08/05/2026
Laashimo, May 08, 2026: Xildhibaanno iyo Wasiiro ka socda labada Golle ee Dowladda Puntland oo maanta safar shaqo ee ku tegay Dooxada Laashimo oo hoostagta Degmada Ceerigaabo Gobolka Sanaag, halkaas oo maalin ka hor ay ka dhacday shaqaaqo dhex martay beelo walaalo ah.
Ujeedda safarka guddiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan xal u helidda khilaafaadka iyo xiisadaha ka taagan deegaanka, gaar ahaan si ay gacan uga geystaan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada dhex martay beelaha walaalaha ah.
Mas'uuliyiinta ayaa warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Ciidanka ee Dawladdu u xilsaartay deegaanka, kuwaas oo gacanta ku haya amniga goobta, iyo tallaabooyinka ay ku sugayaan xasiloonida.
Xildhibaannada iyo Wasiiradda ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dhaqanka iyo odayaasha deegaanka, kuwaas oo kawa hadlay sababaha keenay xiisadaha iyo sida ay u arkaan xalinta shaqaaqada ka dhacaday deegaanka.
Si gaar ah, guddigu waxay xoogga saareen baahida loo qabo in la dhiso wada hadal iyo isfaham ka dhexeeya beelaha walaalaha ah si loo xoojiyo nabadgelyada iyo ka hortagga in xaaladdu dib uga soo cusboonaato.
Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka ayaa mas'uuliyiintu kula dardaarmeen in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
07/05/2026
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku naf waayey dagaalkii ka dhacay deegaanka Dooxada Laashimo ee Degmada Ceerigaabo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaallamay deegaankaas, isaga oo ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo is afgarad.
βWaxaan ka tacsiyeynayaa dhammaan dadkii ku naf waayey dagaaalkii ka dhacay deegaanka Dooxada Laashimo ee Degmada Ceerigaabo. Alle ha u naxariisto intii geeriyootay, dhaawacyadana Alle ha u boogo dhayo. Waxaan aaad uga muragaysanaahy khasaaraha nafteeed ee Kala gaaraay dadka ehelka oo ahay mid laga baaqsaany karaaay.
Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo cooladaaa Miska wada hadlalka la yimaaado dhiig walaal waxaan baabaa ahayn lagama dhaxloo.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa kaalinta Ciidamada Dowladda ee gaaray halkaasi, kuwaas oo ka shaqeynaya sugidda amniga iyo dejinta xaaladda dowladana door buuuxa bay qadanaynaysaa waxaaan waaajib nagu ah in la jojiyo dhiiga dadka ehelka ahβ
05/05/2026
Boosaso, 5 May 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire ayaa ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, la qaatay waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Bari.
Kulanka ayaa Madaxweynaha uu uga mahadceliyay bulshada Gobolka Bari doorkooda muuqda ee ku aaddan sugidda amniga, ka qayb qaadashada howlgalka ciribtirka argagixisada, iyo sidoo kale dadaallada horumarinta gobolka.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, culimo, haween, ganacsato iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Bari.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
03/05/2026
Boosaso,3 May 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland kala qayb galay munaasabadda xarig-jarka Garoonka Shuhadada ee magaalada Boosaaso.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Maamulka Degmada Boosaaso, maamullada degmooyinka ka qayb galaya Koobka Calmiskaad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.
Munaasabaddan xarig-jarka ah ayaa muujinaysa horumarka ka socda dhinaca kaabeyaasha ciyaaraha, iyadoo Garoonka Shuhadada uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta isboortiga iyo dhiirrigelinta dhalinyarada gobolka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
02/05/2026
Boosaaso, 2 May 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay munaasabadda bandhigga Maalinta Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ee CITYCOT Tech Summit.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray kobcinta hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyadda, iyo dhiirrigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh fikradaha cusub, si ay door muuqda uga qaataan horumar waara iyo shaqo-abuur.
Waxaa sidoo kale ka qayb galay xildhibaano, wasiiro, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
30/04/2026
Carmo, 30 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Barri Shire, ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta ciidanka cusub ee Booliska Birmadka Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa ku weheliyey Taliyaha Booliska Dowladda Puntland ,maamulka degmada iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga.
Munaasabaddan ayaa muujinaysa dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta tayada ciidamada, iyo sugidda nabadgelyada guud ee shacabka. Masβuuliyiinta ayaa dhiirrigelin u jeediyay ciidanka cusub, iyagoo ku booriyay inay si daacadnimo, karti iyo waddaniyad leh ugu adeegaan dalka iyo dadka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
29/04/2026
Carmo, 29 April 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Barri Shire, ayaa maanta dhagax-dhigay waddo halbowlaha u ah degmada Carmo, taas oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameynayo, isla markaana isku xiri doonta gobollada Puntland.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay xildhibaano, wasiiro, maamulka gobolka iyo kan degmada, kuwaas oo muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay horumarka, isku socodka iyo koboca dhaqaalaha deegaanka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
29/04/2026
Carmo, 29 April 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Barri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay xafladda xiritaanka tababarka ciidanka birmadka oo ka tirsan Booliska Dowladda Puntland.
Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Puntland ay ugu jirto xoojinta amniga, horumarinta xirfadaha ciidanka, iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u hayaan.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo bogaadiyay doorka ciidanka birmadka ee ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee Puntland.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
28/04/2026
Badhan: 28 April; 2026: Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa kulan la qaatay Golaha Degaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, Guddoomiyaha ayaa ka dhagaystay Guddoomiyaha Degmada Mudane Cawad Cali iyo Xubnaha Golaha Degaanka hawlaha Shaqo ee ay ka wadaan Degmada.
Gunaanadkii kulanka Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Golaha inay dardargeliyaan shaqooyinka ka socda Degmada, islamarkaan ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaynta Golaha ayna shaqo wanaag iyo hufnaan ugu abaal gudaan dadweynihii soo doortay.
Guddoomiyaha waxaa kulanka kala qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Golaha Wasiiradda, Lataliyaal, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Cali Xuseen, iyo Saraakiil Ciidanka.
-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia
28/04/2026
Badhan : 28 April 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay kulan ballaaran oo ay la yeesheen shacabka degmada Badhan. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshadaβoodayaal, dhalinyaro iyo haweenβayaa ahaa mid muujinaya wada-tashi iyo isfahan.
Sidoo kale, waxaa kulanka ka qayb galay xildhibaano, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo si wadajir ah uga qeyb qaatay dhageysiga iyo la falgalka shacabka.
Kulankan ayaa xambaarsanaa muhiimad gaar ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka dowladda iyo bulshada, iyo dhiirrigelinta wada shaqeynta horumarineed ee degmada Badhan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia