda CALMISKAAD ee gobolka Bari.

Wa reer Sanaag, beel ahaana waa Warsangeli, sanadkan saamigii ugu badnaan ka helayaa dowlada PL.

Howlgalka Onkod, ee sifayn buuralayda CALMISKAAD, wuxu noqon doona mid degdeg u bilaaban doona.

18/04/2026

Iskushaandhaynta laamah amniga, waa tilaabo qaad dowladnimo oo lagu so afjarayo lahaanshihii qabiilada ee sheegashada gobol gaar ah.

Amniga wa Dan guud oo u baahan lahaansho, Hagar bax iyo u dhimrin bulsho, Puntland ma jiro reer deegaan agaat leh oo dadka ka xoga, muwaadinkasta oo reer PUNTLAND wuxu ka shaqayn karaa ku noolaan karaa gobolka kasta oo Puntland.

Puntland ayaa labadalay dhaqankii ahaa qabiil walba in degaanka u dagan yahay looga dhigo taliyaha gobolka iyo xilalka dowlada.

1. Gobolka Bari taliyaha Qaybta :- Cumar maxamuud ( Maxamed Cumar ) reer Mudug
2. Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta kaski-qabe ( Cabdiraxman Harti). G
3. Gobolka Mugaal :- Taliyaha Qaybta siwaakhroon
4. Gobolka muduga :- Taliyaha Qaybta Ciise maxamuud
5. Gobolka Sanaag : Taliyaha Qaybta Osman Maxamuud
6. Gobolka Hayland :- Taliyaha Qaybta Warsangali
7. Gobolka raascasayr :Taliyaha Qaybta Cumar maxamuud (Cabdi Ciise ).

Isbadal amni, dowladnimada waxbaden kuso kordhindoona ayaa h**ey loo qadey, dowladnimada wa inay noqotaa u adeegid bulsho.

Photos from Hon Farhan Dhuubane's post 16/04/2026

Boorama hoygii aqoonta iyo ilbaxnimada oo iftiimaysa wa dayac iftiimin doona dhamaan SL.!

Guul weyn oo looqaadey tayeynta iyo Horumarinta adeegyada aasasiga ah ee nolosha bulshada in Boorama fursad u hesho Mashruuca koronto Balaarin, wa jid rajo oo u furmay dadka reer Awdal wax baden ka badali doonta:-
__ Ganacsiga iyo warshadaha
__ waxbarashada iyo koboca aqoonta
__ Amniga iyo bilicda Magaalada Boorama

Hirgalinta mashrucan weyn wa isbadal weyn iyo bisayl siyasadeed oo h**ey loogu qaadey gobolada xuduudaha ee SL, waa fariin loo diray siyaasiyinta Somaliyeed in cadaalada kaliya la deeqsiin bulshada

💡 Koronto jaban wa Nolol jaban?!.

16/04/2026

Laasqoray, Sanaag "Duqa Deg Laasqorey iyo Sarakiil katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta kormeer, qiimayn iyo abaabulka u diyaargarowga howlgalkan Onkod ee Calmadow ugu tagay, Ciidan amniga degmada Laasqorey, Kuna wacyigaliyey in loo diyaar garoobo howlgalka Onkod ee dhawaan lagu sifayn doono buuralayda Calmadow , SI loo gaaro aragtida ah PL ka caagan Kooxaha Nabad diidka ah.

Ciidanka Difaaca PL markasta waxay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga iyo xasilonida dalka iyo dadka.

16/04/2026

"XSM iyo xayntiisa Xamar joogtaa oo mudda xilhayntoodu dhamaaday, waxba k**a badali karaan aqoonsiga SL, dhawaan waxaa aqoonsani doona dalaal baden hada wa bilow, suumanka Hala xagsado"
''Aqoonsiga Somaliland Waa tusbax furmay, Xasan iyo xerisa Xamar waxba k**a beddeli karaan''.
Wasiir Barkhad Batuun

Wuu lasoo daahay, ma la oran karaaa?!

15/04/2026

Dowlada Isra’iil Safiir cusub u magacowday dalka Somaliland, waa khabiir diblomaasi rugcadaaya ah kasoo shaqeeyay Wadamada Tansaaniya, Sishelis iyo Ugandha.

In Israil safiir buuxa u magacowday Somaliland waa dhaqaaq diblomaasiyadeed oo weyn, saamayn wayn ku yeelan doona geeska Africa. Somaliland in markii 1aad tan bilowgii doonistooda dal madax banaan inay aqoonsi buuxa ka helaan oo safiir dal kale SL yimaado wa fursad wax weyn ka badali doonta siyaasada geeska Africa.

Horey u socodka iyo himili dheer

15/04/2026

15 May 2026, Maxaa inaga xoga?!

Wa Isla wareegii, shalay, wa tusaale cad oo muujinaya, sida mustaqbalka dadka reer PUNTLAND godkan logu shubayo 4 sano kasta in qolo cusub oo ordaysa sharciyad loo cusboonaysiiyo, wa dhalanteed iyo lugooyo cusub, waa hubanti la'aan mustaqbalka dadka reer PUNTLAND, waxaa wali losii hamuun qabaa Isla haadaantii 27 sano, aysan waxba uga sonoqon aan ka ahayn lugooyo iyo rajo la'aan.

Maxa la gudboon ummada reer PUNTLAND?!

14/04/2026

Badhan, Sanaag|| General Fu’aad Xanaanno ayaa Salaan ka qaatay Ururka 21 ee Ciidanka Difaaca Puntland oo uu u jeediyey hadal dardaaran ah, xoojinta Difaaca falkooda iyo deegaankooda.

Halgamaa Sare Fu'aad ayaa Ciidanka ku boogaadiyey doorkoodii dagaalkii CALMISKAAD iyo inay u diyaar garowga howlgalka Onkod ee buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag si deegaanada PL u noqdaan dhul ka caagan Kooxaha Nabad diidka ah.

"Dhawaca iyo dhimashadu wa calaamaha guulaha lagu garto, Shacabka reer PL waxan ugu baaqayaa inay meel uga so wada jeensadaan cadowga argagixisada ah oo noloshooda iyo amnigooda lid ka ku ah, una midoobaan inay dhulkooda difacdaan". Hadal h**e!!?

Want your business to be the top-listed Government Service in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Israac
Gaalkacyo
252