Ciidanka Booliska Puntland

Call Directions Website Contact the organization

Ciidanka Booliska Puntland Official page, Puntland Police Force - PPF

Twitter.com/Plpoliceforce

Puntland Police Force - PPF, as part of, and empowered by, the community, is committed to protect the lives, property, and rights of Puntland people, to maintain order, and to enforce the law impartially. We will provide quality police service in partnership with other members of the community. To fulfill our mission, we will strive to attain the highest degree of ethical behavior and professional conduct at all times.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, oo ay weheliyaa...
07/10/2026

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Taliye Ku-xigeennada Hoggaannada Ciidanka Booliska Puntland, ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigyada, laamaha iyo rugaha Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha, G/Sare Ciise Axmed Maxamuud, iyo Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Puntland, G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac (Wadani).

Ujeedada Kormeerka ayaa ah dardargelinta iyo toosinta shaqada, qiimaynta xaaladda amniga iyo u kuurgalka howlaha ay Ciidanka Boolisku ka wadaan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.

Saraakiisha waxaa soo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/dhexe Maxamed Barish Ismaaciil, oo warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee la hirgeliyey iyo kuwa qorshaysan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambaynta.

Sidoo kale, saraakiishu waxay warbixinno shaqo ka dhageysteen taliyeyaasha saldhigyada, laamaha iyo rugaha Booliska, iyagoo qiimeeyey habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada amni ee bulshada.

Saraakiishu waxay bogaadiyeen dadaallada Ciidanka Booliska Gobolka Bari, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba-jibaaraan shaqada, xoojiyaan amniga iyo kala dambaynta, isla markaana si hufan ugu adeegaan bulshada.

BOOSAASO: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/Sare Siciid Aadan Siciid, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay yees...
05/10/2026

BOOSAASO: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/Sare Siciid Aadan Siciid, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay yeesheen saraakiisha Booliska Gobolka Bari.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Taliye Ku-xigeenka Qaybta Gobolka Bari, Maxamed Bashiir Ismaaciil (Halac), Taliyeyaasha laamaha,Taliyaha Howl-galinta iyo Taliyeyaasha Saldhigyada.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka, hawlgallada ciidanka, ka hortagga falalka amni-darrada, dardargelinta shaqada iyo xoojinta wada-shaqaynta Booliska iyo bulshada.

Taliyaha ayaa saraakiisha faray in la xoojiyo shaqada amni ee gobolka, shacabka-na ugu baaqay inay Booliska kala shaqeeyaan sugidda amniga, isla markaana ay ciidanka la wadaagaan xogaha muhiimka u ah nabadgelyada.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland.

📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter:

04/10/2026

Ciidanka Booliska Gobolka Barri iyo Suggida Amniga magaalada Boosaaso.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland.

📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter:

Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta kulan...
04/10/2026

Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) Cabdirisaaq Maxamed Xayir, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta xilli-roobaadka iyo saadaasha cimilada ay ku yeelan karaan waddooyinka, isu-socodka gaadiidka,badbaadada bulshada iyo wadashaqaynta labada dhinac.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Puntland, G/dhexe Faadumo Cabdiqaadir, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Waddooyinka (Road Safety) iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa wadayaasha gaadiidka ugu faray inay xilliga roobaadka si taxaddar leh u maraan waddooyinka, ayna u hoggaansamaan tilmaamaha ciidanka nabad-galyada wadooyinka Puntland.

Carmo — Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa tababar u s...
30/09/2026

Carmo — Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo askar aqoonyahano ah oo loo tababaray shaqada iyo waajibaadka Ciidanka Taraafikada.

Xafladda xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, G/sare Cabdifitaax Siciid Sulaymaan, Taliyaha Kulliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo, G/Sare Yuusuf Axmed, iyo saraakiil kale.

Intii uu tababarku socday, ciidanka waxaa lagu baray:

1. Xeerarka iyo shuruucda waddo-marista.
2. Maamulka gaadiidka.
3. Maareynta shilalka gaadiidka.
4. Maareynta ciriiriga iyo saxmadda gaadiidka ee magaalooyinka waaweyn.
5. Habka wanaagsan ee loola macaamilayo bulshada.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha Ciidanka Taraafikada Puntland, si loo xoojiyo nabadgelyada waddooyinka iyo adeegga bulshada.

26/09/2026

Xafiiska hogaanka Xiriirka Bulshada Ciidanka Booliska Puntland ayaa Garowe kuqabtay Aqoon-is-weydaarsi lagu xoojinayo xiriirka Booliska iyo Bulshada oo lagu qabtay Nugaal.

Aqoon iswaydaarsigan waxaa saraakiisha siyay G/le khadar gool-nuug ahna Taliye xigeenka hoggaanka xiriirka bulshada kulanka ayaana kusoodhamaaday guul iyo wadashaqayn.

25/09/2026
Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa guddoomiyay shirka khami...
24/09/2026

Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa guddoomiyay shirka khamiislaha ee Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga Puntland, qiimeynta howlgaladii amniga ee toddobaadkii la soo dhaafay, warbixinnada hoggaannada Ciidanka Booliska.

24/09/2026

Garoowe: Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa xarigga ka jaray Waaxda Tacadiyada ee Hoggaanka Booliska Bulashada Puntland.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Booliska bulshada, G/sare Xuseen Cali Maxamed, Taliyaha Waaxda Tacadiyada L/X/le Aamina, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

Waaxdan ayaa ka shaqayn doonta xoojinta la-dagaallanka tacadiyada iyo ilaalinta xuquuqda bulshada.

23/09/2026

Taliyaha Hoggaanka booliska bulshada Ciidanka Booliska Puntland, G/sare Xuseen Cali Maxamed, ayaa ardayda Dugsiga Sare ee Imaamu Nawaawi ugu tagay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo Ciidanka Booliska.

Address

Puntland Police Force/PPF Command
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Booliska Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Booliska Puntland:

Shortcuts

Share