Nuradin Birjeb

Nuradin Birjeb

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nuradin Birjeb, SABCO, Garoowe.

26/10/2025

Dastuurka qoladii saxiixa lahayd baanu nahay—Sanatar Faroole.

25/10/2025

Dhaashane wuxuu u muuqdaa mid ka mid ah astaamaha siyaasadda burbursan ee Puntland — mid jecel muuqaalka,faaruqna ka ah masuuliyadaha dowladnimo.

Waxaa laga filayay inuu golaha hortiisa keeno su’aalo culus oo ku saabsan la xisaabtanka xukuumadda sida musuqmaasuqa, shaqo la’aanta iyo cadaalad darrada bulshada ku habsatay oo ah waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuu golaha la yimid sawirka Madaxweynaha. Waana ficil lagu tilmaami karo ceeb siyaasadeed oo muujinaysa heerka hoose ee fahamka masuuliyadeed ee xubnaha xildhibaanada qaarkood.

Puntland maanta waxay u baahan tahay siyaasiyiin leh aragti, geesinimo iyo damiir u taagan runta iyo xaqa. Dhaashane iyo kuwa lamidka ah waa in bulshada laga horleexiyo, si siyaasadda loo nadiifiyo loona soo celiyo qiimihii ay lahayd.

Bulshadu waa inay diidaan siyaasiga sawir doonka ah ee kursiga u adeegsada raadinta magaca iyo in labuunbuuniyo, si Puntland u hesho hoggaan dhab ah oo u adeega danaha dadka, iyo xildhibaano aan ka cabsan laxisaabtanka Madaxweynaha.

Shacabka Puntland waxay maanta si cad u arkaan baahida loo qabo xildhibaanno dhab ah oo matala danaha dadka, kana fog buunbuuninta iyo sawir-raadiska, si loo helo gole xisaabtan dhab ah ka sameeya awoodda fulinta ee dalka.


17/10/2025

Puntland:Masaajida oo laga qayliyey.

"Puntland in maanta siyaasiyiintii xilalka ugu sareysay hayay ay ku faanayaan in waddanka lakala gooyo wax dhibaato ah malahayn, waa nasiib darro weyn in dadkii loo wakiishay ilaalinta midnimada iyagii ay dalka duminayaan" Sheekh Maxamuud Xaaji iyo Qudbaddii Jimacaha eee maanta.

15/10/2025

Garoowe; Caasimada Puntland.
📸 Siciid Evra.

15/10/2025

“ Fiqi, Sheekh Shariif aya siyaasadda soo galiyay, maantase waa ku abaal dhacay oo waa kaas weerarka ku ah” Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

15/10/2025

Aqoonyahan Feysal Rooble oo ka mid noqday Baarlamaanka Somalia ku matalidoona Dallada Bariga Africa oo Somalia dhawaan ku biirtay.

15/10/2025

Feysal Rooble “waxaan wax ka qabaneynaa Barnaamijyada soomaaliya loogu talagalay ee iska fadhiya”

15/10/2025

mohamed faroole wuxuu aaminsan yahay dagaalkii garoowe ka dhacay in siciid deni ka dambeeyey, "Dagaalkii Garowe ka dhacay waxaa masuul ka ah Deni iyo Jimcaale iyaga hala weydiiyo".

15/10/2025

Suldaan Garaase iyo wafdi culus oo reer Puntland ah oo ku wajahan Laascaanood si ay caleemo saarka Firdhiye uga qeyb galaan.

15/10/2025

Hanjabaada Wasiir Fiqi iyo hanjabaada mucaaradka muqdisho bal aan aragno.

15/10/2025

iyo Qisaastu Waa Daawada Dilka iyo Xalka Nabadgelyada Gobolka Mudug.

dhibaatooyinka ugu waaweyn ee gobolka Mudug maanta haysta waa burburka nidaamka sharciga iyo xeerarka bulshada ee soojireenka ah. Xaaladdu waxay maraysaa heer ay nolosha bini’aadamku noqotay mid qiimaheedu dhulka yaallo, dhiigga shacabka aan waxba galabsanina lagu daadiyo si fudud, iyada oo aan laga baqayn sharci iyo ciqaab midna.

Marka sharcigu uusan shaqayn, cadaaladuna ay aamusto, waa marka fowdada,dilka iyo qaxu bilowdo. Waxaana soo baxa kooxo hubaysan oo isu arka in ay yihiin garsooreyaal aan cidna u turayn.

waana tiirka ugu weyn ee hoos u dhigaya amniga, burburinayana rajada,nabada iyo wada noolaansho.
Xaaladdan foosha xun waxay u baahan tahay in si degdeg ah loogu istaago, gaar ahaan dadka caqliga leh, culimada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, iyo dhalinyarada daacadda ah ee weli damiirkoodu nool yahay. Waxaa waajib ah in laga hortago dhaqanka aanada iyo dooxatooyinka oo ah cudur gubay halbowlayaashii bulshada.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la dhiso hannaan lagu soo celiyo kalsoonida shacabka iyo in la abuuro gole bulsho oo dhab ah oo u istaaga xalka waara ee dhibaatadan.

Dowladdu waa in ay ka baxdaa daawashada iyo aamusnaanta, oo ay qaado masuuliyadda ilaalinta nafta iyo nolosha shacabka. Waa in si dhab ah loo dhisaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda, lagana takhaluso dadka danaha gaarka ah u adeegsanaya dhiigga shacabka iyo kuwa ka macaashaya.

Waa lama huraan in sharciga iyo xeerarka bulshada Soomaaliyeed ay si dhab ah u shaqeeyaan, si qof kasta uu u ogaado in fal kasta uu leeyahay cawaaqib uu mutaysanayo. Waana in la soo celiyo haybaddii cadaaladda iyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay in qofka dambi gala lagu ciqaabi doono qisaas si caddaalad ah. Qisaastuna unoqoto daawo lagu kala badbaado, waana tiirka ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo dhiigga aan micnaha lahayn ee maanta sida joogto ah u daadanaya.

Qofka dila qof, ha ogaado in noloshiisa iyo xorriyaddiisu aysan ka sarreynin tan qofka kale. Qofka dhiig ku daadiya magaca qabiil, waa inuu dareemaa in uusan difaacin sharafta qabiilkiisa balse uu dilayo nabada iyo nolosha dadka. Haddii sharcigu shaqeeyo, haddii xeerka dhaqanka iyo kan dowladeed la isku xoojiyo, waxaa suurtagal ah in la joojiyo silsiladda aargoosiga iyo aanada, oo noqotay cudurka ugu halista badan ee gobolka qabsaday.

Bulshada reer Mudug waa in ay fahmaan in cadaaladdu ay tahay laf-dhabarka nabadda. Haddii aan la helin ciqaab lagu kalsoon yahay, cadaaladna aan si siman loo wada dareemin, dhiiggu wuu sii daadanayaa, qalbiyaduna waa sii gubanayaa.
Waxaa la joogaa waqtigii la odhan lahaa:
“Dhiig dambe maya, ee sharcigu ha shaqeeyo.”
Waxaa lagama maarmaan ah in maamulka gobolka, culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ay si wadajir ah u garab istaagaan hirgelinta nidaam cadaaladeed oo dhab ah.

Waa in la sameeyaa hannaan lagu kalsoonaan karo oo dambiilaha lagu ciqaabo, dhibbanuhuna uu helo cadaalad iyo xaqiisa si sharaf leh.
Markaas ayaa la odhan karaa Mudug waxay ku socotaa jidkii nabadda iyo horumarka.

Nabadda runta ahi ma timaaddo inta aan cadaaladd la helin, iyo inta sharcigu yahay mid la iska indha-tirayo.


06/10/2024

Raysal wasaare xamse mowqif adag ayuu ka qaatay doorashada Somalia Iyo inaan lagu noqon teendhadii iigu shubta.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garoowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


SABCO
Garoowe