Abdirizak Mohamed Hayir

Call Directions Website Contact the organization

Abdirizak Mohamed Hayir Deputy CEO of Puntland Highway Authority (PHA).

🚧 Mashruuca Dhismaha Waddada Bacaadweyn – DusmadaDhismaha laamiga isku xira Bacaadweyn iyo Dusmada ayaa si guul leh uga ...
21/07/2026

🚧 Mashruuca Dhismaha Waddada Bacaadweyn – Dusmada

Dhismaha laamiga isku xira Bacaadweyn iyo Dusmada ayaa si guul leh uga soo gudbay deegaanka Horgoble ee gobolka Mudug, iyadoo shaqadu ay u socoto si habsami leh, isla markaana waafaqsan jadwalkii loo qorsheeyay.

Mashruucan oo ay hirgelinayso Dowladda Puntland, isla markaana ay fulinayso Shirkadda Kebarco, wuxuu qayb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu horumarinayo isku xirka bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta isu socodka gobolka.

Injineerrada Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa si joogto ah u kormeeraya dhammaan heerarka shaqada, iyagoo hubinaya in dhismaha lagu fulinayo si waafaqsan heerarka farsamo, tayada, iyo badqabka mashruuca.

🚧 Mashruuca Dhismaha Waddada Bacaadweyne – DusmadaDhismaha laamiga isku xira Bacaadweyne iyo Dusmada ayaa si guul leh ug...
21/07/2026

🚧 Mashruuca Dhismaha Waddada Bacaadweyne – Dusmada

Dhismaha laamiga isku xira Bacaadweyne iyo Dusmada ayaa si guul leh uga soo gudbay deegaanka Horgoble ee gobolka Mudug, iyadoo shaqadu ay u socoto si habsami leh, isla markaana waafaqsan jadwalkii loo qorsheeyay.

Mashruucan oo ay hirgelinayso Dowladda Puntland, isla markaana ay fulinayso Shirkadda Kebarco, wuxuu qayb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu horumarinayo isku xirka bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta isu socodka gobolka.

Injineerrada Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa si joogto ah u kormeeraya dhammaan heerarka shaqada, iyagoo hubinaya in dhismaha lagu fulinayo si waafaqsan heerarka farsamo, tayada, iyo badqabka mashruuca.

Maanta waxaan si rasmi ah u furay tababar hal maalin soconaya oo ku saabsan **Anshaxa Shaqada (Work Ethics)**, kaas oo l...
09/07/2026

Maanta waxaan si rasmi ah u furay tababar hal maalin soconaya oo ku saabsan **Anshaxa Shaqada (Work Ethics)**, kaas oo loo qabtay dhammaan heerarka kala duwan ee shaqaalaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA).

Tababarkan oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada shaqada iyo awoodda shaqaalaha, wuxuu diiradda saaray kor u qaadidda anshaxa shaqada, xoojinta isla-xisaabtanka, wada-shaqeynta, iyo bixinta adeeg hufan oo tayo leh.

Intii aan furitaanka ka hadlayay, waxaan carrabka ku adkeeyay in anshaxa shaqadu uu yahay saldhigga guusha hay’ad kasta, isla markaana shaqaale leh masuuliyad, daacadnimo iyo u hoggaansanaan qiyamka hay’addu ay door weyn ka qaataan horumarinta adeegga iyo wax-soo-saarka.

**"Anshaxa shaqadu ma aha ikhtiyaar ee waa waajib. Shaqaale leh anshax wanaagsan wuxuu qiimo u leeyahay hay’addiisa, bulshada iyo dalkiisa. Waxqabadka wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa masuuliyad, daacadnimo iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo qiyamka hay’adda."**

Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxa Xafiiska Qorshaynta, Qiimaynta iyo Dabagalka, **Mr. Hassan Ahmed Mohamoud**, bixinta tababarkan qiimaha badan, iyo dhammaan shaqaalaha ka qaybgalay sida ay uga go’an tahay horumarinta aqoontooda iyo xirfaddooda.

Waxaan sii wadi doonnaa dhiirrigelinta barnaamijyada kor u qaadaya aqoonta, kartida iyo anshaxa shaqaalaha, maadaama ay yihiin tiirka lagu gaari karo adeeg hufan iyo horumar waara.

Maanta waxaan guddoomiyay shir muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta Istaraatiijiyadda Shanta Sano ee Hay’adda Waddooyinka ...
06/07/2026

Maanta waxaan guddoomiyay shir muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta Istaraatiijiyadda Shanta Sano ee Hay’adda Waddooyinka Puntland (2026–2030).

Shirkan wuxuu bilow u yahay waafajinta iyo isku dubbaridka dhammaan waaxyaha Hay’adda si ay ula jaanqaadaan hannaanka iyo himilooyinka Istaraatiijiyadda cusub ee 2026–2030, taas oo saldhig u noqon doonta horumar waara iyo kor u qaadista tayada adeegyada Hay’adda.

Waxaan la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha, Madax-qaybeedyada, Hawl-wadeennada iyo Injineerrada Hay’adda kulan miro-dhal ah oo aan kaga wada hadalnay qorshayaasha mudnaanta leh, xoojinta wada-shaqaynta iyo dardargelinta hirgelinta istaraatiijiyadda cusub.

Waxaan aaminsanahay in wadajir, isla xisaabtan iyo qorshe cad ay yihiin furaha lagu gaari karo kaabayaal waddo oo casri ah, isku xirnaan wanaagsan iyo adeeg tayo leh oo ay bulshada Puntland ka faa’iidaysato.

Waxaa naga go’an inaan si hufan u hirgelinno Istaraatiijiyadda 2026–2030, si aan u xaqiijinno horumar waara iyo kaabayaal waddo oo la jaanqaadaya baahiyaha shacabka Puntland.

06/07/2026
Mashruuca Dhismaha Wadada Galkacyo _ DusmadaInjineerro ka tirsan Hay'adda Waddooyinka Puntland ayaa kormeeray dhismaha J...
30/06/2026

Mashruuca Dhismaha Wadada Galkacyo _ Dusmada

Injineerro ka tirsan Hay'adda Waddooyinka Puntland ayaa kormeeray dhismaha Jidka Galkacyo - Dusmada, iyagoo si joogto ah ula socda hirgelinta wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga isku xira Dusmada iyo Gaalkacyo, kaas oo ay fulinayso Shirkadda Albaashid, dhererkiisuna yahay 18.5 Km.

Injineerradu waxay si dhow ula socdaan habsami u socodka shaqada, iyagoo hubinaya in dhismaha loo fulinayo si waafaqsan heerarka farsamo ee loo dejiyey.

Kormeerkoodu wuxuu si gaar ah diiradda u saaran yahay tayada lakabyada jayga, habka laami saarista, iyo in dhammaan marxaladaha dhismaha ay u socdaan si waafaqsan shuruudaha tayada iyo badqabka mashruuca.

27/06/2026

Galabta waxaan ka qaybalay Munaasabad Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni uu ku xarig jarayay Barxadda Iyo wadada Halbowlaha ah ee Caasimadda Garoowe oo ballaarin & dib u dhis lagu sameeyay.

Runtii waa shaqo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo ka shaqaysay oo ugu horeeyo Mayarka Caasimadda iyo dhammaan howlwadeenada dowladda hoose.

Sida aynu ognahay Waddooyinku waa furaha horumarka, kobaca dhaqaalaha iyo soo jiidashada fursadaha Maalgashi, tallaabadan lagu horumariyay jidadka Garowe waxay fursad siinaysa in caasimaddu ay hesho fursad dhaqaale, dadkeedu koro iyo inay noqoto meel Soomaali isugu timaado, amni ah, cid walba ka faa’iidaysan karto fursadaha ganacsi iyo deegaan ee ay haysato.

Guusha aynu maanta u wada xafladaynayno kuma imaan kaliya dedaal shakhsi ee waxya ku timid qorshe isku tashi dowladeed iyo bulsho, waana baraaraha aynu dheernahay Soomaaliya inteeda kale.

Caasimaddu waa muraayadda dowladnimada, horumarinteeedu waa hurumarinta dowladnimada, difaaceedu waa difaaca dowladnimada, qurxinteeduna waa qurxinta dowladnimada, waana waajib saaran qof kasta oo reer Puntland ah.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo in horumarka iyo amnigu yihiin laba shay oo aan kala maarmin. Waxaa waajib inagu ah inaan xoojino
Midnimadeena, amnigeena si aynu u joogtayno hormarka.

Ugu dambayntii waxaan ugu baaqayaa shacabka caasimadda inay ilaashadaan waddooyinka iyo guud ahaan mashiicda laga fuliyay degmada, sidoo kale meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo caqab ku ah hormarka Puntland.

Abdirazak Hayir

Jumce wanaagsanWaxaan jidka ku kulanay dhalinyaradii socdaalaysay ee GARAAD SAHAN iyo Bukhaari Ahmed, kaftan iyo sheeko ...
24/04/2026

Jumce wanaagsan

Waxaan jidka ku kulanay dhalinyaradii socdaalaysay ee GARAAD SAHAN iyo Bukhaari Ahmed, kaftan iyo sheeko gaaban kadib waxaan ku kala tagnay in dhalinyaradu hormuud u noqoto hormarka waddanka, nabadda iyo isku xidhnaanta bulshada.

Waxaan u rajaynayaa inta dhiman safarkooda Ina sahal iyo Nabad ku dhammaystaan.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak Mohamed Hayir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdirizak Mohamed Hayir:

Shortcuts

Share