05/12/2023
WASIIRKA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA MAC'HADKA TABABARADA DOWLADAHA HOOSE (LOCAL GOVERNMENT INSTITUTE), LGI.
Garowe: December 05, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa magacaabay Agaasimaha Mac'hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee (LGI).
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland:-
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Sharciga maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland (LR.7).
Markuu tixgeliyey: Shaqada baaxadda leh ee laga sugayo Mac'hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee Puntland (LGI).
Marku la tashaday: Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Marku arkay: Aqoonta iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa Cabdifitaax Muuse Axmed (Weheliye), loo magacaabay Agaasimaha Mac'hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland (LGI).
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Wasiirku saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
16/09/2022
Agaasimaha Waaxda Dimuquraadiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta
'Hannaanka Doorashada Qof iyo Cod waxa uu Bulshada Deeganada PL u horseedayaa, Maamul Wanaag, Isla xisaabtan, Sinnaan iyo Horrumar'
14/09/2022
Garowe, 14-Sept- 2022.
Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland ayaa Maalintii Sadexaad Tababar la Siinaayo Golayaasha Deegaanka Ee Degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Gardo.
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland
13/09/2022
Garowe, 13-Sept- 2022.
Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland ayaa Maalintii labaad wada Tababar lasiinayo Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho kaas oo ay ku baranayaan Waajibaadkooda shaqo.
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland
12/09/2022
Garowe, 12-Sept- 2022.
Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland ayaa bixin doona Tabarka lasiinayo Golayaasha Deegaanka ee Dhawaan lagu soo doortay Qof iyo Cod.
Tababarjaan waxa uu socondoonaa mudada Shanta (5) Bari, waxaana lasiin doonaa Golayaasha Deegaanka casharo kala duwan sida.
1. Tababarka shaqo barista ee golayaasha Deegaanka
2. Maamul Wanaag
3. Doorarka gollaha Deegaanka
4. Miisaaniyadaha iyo sida loo dajiyo
5. Xeer hoosaadka Gollaha Deegaanka
6. Qiimeynta iyo Dabagalka Mashaariicda.
7. Waajibaadka Shaqaalaha Dawladaha Hoose
8. Diyaarinta Qorshayaasha
9. Maamul baahinta
Waxaa kale oo Jiri Doona casharo la xiriira Maamul Wanaag, wax-soo iibsiga iwm
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Mac-hadka Dawladaha Hoose Ee Puntland