09/05/2026
GAROOWE :-9 MAY 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland, Mudane Abdinasir Yusuf Haji-Green, oo ay weheliso Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Riyaad Axmed Cali, iyo hawl-wadeennada Wasaaradda, ayaa kulan la qaatay Hayβadda FOA.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd in hayβaddu kusoo bandhigto mashaariicda ay ka waddo Puntland ee la xiriira gargaarka baniβaadannimo, maaraynta musiibooyinka iyo xoojinta adkeysiga bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqaynta, dardargelinta hawlaha socda iyo is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah, si kor loogu qaado adeegyada bulshada loona gaaro dadka u baahan taageerada baniβaadannimo.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
05/05/2026
GAROOWE :-5 May 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Iyo Mareynta Masiiboyinka Puntland Abdinasir Yusuf Haji-Green ayaa Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor Madaxtooyada Kala qayb galay qaabilaadda wefdi sare oo ka socda hoggaanka Hay'adda Cuntada Adduunka World Food Programme (WFP),
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasime Ku-xigeenka Fulinta ee WFP, Mudane Matthew Hollingworth, waxaana sidoo kale ka mid ahaa Madaxa WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Madaxa Hayβadda ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
04/05/2026
GAROOWE :-4,May, 2026:-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Waxyeellada Masiibooyinka Puntland, Abdinasir Yusuf Haji-Green, oo u weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Axmed Naxar Saciid Awnuur iyo hawlwadeennada Wasaaradda, ayaa kulan muhiim ah la qaatay, hayβadda Kaalo Aid and Development.
Kulanka ayaa Hay'adda Kaalo kusoo bandhigtay mashaariicda gargaarka ee ay wadaan iyo kuwa dhawaan dhamaaday iyadoo sidoo kale lagu soo Bandhigay caqabadaha jira iyo xalintooda.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda wadashaqeyn joogto ah si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ka turjumaya baahiyaha bulshada, iyadoo ay weli socdaan kulamo iyo xog-wareysiyo wasaaraddu la yeelanayso hayβadaha samafalka ee ka hawlgala Puntland.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
01/05/2026
GAROOWE: 1- MAY 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka PuntlandAbdinasir Yusuf Haji-Green ayaa munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed, hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shaqaalaha Puntland, gaar ahaan hawl-wadeennada madaalayaasha ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland.
1-da May waa fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee shaqaaluhu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan dhanka adeegga iyo wax-soo-saarka.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
29/04/2026
GAROOWE :-29 APRIL 2026:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Puntland, Hon Riyaad Ahmed Ali, ayaa Shir Gudoomisay shirka billaha ah ee Sugnaanta Cuntada (Food Security Cluster).
Wasiir ku-xigeenku waxa ay ku boorisay hayβadaha samafalka in la xoojiyo gurmadka iyo bixinta gargaarka baniβaadannimo, gaar ahaan meelaha ay sida weyn u saameeyeen abaarta iyo barakacu.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay hayβadaha kala duwan ee ka shaqeeya mashaariicda sugnaanta cunada waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeesheen sugnaanta cuntada iyo nolol-maalmoodka bulshada.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
29/04/2026
GAROOWE :-29 APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dawladda Puntland, Abdinasir Yusuf Haji-Green, oo ay weheliyaan hawl-wadeennada wasaaradda, ayaa maanta dhageystay warbixinno la xiriira hawlaha iyo mashaariicda gargaarka ee ay ka fuliso Puntland hayβadda TASS NGO. Wasaaraddu weli waxay waddaa kulamada ay la yeelanayso hayβadaha ka hawlgala Puntland, si looga ogaado dadaallada socda iyo kuwa qorshaysan.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada, ururinta xogaha muhiimka ah, iyo xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeeya dowladda iyo hayβadaha samafalka, si loo horumariyo mashaariicda iyo adeegyada bulshada guud ahaan Puntland.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
28/04/2026
GAROOWE:- 28- APRIL 2026: Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, Mudane Abdinasir Yusuf Haji-Green, ayaa furay shirka saddex-biloodle ee mashruuca Relief/Gargaaridda Dadka Nugul ee ay waddo World Food Programme, ayna fuliyaan World Vision International, ASAL iyo ADEC.
Shirka waxaa ka qayb ka ahaa Wasiir Ku-Xigeenka, Riyaad Ahmed Ali, Agaasimaha Guud Mudane Ahmed Naxar Siciid Aw-nuur iyo hawl-wadeennada Wasaaradda.
Ujeeddadu waxay ahayd dib-u-eegista waxqabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, falanqaynta guulaha, caqabadaha iyo horumarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda joogtaynta shirarka, kormeerka iyo qiimeynta si adeegyada si hufan loogu gaarsiiyo dadka nugul.
Wasaaradda Gargaarka Puntland waxay sii wadaysaa xoojinta iskaashiga hayβadaha samafalka iyo gaarsiinta adeegyo wax ku ool ah.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
27/04/2026
GAROOWE:- 27 April 2026: Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland, Mudane Abdinasir Yusuf Haji-Green, oo ay weheliso Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Riyaad Axmed Cali, iyo hawl-wadeennada Wasaaradda, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid hayβadaha ka hawl gala Puntland gaar ahaan Islamic Relief iyo CARE International.
Ujeedada kulankaan ayaa ahayd in Hay'aduhu kusoo bandhigaan mashaariicda ay wadaan ee la xiriirara Gargaarka, maaraynta musiibooyinka iyo adkeysiga bulshada .
Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqaynta, dardargelinta hawlaha socda, iyo is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah, si kor loogu qaado adeegyada bulshada loona gaaro dadka baahan.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππππππππ.
26/04/2026
GAROOWE: 26-APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntland, Mudane Abdinasir Yusuf Haji-Green, oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Riyaad Axmed Cali iyo Agaasimaha Guud Mudane Axmed Naxar Saciid Awnuur, ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socday ECHO, oo ah qaybta arrimaha degdegga ah iyo gargaarka biniβaadannimo u qaabilsan Midowga Yurub, Swiss Agency for Development and Cooperation (SDC), oo ah hayβadda dowladda Switzerland u qaabilsan horumarinta, Gargaarka iyo iskaashiga, iyo hayβadda Save the Children.
Wasaaradda Gargaarka ayaa la wadaagtay xaaladda abaaraha ka jira dhulka Puntland iyo saamaynta ay ku yeesheen nolosha dadka iyo xoolaha, iyadoo wasaaraddu soo bandhigtay macluumaad dhamaystiran iyo xaaladaha mudnaanta leh ee u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
ππππππππ
πππ
πππππ ππππππππππ πππππππππ πππ πππππππππ πππππππππππππ ππ ππππππππ.