Guutada Duufaan

Directions

Guutada Duufaan TALISKA GENERAL QALYARE

23/09/2026

1. Geesi iyo nin adag buu ahaa guurtigii baxaye
2. Garoomada ku xiran kuma imaan garasho reereede
3. Galaas iyo aqoon bay ahayd goolashuu dhigaye
4. Guuraha habeenkii markii gayshka kicinaayo
5. Gabadanada k**a seexan jirin gaaf wareegyada’e

6. Goobaha nafwaagiyo xarbiga la isku soogaaro
7. Gumicii rasaastiyo markuu galowgu yeeraayo
8. Gurdanka iyo qaylada markii rag isgaraacaayo
9. Giiryaalihiyo fulaygu waa goonnu cararaane
10. Nin garaadyar maanta taladu waa ka gubataaye
11. Go’aan qaadashiyo wuxu lahaa garasho xeeldheere
12. Waana gacan sarayn jiray dagaal gaag ma reeba ah

13. Gabbaad lagu hirtiyo wuxu ahaa gacal ma dhaafaane
14. Gobaniyo hoggaanliyo wanaag gaara lagu soorye
15. Garabdaarka waa lagu yaqiin garasho sii dheere
16. Gacan deeqleh iyo wuxu lahaa herasho guuleed
17. Illaahow jannada gee isagu waajibkii gudaye.

ALLE Naxariisti JANNO haka Waraabiyo HALYAYGI GEESIGA AHAA Mujaahid General Axmed Cabdi Cali Qalyare .Taarikhda Puntland...
23/09/2026

ALLE Naxariisti JANNO haka Waraabiyo HALYAYGI GEESIGA AHAA Mujaahid General Axmed Cabdi Cali Qalyare .

Taarikhda Puntland Meel Adag Baa Kaga Qoran Tahay MUJAAHID GENERAL QALYARE .

01/08/2026

Ciidanka Guutada Duufan oo Qayb wayn ka Ah Dabaal Dega Xuska Sanad Guurada Asaaska PUNTLAND .

31/07/2026

Askariga Ugu Da'da yar ciidanka Difaaca Puntland , Dagaalki CALMISKAD na Kasoo Dagaalamay Buurihi adkaa Oo hada U Diyaar garoobaya Dabaal Dega Sanad Guurada Asaaska Puntland .

30/07/2026

Ciidanka Guutada Duufan oo Qayb wayn ka Ah Dabaal Dega Xuska Sanad Guurada Asaaska PUNTLAND .

Muuqalka waa Gaadidka Ciidanka Guutada Duufaan Oo u diyaarsan ka qayb galka Xuska Maalinta 1da Agoosto 2026 .

28/06/2026
Taliska Bixin ; 26 jun 2026 - Ciidanka Guutada Duufaan  waxa ay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay  joogaan ugu hamba...
26/06/2026

Taliska Bixin ; 26 jun 2026 - Ciidanka Guutada Duufaan waxa ay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaan 66-sano guurada kasoo wareegatay hanashaddii gobanimada iyo xuriyadda dalkeena Somaliyeed 26-Jun-1960, markii ugu horaysey oo Calan Soomaaliyeed laga taago Gayiga Soomaaliyeed.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Guutada Duufaan
📍TALISKA BIXIN , GAROWE , Puntland, Somalia

Barxada General Qalyare .Waa Fagaare Taarikhi ah , Ay is taagen Dhamaan Madaxweyneyaashi soo maray Puntland , sido kalen...
04/06/2026

Barxada General Qalyare .

Waa Fagaare Taarikhi ah , Ay is taagen Dhamaan Madaxweyneyaashi soo maray Puntland , sido kalena qayb wayn ka ah Astaamaha Dowladdnimo ee Puntland dhismaheedi .

Barxada General Qalyare ALLE HA U Naxariisto Shahiidki Geesiga Ahaa Oo Magaciisa Lagu Muujiyay Ex Barxada hadana Loo Bix...
27/05/2026

Barxada General Qalyare ALLE HA U Naxariisto Shahiidki Geesiga Ahaa Oo Magaciisa Lagu Muujiyay Ex Barxada hadana Loo Bixiyay Barxada GENERAL QALYARE .

Hambalyo xulka degmada Garowe oo ku guulaystay tartankii Calmiskaad oo lagu maamuusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalki...
25/05/2026

Hambalyo xulka degmada Garowe oo ku guulaystay tartankii Calmiskaad oo lagu maamuusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalkii xaqa ahaa.

Waxaan sidoo kale u hambalayayn degmada Qardho oo dadaal muujisay iyo dhammaan caasumadihii ka qayb galay.

Haddaan nahay ciidamada Puntland waxaan u mahadcelinaynaa madaxwaynaha Puntland, xiriirka kubbadda cagta Puntland iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay maamuuska halyayadii naga shahiiday.

Haddaan nahay Guutada Duufaan waxaan koobka ku sugayna barxadda General Qalyare.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guutada Duufaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category