08/10/2026
Garoowe, October 8, 2026 โ Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe wakiillada Xisbiyada Siyaasadda Puntland.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa hawlaha la-tashiyada ballaaran ee uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hayโadaha dowladda, Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qodobbada hindisaha ee la xiriira hannaanka doorashooyinka, nidaamka siyaasadeed iyo horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland. Wakiillada Xisbiyada Siyaasadda ayaa Guddiga la wadaagay aragtiyahooda, talooyinkooda iyo waayo-aragnimadooda ku aaddan nidaamka doorashooyinka iyo jihada uu u socdo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland.
Fikradaha, talooyinka iyo aragtiyada ay Xisbiyadu soo bandhigeen ayaa Guddiga ka caawinaya in uu si qoto dheer u fahmo saameynta iyo muhiimadda qodobbada la soo jeediyey, isla markaana uu u guddo shaqadiisa falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka.
Guddiga Gaarka ahi wuxuu uga mahadceliyey Xisbiyada Siyaasadda Puntland ka-qaybgalka kulanka, doorka ay ka qaateen wada-tashiga iyo talooyinka ay soo jeediyeen.
Guddigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyey in la-tashiyada uu la yeelanayo hayโadaha dowladda, Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha kale ee bulshada ay sii socon doonaan, iyadoo ujeeddadu tahay in la ururiyo aragtiyo kala duwan oo gacan ka geysta qiimayn dhammaystiran iyo goโaan-qaadasho ku salaysan wadatashi iyo danta guud.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
๐ง[email protected]
๐ (https://puntlandparliament.com)
๐ฒ (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
๐ Garowe, Puntland, Somalia