IMC - Puntland

IMC - Puntland

Share

Waa Bogga rasmiga ah ee Xarunta maaraynta xogaha khayraadka biyaha iyo dhulka Dowladda Puntland

13/05/2026

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Taariikh: 13-May-2026, Garoowe , Puntland , Somalia

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ซ๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š iyo ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐ ๐š๐ก๐š ๐Š๐ก๐š๐ฒ๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ waxay si wadajir ah u beeninayaan warqad digniin ah oo lagu faafiyey baraha bulshada kana soo baxday Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (๐’๐Ž๐ƒ๐Œ๐€) taas oo lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah deegaanada xeebaha muddada u dhaxaysa ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐Ÿ• ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna goโ€™aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale nasiib daro ah in xog aan tixraac iyo raad lahayn lala wadaago bulshada reer Puntland.

Haddaba bahda-warbaahinta iyo bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland waxay bulshadooda ku wargelinaysaa in dhammaan digniinaha cimilada iyo xaaladaha Khataraha degdegga ah ay kala socdaan:
โ€ข Mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โ€ข Bogagga rasmiga ah ee baraha bulshada ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โ€ข Warbaahinta dowladda iyo bahwadaagta la shaqeeya mareegohooda rasmiga ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xaruntu waxay si joogta ah ula soconayaan xaaladaha cimilada iyo bixinta xogaha saxda ah waqtiga ku haboon.

โ€” DHAMMAAD โ€”

10/05/2026

๐ŸŒง๏ธ ๐’๐€๐€๐ƒ๐€๐€๐’๐‡๐€ ๐‘๐Ž๐Ž๐๐Š๐€ ๐„๐„ ๐“๐Ž๐ƒ๐ƒ๐Ž๐๐€๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐Ÿ๐ŸŽ-๐Ÿ๐Ÿ” ๐Œ๐€๐˜ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”:

Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan roobabka laga filayo deegaanada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo dhexdhexaad ah.

๐Ÿ“Qaybo kamid ah deegaanada ๐†๐š๐š๐ฅ๐ค๐š๐œ๐ฒ๐จ, ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐ฅ๐ž, ๐—๐š๐ซ๐Ÿ๐จ, ๐‰๐š๐ซ๐ข๐ข๐›๐š๐ง, ๐๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ, ๐†๐š๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐›, ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐, ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐ž, ๐๐จ๐จ๐œ๐š๐ฆ๐ž, ๐ƒ๐š๐ง๐ ๐จ๐ซ๐š๐ฒ๐จ, iyo ๐‘๐š๐ค๐จ ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah inta lagu jiro muddadan.

โš ๏ธ Bulshada ku nool meelaha la saadaaliyay roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan ๐Ÿ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐š๐š๐ง ๐๐ก๐ž๐ž๐ซ๐š๐š๐ ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si looga hortago khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.

Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐Š๐ก๐š๐ฒ๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.

03/05/2026

๐ŸŒง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 03โ€“09 MAY 2026

Saadaasha roobka ee maalmaha 03-09 may ayaa ah mid dhexdhexaad ah.

๐Ÿ“Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Burtinle, Godobjiiraan, Galdogob, iyo Carmo ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah oo xaddigoodu gaari karo 50โ€“100 mm.
Sidoo kale, deegaanada Garoowe, Laascaanood, Xarfo, Bursaalax, Laasqoray, Badhan, Dhahar, Rako, Iskushuban, Eyl, Ufayn, Taleex, Buuhoodle, Jariiban, iyo Gaalkacyo ayaa laga filayaa roobab u dhexeeya 10โ€“40 mm.

โš ๏ธ Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.

Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.

26/04/2026

๐ŸŒง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKAN (26 APRIL โ€“ 02 MAY 2026)

Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan ixtimaalka roobabka laga filayo deegaannada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan.

๐Ÿ“Magaalooyinka ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Goldogob, Garoowe, Taleex, Xudun, Ceerigaabo, Laasqoray, Laascaanood, Ufayn, iyo Baargaal ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya qiyaastii 10โ€“50 mm.

โš ๏ธ Maadaama roobabka la saadaaliyay ay yihiin kuwo xaddidan oo aan si buuxda u dabooli karin baahiyaha biyaha ee deegaanka, waxaan bulshada ku baraarujinaynaa in la muujiyo feejignaan isla markaana la sameeyo qorshayn h**e oo ku aaddan isticmaalka biyaha.

๐ŸŒฆ๏ธ Waa muhiim in la ogaado in saadaashan roobka ay isbeddeli karto xilli kasta, iyadoo ay ku xiran tahay duruufaha cimilada ee is-rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah oo dhow ula socotaa isbeddelada cimilada, gaar ahaan xilligan roobaadka, si aan bulshada ula wadaagno xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.

Photos from IMC - Puntland's post 03/04/2026
02/04/2026

SAADAASHA ROOBKA EE SITIMAANKA 01 - 06 APRIL 2026:

Toddobaadkii la soo dhaafay, roob beegayaasha ayaa diiwaangeliyay roobab xaddi ahaan ah:

Carmo (32.7 mm), Uusguure (14 mm), Dhahar (22.4 mm), Widhwidh (3 mm), Ufayn (3.7 mm), Buran (20 mm), Banderbayla (4 mm), Qardho (96 mm), Galdogob (2 mm), Garowe (3.4 mm), Burtinle (1.6 mm), Eyl (50 mm), Badhan (8.8 mm), Laasโ€™anod (31 mm), Taleex (6.2 mm), Buuhoodle (17.2 mm), Shaxda (5 mm), Godobjiiraan (27 mm) iyo Xingalool (32 mm).

Khariiradda saadaasha roobka ee usbuuca 01- 06 April 2026 waxay muujinaysaa in roobabku guud ahaan ay ahaan doonaan kuwo hooseeya inta badan deegaanada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, qaybo ka mid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Laasqoray iyo Waaciye ayaa la filayaa inay helaan roobab yar.

Waxaa xusid mudan in saadaasha roobku ay isbeddeli karto waqti kasta, iyadoo Xarunta khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland ay si dhow ula socoto xaaladaha cimilada inta lagu gudo jiro xili roobaadka.

Photos from IMC - Puntland's post 02/04/2026

Garoowe: 02 Abriil 2026

Agaasimaha Guud ee Xarunta maareynta xogaha khayraadka biyaha iyo dhulka Puntland Mudane Abdinur Rage ayaa ka qaybgalay kulanka madasha dardargelinta iyo dib-ueegista mashaariicda u adkeysiga iyo xalka waara (Resilience Progarams Review) ee ka socda Puntland.
โ€Ž
โ€ŽShirka oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Qorsheyntu waxaa looga wada-hadlay dardar-gelinta, dib u eegista, guulaha la gaarey, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha u deggan mashaariicda u adkaysiga ee deegaanada iyo degmooyinka dowladda Puntland.
โ€Ž

Photos from IMC - Puntland's post 01/04/2026

๐”๐ง๐ฅ๐จ๐œ๐ค ๐ก๐ข๐ ๐ก-๐ฉ๐ซ๐ž๐œ๐ข๐ฌ๐ข๐จ๐ง ๐š๐ž๐ซ๐ข๐š๐ฅ ๐๐š๐ญ๐š ๐ฐ๐ข๐ญ๐ก ๐ˆ๐Œ๐‚ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ƒ๐ซ๐จ๐ง๐ž ๐’๐ž๐ซ๐ฏ๐ข๐œ๐ž๐ฌ! ๐Ÿš๐ŸŒ

The Information Management Center (IMC) Puntland provides advanced UAV technology for environmental, infrastructure, and humanitarian applications. Our drone and sensors deliver centimeter-level accuracy for your most critical projects.

๐Ž๐ฎ๐ซ ๐๐š๐ฌ๐ญ ๐„๐ฑ๐ฉ๐ž๐ซ๐ข๐ž๐ง๐œ๐ž:

- Qardho ๐Ÿ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฆ๐จ๐๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐  to support early warning decisions and the ๐๐š๐ซ๐๐ก๐จ ๐Œ๐š๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ๐ฉ๐ฅ๐š๐ง.
- Puntland ๐ƒ๐š๐ญ๐ž ๐๐š๐ฅ๐ฆ ๐ฆ๐š๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐  using machine learning for accurate tree counting and detection.
- Jibagalle ๐‹๐š๐ง๐๐œ๐จ๐ฏ๐ž๐ซ ๐ฆ๐š๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐ .
- ๐๐ซ๐จ๐ฌ๐จ๐ฉ๐ข๐ฌ ๐ฆ๐š๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐  in Cado-dheero, Garowe.
- A 174km servey ๐‹๐ˆ๐ƒ๐€๐‘ and ๐ฉ๐ก๐จ๐ญ๐จ๐ ๐ซ๐š๐ฆ๐ฆ๐ž๐ญ๐ซ๐ฒ mapping from Kala-bayr to Iskushuban road.

๐Ÿ“ Visit us at Ministries Road, Garowe, Puntland Somalia.
๐Ÿ“ง Email: [email protected] ๐ŸŒ Learn more: www.imcpuntland.so

Photos from IMC - Puntland's post 25/03/2026

Garoowe: 25 Maarso 2026

Waxaa si guul iyo qurux badan kusoo xirmay tababarkii muhiimka ahaa ee mudada labada maalmood ah magaalada Garoowe uga socday Xarunta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland (IMC - Puntland) iyo wariyeyaasha ka socday Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.

Maxsuulka Tababarka: Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan gunaanadka u ahaa ayaa ah in si buuxda la isula qaatay wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi dhab ah oo dhexmara Xarunta IMC iyo Warbaahinta Puntland. ๐Ÿค
Iskaashigan ayaa xaqiijin doona in xogaha cimilada, digniinaha abaaraha iyo fatahaadaha si degdeg ah, hufan, oo joogto ah bulshada loogu gaarsiiyo.

Badbaadada iyo wacyigelinta bulshadu waa mudnaanteena koowaad! ๐ŸŒ๐Ÿ“ป๐Ÿ“บ

U mahadcelin gaar ah dhammaan wariyeyaasha iyo mas'uuliyiinta ka qeyb qaatay guusha tababarkan.

#

Photos from IMC - Puntland's post 24/03/2026

Garoowe: 24 Maarso 2026 ๐Ÿ“

Waxaa Xarunta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland (IMC - Puntland), oo kaashanaysa Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, ay magaalada Garoowe ku qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga warbaahinta madaxabannaan iyo xarunta ee dhanka baahinta iyo isticmaalka xogaha Cimilada. ๐Ÿ“Š

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray qodobbo asaas u ah badbaadada iyo wacyigelinta bulshada:

1๏ธโƒฃ Fahamka Cimilada: Kor u qaadista aqoonta wariyeyaasha ee arrimaha cimilada iyo xogaha saxda ah ee ay xaruntu soo saarto. ๐ŸŒ

2๏ธโƒฃ Wadashaqayn Fududaysa Xogta: Xoojinta iskaashiga Xarunta iyo Warbaahinta Puntland si bulshada si hufan loogu gaarsiiyo xogaha cimilada.

3๏ธโƒฃ Digniinaha Degdegga ah: Joogtaynta wacyigelinta bulshada iyo ka digista khataraha abaaraha, fatahaadaha, iyo xilliyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah. โš ๏ธ๐ŸŒง๏ธ

Warbaahintu waa buundada isku xirta xogta muhiimka ah iyo badbaadada bulshada! ๐ŸŒ‰

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garowe