π«πΆπΆπ« πͺπ°π³π΄π°ππ¬π¬π« Mogadishu-Somali
Waxaa Sharaf ii ahayd in aan ka qayb galay dood cilmiyeed qiima badan oo ciwaankiisu ahaa π³πππππππ πΊππππππ 2040.
Dood cilmiyeedkani heerkiisu sareeyo waxaa soo agaasimay hay,ada Voluntering of Somalia (VOS) waxana kasoo qayb galay Masuuliyiin Kala duwan ee ka Kala socda heer dowlada iyo qaybaha Kala duwan ee bahda waxbarashada.
Mahadsanidiin si guud iyo si gaar ahaaneedba dhaman bahda Volunteering of Somalia VOS Maamul,macalimiin iyo howl wadeeno intaba.
Ugu dambayn waxaa idin rajeynaa guul iyo gobanimo iyo idinkoo kadhameyay literate Somalia 2040 insha allah gaarna guul farabadan oo wax ku,ooleh idam alle.
Hon. Aways Ahmed Sardheye
My Official Page:
Senior Youth Development Advisor at office of the Prime Minister of Somalia
Waxaa sharaf ii ahayd inaan kala qayb Galo Shirwaynaha Madasha Dhalinyarada Local Youth Conference Somalia, oo diiradda lagu saarayay kor u Qaadista wacyiga dhalinyarada ee Deegaanka iyo isbeddelka cimilada. π
Waxaan ku dhiirrigeliyay dhalinyarada in aan dhisno qorshe qaran oo dhalinyarada ku mideynaya ilaalinta iyo dib u soo nooleynta deegaanka.
Deegaanku waa nolosheena, waa masβuuliyad wadareed, waana aayaha jiilalka soo socda.
14/10/2025
Waxaan maanta Kulan qado sharaf iyo wadahadal qiimo leh wada yeelanay odayaal, siyaasiyiin, iyo nabadoonno aan Mudo Shaqo wadaag ahayn.
Waxaa na dhexmartay dood iyo is xog waraysan ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya iyo sidii Si mideysan looga shaqeyn lahaa danaha dalka iyo dadka.
14/09/2025
π Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qaybgalo π
Tababarka ku saabsan Hogaaminta (Leadership) iyo Maareynta Waxqabadka (Performance Management) ee Cutubyada Gaarsiinta Wasaaradaha (Ministerial Delivery Units), kaas oo socondoona Insha Allaah muddo 7 aad ah.
Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Raβiisul Wasaaraha Soomaaliya,OPM Somalia waxaana uu xooga saarayaa inta uusocdo.
β
Hogaaminta iyo isla xisaabtanka
β
Horumarinta hufnaanta iyo waxqabadka hayβadaha dowliga ah
β
Kordhinta tayada adeegyada bulshada
Tababarkani waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo hufnaanta adeegyada dowliga ah iyo dhismaha hayβado awood u leh inay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.
14/08/2025
Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin diirran udirayaa shacabka iyo Dowladda Galmudug, munaasabadda 14-ka Agoosto oo ah maalinta xuska sanad-guurada aas-aaska maamulka Galmudug State.
Sanad-guuradani waa maalin xusuus leh oo ka tarjumeysa midnimada, dadaalka iyo geesinimada shacabka Galmudug ee ku aaddan dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumarka.
Waa sharaf weyn in la xusuusto dadaalladii ay shacabka iyo hoggaanka Galmudug ku bixiyeen sidii loo xaqiijin lahaa maamul wadaag ah oo ka shaqeeya danaha guud, isla markaana dhiirrigeliya iskaashiga heer qaran iyo heer gobol.
Waxaan shacabka Galmudug ku bogaadinayaa adkaysigooda iyo midnimadooda, waxaana ku dhiirri-gelinayaa inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta iyo taageerada ay siiyaan dowladda si loo gaaro mustaqbal ka wanaagsan.
HAMBALYO
GALMUDUG-STATE
31/07/2025
ππππππππ π-ππ ππππππ
Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda qiimaha iyo milgaha leh ee πππππ
ππππππ
π 27πππ
ee ka soo wareegtay aasaaskii Dowlad Puntland ee Soomaaliyeed, oo ku beegan π-ππ ππ π¨π¨π¬ππ¨ ππππ.
Sanadguuradani waa fursad aynu dib ugu milicsan karno dadaalladii geesinimada lahaa ee lagu dhisay Puntland, iyada oo laga jawaabayey baahida loo qabay maamul xasiloon, nabadgelyo, iyo horumar waara dadkiisu kuu naaloodaan. Waxaa hubaal ah in Puntland ay door muuqda ka qaadatay xasilinta dalka, dhismaha nidaamka federaalka ah, iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliyeed.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa halgamayaashii, waxgaradkii, siyaasiyiintii, iyo shacabka geesiyaasha ahaa ee qaybta weyn ka qaatay aas-aaska iyo dhismaha Puntland.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ka dhigo kuwo ku tallaabsada nabad, cadaalad, horumar iyo is-afgarad waara.
31/07/2025
Waxaan so dhawaynayaa Shirweynaha Horumarinta Gobolka Mudug oo maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo.
Runtii waa shir muhiim ah oo kusoo beegmay xilli ay magaaladu si dhab ah ugu baahneyd midnimo, iyo jihayn cusub oo lagu gaari karo horumar waara.
Gaalkacyo waa magaalo leh taariikh facweyn, dad firfircoon, iyo muhiimad juquraafiyeed oo aan la dhayalsan karin.
Shirkaani wuxuu ku yimid dadaalkii ay hormuudka ka ahaayeen dhalinyarada gobolka, kuwaasoo si geesinimo leh bulshada iyo dowladda ugu muujiyeen baahiyaha dhabta ah ee horyaalla Gaalkacyo.
Mudug mar walba waxay lahayd dhalinyaro u taagan badbaado, iftiin iyo isbeddel, kuwaasoo si togan uga qaybqaata horumarinta deegaanka iyo dhismaha dowladnimo.
Waa in la ogaadaa in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta horumarka. Awoodooda, aragtidooda, iyo hal-abuurkooda ayaa sabab u noqday in shirkan uu suurta galo, Guusha shirkaan waa mid ka dhashay kartida iyo midnimada dhalinyarada Gobolka.
Waxaan rajeynayaa in shirkaan ay kasoo bixi doonaan goβaammo wax ku ool ah oo wax ka beddeli doona xaaladda deegaanka, una gogol-xaari doona mustaqbal wanaagsan.
Gaalkacyo waxay leedahay fursado badan oo horumarineed; haddii si mideysan loo wajaho, waxay noqon kartaa tusaale dhameystiran oo ay ku daydaan gobollada kale Ee Dalka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Website
Address
Garoowe
