29/05/2026
Waxaa qalabayn guud loo sameeyay Ceelka degaanka Roox ee Gobolka Mudug.
Wakaaladda horumarinta biyaha Puntland oo ka jawaabaysa baahiyaha dadkeeda ee dhanka biyaha ayaa qalabaysay ceelka degaanka Roox, waxaana laga badalay Pump, Tuubooyin iyo Cable.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
28/05/2026
Waxaa qalabayn guud loo sameeyay Ceelka Degaanka Arda ee Gobolka Sanaag.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland oo ka jawaabaysa baahiyaha dadkeeda ee dhanka biyaha ayaa qalabaysay ceelka degaanka Arda, waxaana laga badalay Pump, Tuubooyin, Cable, Change over.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
23/05/2026
Waxaa qalabayn guud loo sameeyay Ceelka Hadaftimo ee Gobolka Sanaag.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland oo ka jawaabaysa baahiyaha dadkeeda ee dhanka biyaha ayaa qalabaysay ceelka Hadaftimo, waxaana laga badalay Pump, Tuubooyin, Cable, Change over, Control panel iyo Invetor.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
20/05/2026
Waxaa qalabayn guud loo sameeyay Ceelka Qoraf Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland oo ka jawaabaysa baahiyaha dadkeeda ee dhanka biyaha ayaa qalabaysay ceelka Qoraf, waxaana laga badalay Pump, Tuubooyin, Cable, Change over, Control panel iyo Invetor.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
19/05/2026
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaay qalabayn ku samaysay Ceelka labaad Baraagaha-Qol ee Gobolka Haylaan.
Wakaaladda oo ka jawaabaysa baahiyaha dadkeeda ee dhanka biyaha ayaa qalabayn iyo dacaytir ku sameesay Ceelka Baraagaha Qol.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan xilliyada roobabku yar yihiin, Sidoo kale waxa ay ku hawlan tahay Qodalka ceelasha , Biyo-xireeno , Dayactirada iyo qalabayntooda.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
19/05/2026
Garoowe : Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Mohamed Abdulkadir Mohamed ayaa ka qayb galay shirka mideynta iyo xoojinta wada shaqeynta daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha WASH (Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda). Waxaana soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland.
Kulanka u-qareemidda biyaha ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha, caafimaadka, beeraha iyo horumarka bulshada.
Mareeyaha ayaa xusay muhiimada biyahu Lee yihiin iyo sida ay laf-dhabar ugu yihiin nolosha markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
13/05/2026
Waxaa meel wanaagsan maraya qodaalka warta Degaanka Higlo ee Degmada Qardho Gobolka Karkaar.
Waxaana dhaamaday qodalka godka sidoo kale waxaa socota saarista dhagaxa iyo ciida, Waxaana la bilaabay samaynta Janjeerka warta.
Wartan ayaa qayb ka ah dadaalada xoogan ay wakaladdu ku dooneyso in ay bulshada degaanka iyo reer guuraga u heli la haayeen biyo ku filan meeshana looga saari lahaa biyaha dhaafa dadka iyaga oo laga fa'idaysan.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan xilliyada roobabku yar yihiin, Sidoo kale waxa ay ku hawlan tahay Qodalka ceelasha , Biyo-xireeno , Dayactirada iyo qalabayntooda.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
06/05/2026
Munaasabadda xarig jarka Ceelka Cusub ee Degaanka Malaasle ee Degmada Jariiban Gobolka Mudug .
Jariiban: Mareeye ku xigeenka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Bashiir Macallin Daahir oo ay wehelinayaan Gudooomiyaha Hay’adda KAALO Maxamuud Shiikh Xaamud iyo Xildhibaan Yaasiin Taakilo ayaa ka qayb galay munaasibadda xarig jarka Ceelka Cusub ee Degaanka Malaasle, ceelkan aya waxa uu dabooli doona baahidii biyood ee ka jirta degaanka, ayadoo ay ka faa’idaysan doonan bulashada degaanka iyo reer guuraguba.
Maareeye Bashiir ayaa ku la dar daarmay in bulshada degaanka ay ka fa’ideystaan ceelka masuliyadna ay iska saran xanaanaynt ceelka.
Hirgalinta ceelkan cusub waxaa iska kaashaday Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Hay’adda KAALO.
Bulashada degaanka Malaasle ayaa uga mahadciliyay intii kasoo shaqaysay inay maaanta heelaan ceelkan, waxa ayna balan qaaden in ay kashaqayn donaan xanaanayta ceelka kana faa’idaysandoonan.
Munaasabadda xarjarka ceelka waxaa kaso qaybgalay Isudawaha Gobolka Mudug ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Cabdicasis Maxamud Maxamed, Xoghayaha Degmada Jariiban, Bulshada degaanka Malaasle iyo saraakiil ka socotay Hay’adda KAALO.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay dadaaal ugu jirtaa sidii ay degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
29/04/2026
Garoowe: 29 April 2026 Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Bashiir Macalin Daahir ayaa shaybaarka biyaha kuso dhoweyay madaxda hay’adda Population Services International (PSI), oo uu hoggaaminayay John Sauer, madaxa biyaha iyo fayodhawrka (Global WASH Director).
Kulanka ayaa ahaa kormeer ay madaxda Hay’adda PSI ay ugu kuur galayeen sida uu u shaqeeyo shaybaarka biyuhu kaas oo loo dhamaystiray agabki uu ku shaqayn laha shaybaarku, waxa ayna warbixin dhanka shaqad ah ka dhagaysteen qaar kamida khuburada shaybaarka ayagona ka warbixiyay shaqada baxada leh ee ay u hayaan bulshada reer Puntland.
Kulanka waxa sidokle qayb ka ahaa Agaasimaha shayabaarka Biyaha Axmed Aadan, Agaasimaha Maamulka Cismaan Axmed iyo saraakiil kale oo ka socotay Wakaaladda iyo Hay’adda PSI.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
29/04/2026
Garoowe: Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Bashiir Macalin Daahir ayaa xafiiska Wakaaladda kulan kula yeeshay madaxda hay’adda Population Services International (PSI), oo uu hoggaaminayay John Sauer, madaxa biyaha iyo fayodhawrka (Global WASH Director) iyo Cabdiqani Hersi oo ah wakiilka hay’adda ee Puntland.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta labada dhinac sidii loo xoojin lahaa iskaashiga horumarinta Tayada biyaha Puntland.
Kulanka waxa sidokle qayb ka ahaa Agaasimayaasha shayabaarka Biyaha, Maamulka iyo Qorshaynta iyo saraakiil kale oo ka socotay Wakaaladda iyo Hay’adda PSI.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.