24/04/2026
Jumce wanaagsan
Waxaan jidka ku kulanay dhalinyaradii socdaalaysay ee GARAAD SAHAN iyo Bukhaari Ahmed, kaftan iyo sheeko gaaban kadib waxaan ku kala tagnay in dhalinyaradu hormuud u noqoto hormarka waddanka, nabadda iyo isku xidhnaanta bulshada.
Waxaan u rajaynayaa inta dhiman safarkooda Ina sahal iyo Nabad ku dhammaystaan.
08/02/2026
Waxaan u hambalyaynayaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood oo maanta lagu caleema saarey magaalada Galdogob kuna soo biirey dhaqanka Puntland.
Waxaan alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee u qaaday ummadda dooratay iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Si lamid ah wuxuu ka mudanyahay inta dooratay iyo cidkastoo Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan, soo dhaweeyaan, gacana ku siiyaa gudashada waajibaadka saaran.
Hogaanka dhaqanku Soomaaliyeed wuxuu door muhiim ah ka qaataa isku haynta shacabka iyo xalinta mashaakilaadka bulshada.
Soo dhawoow ugaas markale
06/02/2026
Waxaan xalay ka qaybglay munaasabadda Qalinjabinta 7aad ee Ardayda dhammaysay heerka 2aad ee waxbarashada sare ee ay bixiso Jaamacadda oo ay martigaliso jaamacadda .
Dhammaan ardayda Aflaxday Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa, waxaana kula dar-daarmayaa in aqoonta ay heleen uga faa’iideeyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
120 Arday inay fursad waxbarasho ku helaan iyagoo jooga dalkooda waxna la bartaan arday ku nool dalal shisheeye wax sahlan maaha, waa juhdi ku yimid, dedaal, dhabar adayg iyo ka go’naasho ku dhisan iskaashi bulsho iyo dowlad.
waa aas-aaska Nolosha, waa waxa kaliya ee dad iyo dalba lagu hormariyo.
Puntland waxyaabaha ay ku horayso waa aqoonta iyo in mujtamaca ku nool uu helay dhammaan wixiinu fududeyn lahaa hayaankiisa waxbarasho, waana wax loogu mahadnaqo alle subxaanahu watacaala.
Guul iyo hormar waar ayaan u rajaynayaa guud ahaam inta qalin jabisay iyo waalidka/ehelka ku tacabtay.
20/01/2026
Waxaan maanta ka qaybglay Daahfurka Qorshaha 4aad ee horumarinta Dowladda Puntland (2026-2030), kaasi oo si cilmiyeeysan loogu soo bandhigay faahfaahinta qorsheyaasha horumarin ee Puntland u yaalla 5-sano ee soo socota.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoorr, ayaa maanta daah-furay Shirka lagu faafinayay qorshahan oo ay kasoo qaubgaleen safiirrada waddamada caalamka qaybtood, golayaasha Dowladda, hay’addaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, NGO-yada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Wasaaradda qorsheynta ayaa faahfaahisay 5-ta Tiir ee ugu muhiimsan qorshaha horumarinta 4-aad ee Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : -
1. Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay & Dowlad wanaagga
2. Tiirka Sinaanta caddaaladda, dib u habaynta amaanka iyo sareynta sharciga
3. Tiirka Horumarinta dhaqaalaha,
4. Horumarinta Bulshada,
5. Illaalinta deegaanka iyo Isbedelka cimilada.
09/12/2025
Waxaan maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay kulan watashi ah oo u dhaxeeyay hay’adaha Dowladda iyo hay’adda WFP.
Shirka waxaa looga arrinsanahay qorshaha WFP Somalia (2026-2030) iyo iswaafajinta qorshaha guud ee Puntland (Puntland Five Year plan 4).
‎Kulanka waxaa furay wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle, waxaana ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Ubax Cabdirashiid, agaasimayaasha Wasaaradaha iyo khuburo ka socotay dowladda.
07/12/2025
Site Inspection of the Galkacyo–Bacaadweyne Road construction Project.