03/06/2026
GUDDIYADA IYO ERGADA KA SHAQAYNAYSA GEEDDI-SOCODKA NABADAYNTA BEELAHA CABDALLE SURE (DIR) IYO LOOBOGE (SHIKHAAL) OO MAANTA KU KULMAY XAFIISKA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
Gaalkacyo, 03 Juun 2026 – Waxaa maanta xafiiska Maamulka Gobolka Mudug ku kulmay guddiyada iyo ergada ka shaqaynaysa geeddi-socodka nabadaynta beelaha Cabdalle Sure (Dir) iyo Looboge (Shikhaal), iyadoo la sii ambaqaadayo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada nabadeed iyo xal u helidda khilaafaadkii h**e u dhex maray labada beelood.
Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa waxaa ku wehlinayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka, Mudane Cabdiqaadir Warsame Kooshin, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Mukhtaar Cabdikariin Cilmi, iyo Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka, Mudane Cabdifataax Samatar Ciise.
Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey horumarka laga sameeyey wada-xaajoodyada socda, iyagoo ku dhiirrigeliyey ergada iyo waxgaradka labada dhinac inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, is-afgarad buuxa iyo wada noolaansho ku dhisan walaaltinimo iyo derisnimo.
Kulamadan joogtada ah ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku xoojinayaan nabadda, xasilloonida iyo isku duubnida bulshada gobolka Mudug.
-DHAMMAAD-
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
02/06/2026
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO KA QAYBGALAY MUNAASABADDA DHAARINTA DUFCADDA 10-AAD EE CIIDANKA BOOLIISKA PUNTLAND
Gaalkacyo, 02 Juun 2026 – Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo shalay loo soo xiray tababar ay ku qaadanayeen Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Golaha Wasiirrada, saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa ciidamada cusub ku bogaadiyey dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen tababarka, iyagoo ku boorriyey inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, kana shaqeeyaan sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida bulshada.
– DHAMMAAD –
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
02/06/2026
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1-AAD EE GOBOLKA OO CIIDANKA BOOLIISKA KU WAREEJIYEY LABO BAABUUR OO AY KU DEEQDAY SHIRKADDA GOLIS
Gaalkacyo – Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Mudug, Mudane Cabdiqaadir Warsame Koshin, ayaa maanta si rasmi ah Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ugu wareejiyey labo baabuur oo nooca yar-yar ah, kuwaas oo ay ugu deeqday Shirkadda Isgaarsiinta Golis si loo xoojiyo howlaha amniga iyo adeegyada ay bulshada u hayaan ciidamada.
Munaasabadda wareejinta oo ka dhacday Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Xildhibaan Cabdikaafi Cabdi Abshir, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Mudug, Mudane Cabdiqaadir Warsame Koshin, ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Golis taageerada ay la garab taagan tahay ciidamada amniga, isaga oo xusay in gaadiidkani kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan dardargelinta howlaha sugidda amniga iyo adeegyada ay booliisku u qabtaan bulshada Gobolka Mudug.
–DHAMMAAD–
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
01/06/2026
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO KA QAYBGALAY QALIN-JEBINTA DUFCADDA 10-AAD EE CIIDANKA BOOLIISKA PUNTLAND
Gaalkacyo, 01 Juun 2026 – Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, oo uu wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Mudug, Mudane Cabdiqaadir Warsame Koshin, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad.
Munaasabadda oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladda, sida Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, qaar ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Wasiirrada, saraakiisha ciidamada, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay aqoonta, tababarka iyo xirfadaha ay ciidamada cusub soo barteen muddadii ay ku jireen tababarka.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa bogaadiyay dadaalka lagu tayeynayo ciidamada amniga, wuxuuna xusay in ciidamada cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga, ilaalinta xasilloonida iyo u adeegidda bulshada. Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray ciidamada qalin-jebiyay, isagoo u rajeeyay guul iyo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran.
– DHAMMAAD –
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
31/05/2026
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO SHIR-GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA HORUMARINTA GOBOLKA
Gaalkacyo, 31 May 2026 – Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, oo ay wehlinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka, Mudane Cabdiqaadir Warsame Kooshin, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Gobolka, Mudane Mukhtaar Cabdikariin Cilmi, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Horumarinta Gobolka Mudug.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhammaan xubnaha Golaha Horumarinta Gobolka, ee isu-duwayaasha wasaaradaha heer gobol, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata qorsheynta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta adeegyada dowladda ee gobolka.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka, kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada loo fidiyo bulshada. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixinno ka dhageystay Xumaha Golaha, kuwaas oo soo bandhigay waxqabadkooda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha u degsan muddooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa xubnaha golaha ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-xirnaanta hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara oo ka jawaaba baahiyaha bulshada. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyey isu-duwayaasha wasaaradaha dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta adeegyada dowladda iyo u adeegidda shacabka gobolka.
Kulankan Golaha Horumarinta Gobolka Mudug ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka gobolka uu ku xoojinayo hufnaanta shaqada dowladda, isku-dubaridka hay’adaha kala duwan iyo dardargelinta horumarka gobolka.
–DHAMMAAD–
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
31/05/2026
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO KULAN LA QAATAY URURKA HAWEENKA GOBOLKA MUDUG
Gaalkacyo – Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Ururka Haweenka Gobolka Mudug, kaas oo ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug, Marwo Shukri Cabdi Cali.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka ee horumarinta bulshada, nabadeynta, wacyigelinta bulshada iyo ka qaybqaadashada arrimaha horumarineed ee gobolka. Sidoo kale, waxaa la isla falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya maamulka gobolka iyo ururrada haweenka si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa ku bogaadiyay haweenka gobolka dadaallada ay ku bixiyaan horumarinta bulshada iyo nabadeynta, isagoo caddeeyay in maamulka gobolku uu garab taagan yahay howlaha iyo qorshayaasha ay bulshada ugu adeegayaan.
Guddoomiye iyo Xumnaha Ururka Haweenka Gobolka, ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha kulankaan, waxayna ballanqaadeen in haweenka gobolku ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan horumarka, wadajirka bulshada iyo taageeridda barnaamijyada dowladda.
Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada shaqaynta maamulka gobolka iyo ururrada haweenka si loo gaaro horumar waara iyo bulsho isku duuban.
–DHAMMAAD–
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG