13/05/2026
๐๐๐-๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Taariikh: 13-May-2026, Garoowe , Puntland , Somalia
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ iyo ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ waxay si wadajir ah u beeninayaan warqad digniin ah oo lagu faafiyey baraha bulshada kana soo baxday Hayโadda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (๐๐๐๐๐) taas oo lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah deegaanada xeebaha muddada u dhaxaysa ๐๐-๐๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐.
Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna goโaan qaadan karo.
Waxaa sidoo kale nasiib daro ah in xog aan tixraac iyo raad lahayn lala wadaago bulshada reer Puntland.
Haddaba bahda-warbaahinta iyo bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland waxay bulshadooda ku wargelinaysaa in dhammaan digniinaha cimilada iyo xaaladaha Khataraha degdegga ah ay kala socdaan:
โข Mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โข Bogagga rasmiga ah ee baraha bulshada ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โข Warbaahinta dowladda iyo bahwadaagta la shaqeeya mareegohooda rasmiga ah.
Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xaruntu waxay si joogta ah ula soconayaan xaaladaha cimilada iyo bixinta xogaha saxda ah waqtiga ku haboon.
โ DHAMMAAD โ
10/05/2026
๐ง๏ธ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐-๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐:
Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan roobabka laga filayo deegaanada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo dhexdhexaad ah.
๐Qaybo kamid ah deegaanada ๐๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ฒ๐จ, ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐ฅ๐, ๐๐๐ซ๐๐จ, ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐๐๐ง, ๐๐ฎ๐ซ๐ฌ๐๐๐ฅ๐๐ฑ, ๐๐๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐, ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐, ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐, ๐๐จ๐จ๐๐๐ฆ๐, ๐๐๐ง๐ ๐จ๐ซ๐๐ฒ๐จ, iyo ๐๐๐ค๐จ ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah inta lagu jiro muddadan.
โ ๏ธ Bulshada ku nool meelaha la saadaaliyay roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐๐๐ง ๐๐ก๐๐๐ซ๐๐๐ ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si looga hortago khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
03/05/2026
๐ง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 03โ09 MAY 2026
Saadaasha roobka ee maalmaha 03-09 may ayaa ah mid dhexdhexaad ah.
๐Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Burtinle, Godobjiiraan, Galdogob, iyo Carmo ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah oo xaddigoodu gaari karo 50โ100 mm.
Sidoo kale, deegaanada Garoowe, Laascaanood, Xarfo, Bursaalax, Laasqoray, Badhan, Dhahar, Rako, Iskushuban, Eyl, Ufayn, Taleex, Buuhoodle, Jariiban, iyo Gaalkacyo ayaa laga filayaa roobab u dhexeeya 10โ40 mm.
โ ๏ธ Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
26/04/2026
๐ง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKAN (26 APRIL โ 02 MAY 2026)
Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan ixtimaalka roobabka laga filayo deegaannada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan.
๐Magaalooyinka ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Goldogob, Garoowe, Taleex, Xudun, Ceerigaabo, Laasqoray, Laascaanood, Ufayn, iyo Baargaal ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya qiyaastii 10โ50 mm.
โ ๏ธ Maadaama roobabka la saadaaliyay ay yihiin kuwo xaddidan oo aan si buuxda u dabooli karin baahiyaha biyaha ee deegaanka, waxaan bulshada ku baraarujinaynaa in la muujiyo feejignaan isla markaana la sameeyo qorshayn h**e oo ku aaddan isticmaalka biyaha.
๐ฆ๏ธ Waa muhiim in la ogaado in saadaashan roobka ay isbeddeli karto xilli kasta, iyadoo ay ku xiran tahay duruufaha cimilada ee is-rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah oo dhow ula socotaa isbeddelada cimilada, gaar ahaan xilligan roobaadka, si aan bulshada ula wadaagno xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
02/04/2026
SAADAASHA ROOBKA EE SITIMAANKA 01 - 06 APRIL 2026:
Toddobaadkii la soo dhaafay, roob beegayaasha ayaa diiwaangeliyay roobab xaddi ahaan ah:
Carmo (32.7 mm), Uusguure (14 mm), Dhahar (22.4 mm), Widhwidh (3 mm), Ufayn (3.7 mm), Buran (20 mm), Banderbayla (4 mm), Qardho (96 mm), Galdogob (2 mm), Garowe (3.4 mm), Burtinle (1.6 mm), Eyl (50 mm), Badhan (8.8 mm), Laasโanod (31 mm), Taleex (6.2 mm), Buuhoodle (17.2 mm), Shaxda (5 mm), Godobjiiraan (27 mm) iyo Xingalool (32 mm).
Khariiradda saadaasha roobka ee usbuuca 01- 06 April 2026 waxay muujinaysaa in roobabku guud ahaan ay ahaan doonaan kuwo hooseeya inta badan deegaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, qaybo ka mid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Laasqoray iyo Waaciye ayaa la filayaa inay helaan roobab yar.
Waxaa xusid mudan in saadaasha roobku ay isbeddeli karto waqti kasta, iyadoo Xarunta khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland ay si dhow ula socoto xaaladaha cimilada inta lagu gudo jiro xili roobaadka.
02/04/2026
Garoowe: 02 Abriil 2026
Agaasimaha Guud ee Xarunta maareynta xogaha khayraadka biyaha iyo dhulka Puntland Mudane Abdinur Rage ayaa ka qaybgalay kulanka madasha dardargelinta iyo dib-ueegista mashaariicda u adkeysiga iyo xalka waara (Resilience Progarams Review) ee ka socda Puntland.
โ
โShirka oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Qorsheyntu waxaa looga wada-hadlay dardar-gelinta, dib u eegista, guulaha la gaarey, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha u deggan mashaariicda u adkaysiga ee deegaanada iyo degmooyinka dowladda Puntland.
โ
01/04/2026
๐๐ง๐ฅ๐จ๐๐ค ๐ก๐ข๐ ๐ก-๐ฉ๐ซ๐๐๐ข๐ฌ๐ข๐จ๐ง ๐๐๐ซ๐ข๐๐ฅ ๐๐๐ญ๐ ๐ฐ๐ข๐ญ๐ก ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ซ๐จ๐ง๐ ๐๐๐ซ๐ฏ๐ข๐๐๐ฌ! ๐๐
The Information Management Center (IMC) Puntland provides advanced UAV technology for environmental, infrastructure, and humanitarian applications. Our drone and sensors deliver centimeter-level accuracy for your most critical projects.
๐๐ฎ๐ซ ๐๐๐ฌ๐ญ ๐๐ฑ๐ฉ๐๐ซ๐ข๐๐ง๐๐:
- Qardho ๐๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฆ๐จ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ to support early warning decisions and the ๐๐๐ซ๐๐ก๐จ ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ๐ฉ๐ฅ๐๐ง.
- Puntland ๐๐๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ ๐ฆ๐๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐ using machine learning for accurate tree counting and detection.
- Jibagalle ๐๐๐ง๐๐๐จ๐ฏ๐๐ซ ๐ฆ๐๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐ .
- ๐๐ซ๐จ๐ฌ๐จ๐ฉ๐ข๐ฌ ๐ฆ๐๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐ in Cado-dheero, Garowe.
- A 174km servey ๐๐๐๐๐ and ๐ฉ๐ก๐จ๐ญ๐จ๐ ๐ซ๐๐ฆ๐ฆ๐๐ญ๐ซ๐ฒ mapping from Kala-bayr to Iskushuban road.
๐ Visit us at Ministries Road, Garowe, Puntland Somalia.
๐ง Email: [email protected] ๐ Learn more: www.imcpuntland.so
25/03/2026
Garoowe: 25 Maarso 2026
Waxaa si guul iyo qurux badan kusoo xirmay tababarkii muhiimka ahaa ee mudada labada maalmood ah magaalada Garoowe uga socday Xarunta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland (IMC - Puntland) iyo wariyeyaasha ka socday Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.
Maxsuulka Tababarka: Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan gunaanadka u ahaa ayaa ah in si buuxda la isula qaatay wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi dhab ah oo dhexmara Xarunta IMC iyo Warbaahinta Puntland. ๐ค
Iskaashigan ayaa xaqiijin doona in xogaha cimilada, digniinaha abaaraha iyo fatahaadaha si degdeg ah, hufan, oo joogto ah bulshada loogu gaarsiiyo.
Badbaadada iyo wacyigelinta bulshadu waa mudnaanteena koowaad! ๐๐ป๐บ
U mahadcelin gaar ah dhammaan wariyeyaasha iyo mas'uuliyiinta ka qeyb qaatay guusha tababarkan.
#
24/03/2026
Garoowe: 24 Maarso 2026 ๐
Waxaa Xarunta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland (IMC - Puntland), oo kaashanaysa Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, ay magaalada Garoowe ku qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga warbaahinta madaxabannaan iyo xarunta ee dhanka baahinta iyo isticmaalka xogaha Cimilada. ๐
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray qodobbo asaas u ah badbaadada iyo wacyigelinta bulshada:
1๏ธโฃ Fahamka Cimilada: Kor u qaadista aqoonta wariyeyaasha ee arrimaha cimilada iyo xogaha saxda ah ee ay xaruntu soo saarto. ๐
2๏ธโฃ Wadashaqayn Fududaysa Xogta: Xoojinta iskaashiga Xarunta iyo Warbaahinta Puntland si bulshada si hufan loogu gaarsiiyo xogaha cimilada.
3๏ธโฃ Digniinaha Degdegga ah: Joogtaynta wacyigelinta bulshada iyo ka digista khataraha abaaraha, fatahaadaha, iyo xilliyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah. โ ๏ธ๐ง๏ธ
Warbaahintu waa buundada isku xirta xogta muhiimka ah iyo badbaadada bulshada! ๐