Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Call Directions Contact the organization

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 🇸🇴

17/03/2026

+ Baydhabo

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
24/02/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

KULANKA GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA. Nairobi : 24 January 2026: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa...
25/01/2026

KULANKA GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA.

Nairobi : 24 January 2026: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa galabta magaalada Nairobi kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo isugu jira Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe, UK iyo USA.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan marxalada xasaasiga ah ee Siyaasadeed ee dalku marayo, iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka.

-DHAMMAAD-

Nairobi : 23 January 2026 , Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi...
23/01/2026

Nairobi : 23 January 2026 , Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.

Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo Dowladda Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay Argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Bani’aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wakiilka Puntland ee Kenya Mohamed Ahmed (Fagalagad), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.

- DHAMMAAD-

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 👀
01/01/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 👀

Waxaa Magaalada Kismaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland maanta nooga furmay shirweynaha aaya-Katashiga Soomaal...
18/12/2025

Waxaa Magaalada Kismaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland maanta nooga furmay shirweynaha aaya-Katashiga Soomaaliyeed iyo Dhamaystirka dhismaha golaha mustaqbalka Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Kismaayo ee dowladda Jubaland kaga qeyb-galay furitaanka shirka dhammaystirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo katashiga ayaaha dalka, gaar ahaan jihaynta siyaasadda xilliga kala-guurka ah.

Kulanka furitaanka shirka waxaa ka qeyb-galaya, Hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliya (MSS) iyo Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo dhammaantood ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (GMS), xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dowladda federaadlka, masuuliyiinta Jubaland, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha aaya-katashiga Soomaaliyeed ee galabta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya baahi weyn u qabto talo ku dhisan is-oggol iyo isla-guddoon si looga badbaado hubanti la’aanta siyaasadeed iyo halista argagexisada.


Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Address

Garoowe

Telephone

+252907462330

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed:

Shortcuts

Share