VP Office Puntland

Call Directions Website Contact the organization

VP Office Puntland Official page Office Of Vice President Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor.

Garoowe : 05 October 2026: Ku-Simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman ...
05/10/2026

Garoowe : 05 October 2026: Ku-Simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka dardargelinta iyo qiimaynta Maamul Baahinta adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, kaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Kulanka ayaa ku saabsana dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyay sida uu u hirgalay nidaamka adeeg daadejinta ee heer degmo kaasi oo si hordhac ah looga sameeyay degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho, iyadoo waxyaabaha la dersay ka mid tahay dhaqangalka heshiisyadii maamul daadajinta, natiijooyinkii laga gaaray, caqabadihii soo baxay iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto ee lagu ogaaday degmooyinkan.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa adkeeyay muhiimadda ay maamul daadejintu u leedahay xoojinta adeegyada bulshada, sare u qaadidda isla-xisaabtanka, iyo in adeegyada aasaasiga ah oo si dhow oo hufan loo gaarsiiyo bulshada, gaar ahaan heerka degmooyinko oo la xoojiyo, isagoo xusay in qorshuhu yahay in nidaamkan dhowaan laga wada hirgeliyo dhammaan degmooyinka Puntland.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasaaradaha ku shaqo leh Maamul daadejinta iyo Adeegyada bulshada, sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND-

05/10/2026

Ku-Simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka dardargelinta iyo qiimaynta Maamul Baahinta adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, kaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Garoowe : 04 October 2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman ...
04/10/2026

Garoowe : 04 October 2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Indonesia, iyadoo Dowladda Indonesia ay Puntland ugu hambalyeeysay Howlgalada lagu soo afjaray Burcad badeeda, waxaana Safiirka Indonesia uu si gaar ah uga mahadceliyay Muwadiniin Indonesia u dhashay oo lagu soo furtay Howlgaladii Burcad badeeda iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay dadkaasi markii lasoo badbaadiyey.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa soo dhoweeyay Safiirka Indonesia ugana mahadceliyay booqashadiisa, isagoo la wadaagay Dowladda Indonesia in Puntland ay ka go’antahay la dagaalanka Burcad badeeda, illaalinta amniga badaheeda iyo ciribtirka Argagixisada oo iyana laga gaaray guulo waaweyn.

Waxaa kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Carshe Maxamed Siciid.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND-

04/10/2026

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji.

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND . 01 October 2026
01/10/2026

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND . 01 October 2026

30/09/2026

Khudbadda Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.

Garoowe: 30 September 2026: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mud...
30/09/2026

Garoowe: 30 September 2026: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha, FSRP (Somalia Food Systems Resilience Project) oo maalgelinaysa dhismaha iyo Shirkadda TESCO (Tayo Engineering Solutions Co.) oo fulinaysa dhismaha xaruntan.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey in maanta wixii ka danbeeya la billaabayo dhisme cusub oo ay leedahay Waaaaradda Beeraha, oo muhiimad gaar ah u leh adeega Dowladnimo iyo horumarinta Wax-soo-saarka xili adduunku uu isku tashi u guuray.

Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in lagu casriyeeyo adeegyada Wasaaradda, laguna xoojiyo taageerada beeralayda, amniga cuntada, horumarinta nidaamyada waraabka iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND-

30/09/2026

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.

29/09/2026

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa maanta kormeeray Warshadda Labeen, oo soo saarta noocyo kala duwan oo laga farsameeyo caanaha xoolaha.

Garoowe 29 September 2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Luga...
29/09/2026

Garoowe 29 September 2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa maanta kormeeray Warshadda Labeen, oo soo saarta noocyo kala duwan oo laga farsameeyo caanaha xoolaha.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey maalgashiga iyo hal-abuurka ganacsatada reer Puntland, isaga oo ku dhiirrigeliyey bulshada ganacsatada ah inay sii xoojiyaan maalgashiga warshadaha iyo wax-soo-saarka gudaha, Horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalku waxay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, ka faa’iidaysiga khayraadka dalka iyo xaqiijinta isku-filnaansho iyo sugnaan cunto.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo horseeda in wax-soo-saarka gudaha uu kobco, iyadoo ganacsatada lagu boorrinayo ilaalinta tayada iyo hufnaanta wax-soo-saarkooda.

-DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VP Office Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to VP Office Puntland:

Shortcuts

Share