28/09/2026
GAAKACYO OO LAGA DAAH-FURAY MASHRUUCA DHIREYNTA IYO IFTIIMINTA DEGMADA
GAAKACYO — 28 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka, Mudane Cabdiqadir Warsame Kooshin, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda daah-furka mashruuca dhireynta, iftiiminta iyo horumarinta bilicda magaalada Gaalkacyo.
Mashruucan waxaa iska kaashanaya Golaha Bilicda Gaalkacyo (BGF), Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Shirkadda Korontada NEPCO, waxaana loogu talagalay in lagu kordhiyo dhirta, lagu horumariyo nalalka waddooyinka, isla markaana lagu hagaajiyo bilicda iyo nadaafadda magaalada.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo, xildhibaanno, isimmo, nabaddoonno, culimo, dhakhaatiir, ganacsato, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo bilicda magaalada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya maamulka, bulshada iyo ganacsatada si loo horumariyo deegaanka iyo adeegyada bulshada.
Mashruucu wuxuu xoogga saarayaa dhireynta, iftiiminta waddooyinka iyo bilic-soocelinta magaalada, iyadoo bulshada lagu dhiirrigelinayo ilaalinta deegaanka iyo ka qaybqaadashada horumarinta muuqaalka magaalada.
Golaha Bilicda Gaalkacyo (BGF) ayaa hormuud ka ah mashruucan, waxaana la sheegay in golaha ay aas-aaseen gabdho qurbo-joog u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Mudug, kuwaas oo u istaagay inay ka qaybqaataan horumarinta magaalada Gaalkacyo.
Mashruucan ayaa lagu wadaa inuu noqdo tallaabo lagu xoojinayo iskaashiga bulshada, maamulka iyo ganacsatada, si Gaalkacyo looga dhigo magaalo cagaaran, bilic wanaagsan leh, isla markaana leh iftiin ku filan.
-DHAMAAD-
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG