Taliska Ciidanka Difaaca Puntland

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland

Share

Official page Puntland Defence Force - PDF. https://x.com/PLDefenceForceC

Puntland Defence Force also known as ( Puntland Dervish Force – Ciidanka Daraawiishta Puntland ) is the official paramilitary division of the Puntland State Government and has served since the establishment of the Puntland State of Somalia from 1998 to date and one of the main organs of the Puntland Armed Forces .

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 09/04/2026

MADAXWEYNAHA OO TABABAR U FURAY GUUTADA 3-AAD EE CIIDANKA DARAAWIISHTA DOWLADDA PUNTLAND.

Qardho : 09 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa galabta tababar u furay Cutubto ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland gaar ahaan guutada Saddexaad ee ka hawlgalay buuralayda Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa Hambalyo u diray dhammaan Ciidamada Dowladda Puntland Guushii ay kasoo hooyeen howlgalkii Calmiskaad oo hadda maraya meel gebogebo ah, wuxuuna kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu Awoodeeda isugu geynayso oo ay gelinayso Tamar iyo Talloba Tayeynta iyo horumarinta Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dadka , dhulka iyo Dowladda Puntland.

Wuxuu Madaxweynuhu xusay in Dowladda Puntland isku filantahay dhinac kastana ku filantahay illaalinta Amniga dadkeeda, iyadoo Ciidankeenu tusaale u noqday wadamada adduunka, marka la arkay sida ay u burburiyeen Cadowga Daacish ee Adduunku la tacaalayey.

Tababarka galabta loogu furay guutada Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee Qardho, wuxuu qeyb ka yahay qorshe Dowladdu ku horumarinayso khibrada iyo aqoonta Ciidamada, Iyadoo sidoo kale Guutada labaad ee Ciidankana tababar uga bilowmayo kulliyada tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan.

- DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA Ciidanka Daraawiishta DOWLADDA PUNTLAND-

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 04/04/2026

Qardho: 04 Apriil 2026: Guddiga dib u habaynta ciidanka difaaca Puntland oo Maalintii labaad shaqada hub xaraynta iyo tirakoobka ciidanka ka wada xerada tababarada ciidamada ee Xorgoble si ciidanka loogu diyaariyo tababarada iyo kor u qaadida aqoonta ciidanimo.

Saraakiisha ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland oo uu hogaaminayo Gen. Mohamed adan dagalle ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xaraynta hubka iyo tiro koobka ciidanka oo ay barbar socdaan barnaamijka u diyaarinta ciidanka ee tababarka oo noqon doona aqoon kor loogu qaadayo ciidanka difaaca Puntland.

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 30/03/2026

Qardho: 30 Maarso 2026: Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo ay weheliyaan la-taliyaha madaxweynaha dowladda Puntand mohamed Abdirahman Dhabancad, Gen Mohamed Adan Dagalle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka difaaca, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya ayaa booqasho ku tagay dugsiga tababarrada ciidanka Qardho ee xorgoble.

Dugsigaan oo soo saaray kumanaan ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa hadda lagu xareeyey qaar ka mid ah geesiyaashii kasoo dagaalamay calmiskaad si aqoontooda sare loogu qaado.

Gen Adan iyo masuuliyiinta kale oo ciidanka la hadlay ayaa marka h**e ciidanka uga mahadnaqay shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabteen Calmiskaad ayagoo kula dardaarmay in ay ka faaidaystaan aqoon kororsiga dugsiga loo keenay maalmaha ay halkaan ku sugnaan doonaan.

19/03/2026

CIID WANAAGSAN.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu farxadda Ciida la wadaagayaa dhammaan qoysaska ciidanka, isagoo si gaar ah ula qeybsanaya agoonta ay ka tageen halyeeyadii ku shahiiday hawlgalkii buuraha Calmiskaat.

Munaasabaddan awgeed, muxsiniin reer Puntland ah ayaa ciidsiiyay 910 agoon, iyagoo u aruuriyay $35,118, taas oo si siman loo qaybiyey, cunug kastana la gaarsiiyay $38.6.

Talisku wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan muxsiniinta iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay hawshan khayriga ah, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa Puntland First Movement oo wakiil uga ahaa muxsiniinta, si hufan oo xilkasnimo lehna u fududeeyay gaarsiinta deeqda.

Akoonada laga ciidsiiyey Agoonta Ciidanka Difaaca DPL waa kuwa hoos ku qoran:

Magaca Akoonka. Akoonka u Qareemida Agoonta
• Akoonka Amal: 230107562279
• Akoonka Sahal: 252-90-4675050

17/02/2026

RAMADAN WANAAGSAN

Dhammaan ciidanka difaaca Puntland oo ku suntan geesinimo iyo shaqo wanaag, ayagoo sanadkii labaad ku soomaya beeraha calmiskaad si ay usoo dhammaystiraan tirada yar ee firxadka argagixisada.

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 01/02/2026

Qardho: 01 February 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku yimi degmada Qardho, ayaa Dugsiga tababarka ee Xorgoble
tababar ugu soo xiray Dufcadda 7-aad oo ah Ciidanka Booliiska ee ka baxay Dugsiga, kuwaasi oo bartay aqoon Booliis oo dhameystiran.

21/01/2026

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah la qaatay saraakiishii ciidanka ee guusha ka soo hoyiyay hawlgalka Calmiskaad ee dalka looga sifeynayo argagixisada Daacish oo hada maraya meel gabogabo ah.

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 07/12/2025

Badhan, December 07, 2025: Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag ayaa maanta salaan ugu tagey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland.

Booqashada taliyaha waxaa ku wehelinayay saraakiil ka tirsan taliska Ciidamadda oo safarka ku weheliyey taliyaha,masuuliyiin ka mid ah labada gole ee dowladda iyo maamulka gobolka sanaag iyo kan degmada Badhan.

Taliyaha ayaa suldaanka ku bogaadiyey doorkiisa Nabadda gobolka iyo guud ahaan Puntland oo uu marar badan qeyb weyn ka qaatay.

-DHAMMAAN-

XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND.

07/12/2025

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo maanta tababar usoo xiray dufcaddii 4’aad oo ka baxda dugsiga tababarka ciidamada ee General Green badhan.

Munaasabadda soo xiritaanka oo ka dhacday dugsiga waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka sanaad kan degmada Badhan, Xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil Kala duwan.

Taliyaha ciidanka oo ka hadlay musaanabadda xiritaanka ayaa bogaadiyey ciidanka tababarka dhammaystay wuxuuna kula dardaarmay in ay ka qeyb galaan shaqada difaaca dalka.

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 07/12/2025

Badhan: December 7 2025. Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen Adan Cabdi Xaashi oo maanta tababar usoo xiray dufcaddii 4’aad oo ka baxda dugsiga tababarka ciidamada ee General Green badhan.

Munaasabadda soo xiritaanka oo ka dhacday dugsiga waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka sanaad kan degmada Badhan, Xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil Kala duwan.

Taliyaha ciidanka oo ka hadlay musaanabadda xiritaanka ayaa bogaadiyey ciidanka tababarka dhammaystay wuxuuna kula dardaarmay in ay ka qeyb galaan shaqada difaaca dalka.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND.

07/12/2025

Bulshada Gobolka Sanaag, waan uga mahadcelinaynaa Taageerada Ciidanka Difaaca Puntland iyo garab istaaga Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

07/12/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Garoowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Taliska Guud/Ciidanka Difaaca Puntland
Garoowe