VP Office Puntland

VP Office Puntland

Share

Official page Office Of Vice President Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor.

Photos from VP Office Puntland's post 01/06/2026

Garoowe: 1 June 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada , waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Axmed Maxamed Xuseen (Soomaali) oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.

Xubnaha Wasiiradda ee maanta la dhaariyey: -

1. Axmed Bashiir Muuse
Wasiir dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

2. Maxamed Siciid Saalax
wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

--------DHAMMAAD-------

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

01/06/2026

Garoowe: 1 June 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada , waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Axmed Maxamed Xuseen (Soomaali) oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.

Xubnaha Wasiiradda ee maanta la dhaariyey: -

1. Axmed Bashiir Muuse
Wasiir dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

2. Maxamed Siciid Saalax
wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

--------DHAMMAAD-------

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

31/05/2026

Kusimaha Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland,taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Photos from VP Office Puntland's post 31/05/2026

Garoowe: 31 May 2026:Kusimaha Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland,taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa lagu lasoo bandhigay agabka iyo suugaan dhaqameedka Soomaaliyeed, si gaar ah waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay galisay qabsoomidda munaasabadan, waxaana uu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed , isagoo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka shaqeeyaan dhowrista iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.

30/05/2026

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor “Waxaan dhammaan ardayda Puntland u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta,Ardayda, Waalidiinta iyo dhammaan howl wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada”.

30/05/2026

Garoowe: 30 May 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, oo ay sanadka u fariisteen 25,221 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Photos from VP Office Puntland's post 30/05/2026

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA OO FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND OO SANADKA AY U FARIISTEEN 25,221 ARDAY.

Garoowe: 30 May 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, oo ay sanadka u fariisteen 25,221 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta,Ardayda, Waalidiinta iyo dhammaan howl wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada”.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

27/05/2026

Garoowe: 27 May 2026: Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Dadweynaha Caasimadda Kula tukaday Salaada Ciidul - Adxaa, Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium.

Photos from VP Office Puntland's post 27/05/2026

Garoowe: 27 May 2026: Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Dadweynaha Caasimadda Kula tukaday Salaada Ciidul - Adxaa, Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenkii h**e ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda Puntland Islaan Ciise Islaan Maxamed, Saraakiisha Laamaha Amniga,Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe,iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND-

Photos from VP Office Puntland's post 26/05/2026

Garoowe; 26. May. 2026:- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa shir muhiim ah xafiiskiisa kula yeeshay guddoomiyayaasha goballada Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay guddoomiyayaasha goballada Puntland, warbixinaha ayaa isugu jiray amniga, horumarinta iyo xogaha xaaladihii ugu danbeeyay ee goballada.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dardaaran iyo hogotusaalayn u jeediyay gddoomiyayaasha, isla markaana ku boorriyay in ay xoojiyaan xidhiidhka bulshada iyo isku xidhka laamaha Dowladda. Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay derdergelinta hawlqabadyada joogtada ah, maamul daadejinta iyo hufnaanta shaqo ee gobollada Puntland.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalaynta, Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Gobolka iyo Federal-ka iyo Agaasimha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garowe