Mumin Abdi Shire

Mumin Abdi Shire

Share

Official Page, Puntland Police Commissioner, Brig. Gen. Mumin Abdi Shire

Twitter.com/MuminAShire

19/03/2026

Waxaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, si diirran ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga, anigoo hambalyo gaar ah u diraya Saraakiisha,Saraakiil-xigeennada, Alifleyda,Dableyda, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka, oo ay ku jiraan xaasaskooda iyo carruurtooda—kuwaas oo mar walba u taagan ilaalinta nabadda iyo sugidda amniga bulshada, isla markaana mudan bogaadin iyo qaddarin joogto ah geesinimadooda iyo dadaalkooda hagar la’aanta ah.

15/03/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Allaah ha u naxariisto Xassan Cismaan Aloore oo geeriyooday. Marxuumku wuxuu h**e u soo noqday Wasiirka Amniga & DDR-ta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Puntland. Wuxuuna door weyn ka qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Puntland.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka baxay.

Ilaahay ha u naxariisto, jannatul Firdawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Aamiin

05/03/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan ka tacsideynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Gen. Maxamed Cali Abokor oo kamid ahaa saraakiishii sare ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed intii u dhexaysay 1964–1991, kuna geeriyooday magaalada Garoowe.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.

Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha naga siiyo.

Aamiin.

17/02/2026

Waxaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ugu hambalyeynayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan, anigoo Alle ka baryaya inuu naga aqbalo cibaadadeenna,Ciidanka Booliska Puntland—gaar ahaan Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska—waxay door muhiim ah ka qaataan ilaalinta nabadda iyo badbaadinta shacabka, waxaana bogaadinayaa geesinimadooda iyo dadaalkooda joogtada ah.

06/02/2026
23/01/2026

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Ciidanka Booliska Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Puntland geerida ku timid Allaha u naxariisto Hoggaankii Qorsheynta iyo Tababarka Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo).

Marxuumku waxa uu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1964, waxa uuna ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadkii 1985.

Sannadkii 1986, waxa uu tababar sare ku qaatay Kuliyadda Ciidamada Booliska ee Talyaaniga (Academia Modena). Kadib burburkii hay’adihii dowladda, waxa uu u guuray dalka Denmark. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta iyo waayo-aragnimada badan Ciidanka Booliska Puntland, wuxuuna ahaa nin aqoon badan oo diin leh, shaqo wanaagsan, dabeecad fiican oo dulqaad leh.

Allaha u naxariisto, Jannatul-Firdowsana ha ku waajibiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ha siiyo. Aamiin

21/01/2026

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Xasan Jibriil (Gees-walac) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

Marxuum Gees-walac wuxuu ka mid ahaa haldoorro muhiim ah oo bulshadeenna wax weyn ku lahaa, waxaana uu ku geeriyooday xanuun muddo la soo dersay.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ka waraabiyo naxariistiisa waasac ah, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale, Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan intii uu ifka uga tagey. Aamiin

16/01/2026

Hubka Dowladda Puntland haddii meel kale loo gacan-geliyo, mas’uuliyadda wixii ka dhasha waxaa qaadaya kuwa arrinta ku lugta leh.

15/01/2026

Cida keliya ee si gaar ah noola shaqeyneysay waxay ahayd Dawladda Imaaraadka. Hawlgalkii Calmiskaad looga sifeynayay Daacish wuxuu bilowday dhamaadkii sanadkii 2024-kii. Maalintaas, Imaaraadku wuxuu ahaa saaxiib weyn oo dagaalka nagula jira naf iyo maalba.

10/01/2026

Waxaan ka qayb galay munaasabad dhiirrigelin ah oo loo sameeyay saraakiisha iyo ciidanka ilaalinta canshuuraha ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo lagu boggaadiyay shaqada adag iyo dadaalka muuqda ee ay ka geysteen ilaalinta dakhliga iyo nidaamka canshuur-ururinta.

Ciidanka ilaalinta canshuuraha ee Gobolka Nugaal ayaa door muhiim ah ka qaata ilaalinta dakhliga dawladda, xoojinta maamul-wanaagga, iyo horumarka dhaqaalaha, iyadoo dadaalkooda lagu tilmaamay mid mudan boggaadin iyo dhiirrigelin joogto ah.

15/12/2025

TALISKA Guud ee Ciidanka Booliska Puntland

Want your business to be the top-listed Government Service in Garoowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garoowe