19/03/2026
Waxaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, si diirran ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga, anigoo hambalyo gaar ah u diraya Saraakiisha,Saraakiil-xigeennada, Alifleyda,Dableyda, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka, oo ay ku jiraan xaasaskooda iyo carruurtooda—kuwaas oo mar walba u taagan ilaalinta nabadda iyo sugidda amniga bulshada, isla markaana mudan bogaadin iyo qaddarin joogto ah geesinimadooda iyo dadaalkooda hagar la’aanta ah.
15/03/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Allaah ha u naxariisto Xassan Cismaan Aloore oo geeriyooday. Marxuumku wuxuu h**e u soo noqday Wasiirka Amniga & DDR-ta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Puntland. Wuxuuna door weyn ka qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Puntland.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka baxay.
Ilaahay ha u naxariisto, jannatul Firdawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Aamiin
05/03/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan ka tacsideynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Gen. Maxamed Cali Abokor oo kamid ahaa saraakiishii sare ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed intii u dhexaysay 1964–1991, kuna geeriyooday magaalada Garoowe.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.
Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha naga siiyo.
Aamiin.
17/02/2026
Waxaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ugu hambalyeynayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan, anigoo Alle ka baryaya inuu naga aqbalo cibaadadeenna,Ciidanka Booliska Puntland—gaar ahaan Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska—waxay door muhiim ah ka qaataan ilaalinta nabadda iyo badbaadinta shacabka, waxaana bogaadinayaa geesinimadooda iyo dadaalkooda joogtada ah.
23/01/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Ciidanka Booliska Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Puntland geerida ku timid Allaha u naxariisto Hoggaankii Qorsheynta iyo Tababarka Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo).
Marxuumku waxa uu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1964, waxa uuna ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadkii 1985.
Sannadkii 1986, waxa uu tababar sare ku qaatay Kuliyadda Ciidamada Booliska ee Talyaaniga (Academia Modena). Kadib burburkii hay’adihii dowladda, waxa uu u guuray dalka Denmark. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta iyo waayo-aragnimada badan Ciidanka Booliska Puntland, wuxuuna ahaa nin aqoon badan oo diin leh, shaqo wanaagsan, dabeecad fiican oo dulqaad leh.
Allaha u naxariisto, Jannatul-Firdowsana ha ku waajibiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ha siiyo. Aamiin
21/01/2026
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun
Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Xasan Jibriil (Gees-walac) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya.
Marxuum Gees-walac wuxuu ka mid ahaa haldoorro muhiim ah oo bulshadeenna wax weyn ku lahaa, waxaana uu ku geeriyooday xanuun muddo la soo dersay.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ka waraabiyo naxariistiisa waasac ah, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.
Sidoo kale, Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan intii uu ifka uga tagey. Aamiin