25/06/2023
Bismilahi,
Waxaan salaamayaa dhamaan Ummadda Somaliyeed, gaar ahaan inta muuqayga ama maqal ahaan igu taqaan.
Bacda salaan, Xilku waa meerto, Isbadalkuna waa sunne, Dawladnimadduna waa qori isu dhiib.
Waxaan Mahad balaaran u soo jeedinayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Md Siciid Cabdullahi Dani oo fursad ii siiyay in aan u adeego Bulshadayda, waliba ii Magacaabay Wasarad aan shaqo ahaan iyo Khibrad ahaanba u leeyahay 16 sano oo aan is leeyahay waxaan ku biirin karaa aqoontayda iyo Khibradayda aan u leeyahay Maamulka, Maaliyadda iyo Xisaabaadka Dawladda.
Waxaan Ummadda Reer Puntland ka codsanayaa in ay igu garab istaagaan Xilkaas balaaran ee lay igmaday oo runtii ah Masuuliyadda uu diiday Dhulka iyo Cirkuba laakin Aadamuhu xambaaray.
WAXAAN SI GAAR AH UGA CODSANAYAA INTA I TAAGEERSAN IYO KUWA AAN I TAGEERSANAYN IN AY GARAB ISTAAG TALO IYO TUSAALEBA IGU BIIRIYAAN.
ALLAAH WAXAAN WAYDIISANAYAA IN UU XILKAAS IGU ASTURO OO AAN SI HUFAN U GUTO.
GUUL IYO GOBONIMO.
15/01/2022
Kuma qanacsanin warka ka soo yeeray Isimka, wuxuu baalmarsan yahay Habracyadii Doorashada 3-9 january 2022, qodobkiisa 13aad.
20/11/2021
Guusheenii wax yar ayaa ka harsan insha alaah, waxaan sugnaa waa ku dhawaaqista Kursiga Nugaaleed🙏.
15/10/2021
Waxaan aad ugu mahadcelinyaa dhamaan dadkaygii aan ka dhashay ee sida muga iyo Miisaanka leh iigu soo dhaweeyay Deegaanada Xamxamaa, Cambare, Af togweyne, Gubato iyo Canjeel, safarkaas waxa igu weheliyay Nabadoonka Guud, Odayaal, Aqoon yahano, Siyaasiyin, Xubno Golaha Deganka Garowe iyo Gudomiyaha Dalada Dhalinyarada, Waxaan alle uga Mahadcelinayaa in uu iga beeray Deegaan balaaran iyo Qoys Balaaran. Guul iyo Gobonimo
Goobta aan hada ku sugnahay Deegaanka Sunajiif ....
14/06/2021
Dadaalka oo aad badisaa, waa furaha Guusha, guul iyo gobanimo🙏.
30/05/2021
Waxaan halkan idinkusoo gudbinayaa dhamaan Team-ka igala shaqaynayay Ololaha Xildhibaanka Heer Federal Somaliya ee Gobolka Nugaal oo xili doorashadiisu tahay 2021 - 2024 iyo inta igu taagersan Hankayga iguna Dhiiri galisay Musharax Nimada in shaqadii Ololaha ay noo bilaabatay, Guul iyo Gobanimo🙏
30/05/2021
When you play the Game of Thrones, you win or die (NUGAL HOP #014), one of the hardest Chairs of the upcoming Elections🙏, our hope is to succeed, insha alah