Taliska Ciidanka Difaaca Puntland

Call Directions Website Contact the organization

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland Official page Puntland Defence Force - PDF. https://x.com/PLDefenceForceC

Puntland Defence Force also known as ( Puntland Dervish Force – Ciidanka Daraawiishta Puntland ) is the official paramilitary division of the Puntland State Government and has served since the establishment of the Puntland State of Somalia from 1998 to date and one of the main organs of the Puntland Armed Forces .

XUSKA 1-DA AUGUST, SANAD-GUURADA 28-AAD  EE AASAASKII DOWLADDA PUNTLAND.
01/08/2026

XUSKA 1-DA AUGUST, SANAD-GUURADA 28-AAD EE AASAASKII DOWLADDA PUNTLAND.

SARAAKIISHA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND OO KA QEYB-GALAY KAL-FADHIGA 58-AAD EE BAARLAMANKA PUNTLAND, OO UU FURAY MADAXWEYN...
15/06/2026

SARAAKIISHA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND OO KA QEYB-GALAY KAL-FADHIGA 58-AAD EE BAARLAMANKA PUNTLAND, OO UU FURAY MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE H.E Said Abdullahi Deni

27/05/2026

Ciid wanaagsan geesiyaasha ciidanka difaaca Puntland Meel walba oo aad joogtaan.

Garoowe:26, May, 2026: Taliyaha Guud Ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi wuxuu hambalyo ku aaddan munaa...
26/05/2026

Garoowe:26, May, 2026: Taliyaha Guud Ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi wuxuu hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaha u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaanna shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan, si gaar ah Ciidamada difaaca Puntland xaasaskooda iyo caruurtooda, Nabad iyo caafimaad ku ciida.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo uu weheliyo Taliyaha qeybta 60’aad G/sare Sharmaar...
19/05/2026

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo uu weheliyo Taliyaha qeybta 60’aad G/sare Sharmaarke Sheikhdoon Adan oo safar shaqo ku jooga Dalka Itoobiya ayaa booqasho iyo Dhiirigelin ugu tagay arday Soomaaliyeed Ee wax ka barta Jaamacadda Haramaya University.

Maamulka Jaamacadda Haramaya University oo si diiran ugu soo dhaweeyey Gen.Aden ayaa uga warbixiyey heerka Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed iyo kulliyadaha ay Kala bartaan islamarkaasna uga mahadnaqay safar ka dheer ee usoo galay dhiirigelinta dhalinyarada soomaaliyeed ee ka kala timid dhamaan gobolada dalka Soomaaliya oo idil.

Ugu dambayntiina Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ayaa ardayda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo howlaha la dagaalanka argagixisada oo ah mudnaanta koowaad ee uu u soo gaaray dalkaan Etoobiya, iyo xiriirka dhanka ganacsiga iyo horumarka kale ee ay wadaagaan Puntland, wuxuuna taliyuhu ardayda ku booriyey sii wadida waxbarashada.

DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND.

MADAXWEYNAHA OO TABABAR U FURAY GUUTADA 3-AAD EE CIIDANKA DARAAWIISHTA DOWLADDA PUNTLAND. Qardho : 09 April 2026: Madaxw...
09/04/2026

MADAXWEYNAHA OO TABABAR U FURAY GUUTADA 3-AAD EE CIIDANKA DARAAWIISHTA DOWLADDA PUNTLAND.

Qardho : 09 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa galabta tababar u furay Cutubto ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland gaar ahaan guutada Saddexaad ee ka hawlgalay buuralayda Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa Hambalyo u diray dhammaan Ciidamada Dowladda Puntland Guushii ay kasoo hooyeen howlgalkii Calmiskaad oo hadda maraya meel gebogebo ah, wuxuuna kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu Awoodeeda isugu geynayso oo ay gelinayso Tamar iyo Talloba Tayeynta iyo horumarinta Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dadka , dhulka iyo Dowladda Puntland.

Wuxuu Madaxweynuhu xusay in Dowladda Puntland isku filantahay dhinac kastana ku filantahay illaalinta Amniga dadkeeda, iyadoo Ciidankeenu tusaale u noqday wadamada adduunka, marka la arkay sida ay u burburiyeen Cadowga Daacish ee Adduunku la tacaalayey.

Tababarka galabta loogu furay guutada Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee Qardho, wuxuu qeyb ka yahay qorshe Dowladdu ku horumarinayso khibrada iyo aqoonta Ciidamada, Iyadoo sidoo kale Guutada labaad ee Ciidankana tababar uga bilowmayo kulliyada tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan.

- DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA Ciidanka Daraawiishta DOWLADDA PUNTLAND-

Qardho: 04 Apriil 2026: Guddiga dib u habaynta ciidanka difaaca Puntland oo Maalintii labaad shaqada hub xaraynta iyo ti...
04/04/2026

Qardho: 04 Apriil 2026: Guddiga dib u habaynta ciidanka difaaca Puntland oo Maalintii labaad shaqada hub xaraynta iyo tirakoobka ciidanka ka wada xerada tababarada ciidamada ee Xorgoble si ciidanka loogu diyaariyo tababarada iyo kor u qaadida aqoonta ciidanimo.

Saraakiisha ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland oo uu hogaaminayo Gen. Mohamed adan dagalle ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xaraynta hubka iyo tiro koobka ciidanka oo ay barbar socdaan barnaamijka u diyaarinta ciidanka ee tababarka oo noqon doona aqoon kor loogu qaadayo ciidanka difaaca Puntland.

Qardho: 30 Maarso 2026: Taliyaha Ciidanka difaaca  Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo ay weheliyaan la-taliyaha madaxw...
30/03/2026

Qardho: 30 Maarso 2026: Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo ay weheliyaan la-taliyaha madaxweynaha dowladda Puntand mohamed Abdirahman Dhabancad, Gen Mohamed Adan Dagalle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka difaaca, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya ayaa booqasho ku tagay dugsiga tababarrada ciidanka Qardho ee xorgoble.

Dugsigaan oo soo saaray kumanaan ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa hadda lagu xareeyey qaar ka mid ah geesiyaashii kasoo dagaalamay calmiskaad si aqoontooda sare loogu qaado.

Gen Adan iyo masuuliyiinta kale oo ciidanka la hadlay ayaa marka h**e ciidanka uga mahadnaqay shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabteen Calmiskaad ayagoo kula dardaarmay in ay ka faaidaystaan aqoon kororsiga dugsiga loo keenay maalmaha ay halkaan ku sugnaan doonaan.

CIID WANAAGSAN.  Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu farxadda Ciida la wadaagayaa dhammaan qoysaska ciidanka, isagoo si gaar...
19/03/2026

CIID WANAAGSAN.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu farxadda Ciida la wadaagayaa dhammaan qoysaska ciidanka, isagoo si gaar ah ula qeybsanaya agoonta ay ka tageen halyeeyadii ku shahiiday hawlgalkii buuraha Calmiskaat.

Munaasabaddan awgeed, muxsiniin reer Puntland ah ayaa ciidsiiyay 910 agoon, iyagoo u aruuriyay $35,118, taas oo si siman loo qaybiyey, cunug kastana la gaarsiiyay $38.6.

Talisku wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan muxsiniinta iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay hawshan khayriga ah, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa Puntland First Movement oo wakiil uga ahaa muxsiniinta, si hufan oo xilkasnimo lehna u fududeeyay gaarsiinta deeqda.

Akoonada laga ciidsiiyey Agoonta Ciidanka Difaaca DPL waa kuwa hoos ku qoran:

Magaca Akoonka. Akoonka u Qareemida Agoonta
• Akoonka Amal: 230107562279
• Akoonka Sahal: 252-90-4675050

RAMADAN WANAAGSANDhammaan ciidanka difaaca Puntland oo ku suntan geesinimo iyo shaqo wanaag, ayagoo sanadkii labaad ku s...
17/02/2026

RAMADAN WANAAGSAN

Dhammaan ciidanka difaaca Puntland oo ku suntan geesinimo iyo shaqo wanaag, ayagoo sanadkii labaad ku soomaya beeraha calmiskaad si ay usoo dhammaystiraan tirada yar ee firxadka argagixisada.

Address

Taliska Guud/Ciidanka Difaaca Puntland
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ciidanka Difaaca Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Ciidanka Difaaca Puntland:

Shortcuts

Share