Puntland Highway Authority- PHA

Puntland Highway Authority- PHA

Share

PHA is a government body, established by the law no.18, and responsible for road development in Pun

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 01/06/2026

⚠️ DIGNIIN KU SOCOTA DARAWALLADA GAADIIDKA

Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) waxay ogeysiinaysaa dhammaan darawallada iyo isticmaalayaasha waddooyinka in roobabka ka da’aya deegaannada Puntland ay sababeen biyo xooggan oo ku soo rogmaday togagga Buraan iyo Ceeldaahir, kuwaas oo khatar weyn ku ah isu-socodka gaadiidka.

Hay’addu waxay si adag ugu digaysaa darawallada in aysan isku dayin inay ka gudbaan ama jaraan togagga ay biyuhu marayaan, maadaama arrintaasi khatar gelin karto nafta dadka, gaadiidka, iyo hantidaba. Waxaa h**e u dhacay shilal iyo gaadiid ay biyuhu qaadeen sababo la xiriira taxaddar la’aan.

Sidoo kale, inta lagu jiro xilliga roobabka, darawallada waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, yareeyaan xawaaraha, raacaan tilmaamaha amniga waddooyinka, isla markaana sugtaan inta biyuhu ka yaraadaan ka hor inta aysan marin meelaha khatarta ah.

Darawal kasta oo si ula kac ah u khatar geliya naftiisa, rakaabka, ama gaadiidka isaga oo jebinaya digniinaha iyo tilmaamaha amniga, waxaa loo aqoonsan doonaa qof aan masuuliyad muujinayn, waxaana laga qaadi karaa tallaabooyin sharci iyo maamul oo ay ku jirto laalidda ama kala noqoshada rukhsadda darawalnimada.

Badbaadadaadu waa masuuliyaddaada. Ha gelin naftaada iyo tan dadka kale khatar aan loo baahnayn.

Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA)

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 29/05/2026

Gudoomiyaha Hay'adda Waddooyinka Puntland Dr 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗳𝗶𝘁𝗮𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝘂𝗴𝘂𝗹𝗹𝗲 ayaa kormeer Ku tagay dhismaha Laamiga Cagaaran ilaa Dusmada oo maraya wajiga Labaad ee shaqada laami saarista.
Gudoomiyaha ayaa kormeeray habsi usocodka shaqada, iyadoo ay weheliyaan Injineero katirsan Hay'adda Waddooyinka Puntland. Shaqadaan waxa gacanta Ku haysa Shirkadda Kebarco Construction CO. Iyadoo Hay'addu ay hubinayso tayada dhismaha Laamiga.

26/05/2026

CIIDUL ADXAA MUBAARAK 🌙

Dhamaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan umadda Somaaliyeed Acmaasha Rabbi ha naha Aqbalo.

Farxad iyo Caafimaad qab ku ciida

26/05/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Dr Abdifitah Mohamed Sugule Ayaa Kormeer Shaqo ku tagay Mashruuca Dib u dhiska Waddada Cagaaran-Gaalkacyo.

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 23/05/2026

𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴:- Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗳𝗶𝘁𝗮𝘅 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝘂𝗴𝘂𝗹𝗹𝗲, ayaa kormeer ku tegay waddada u dhexeysa Dusmada iyo Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay gacanta ku hayso shirkadda 𝗔𝗹𝗯𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗱 𝗖𝗼𝗻𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka shirkadda, isagoo sidoo kale indha-indheyn ku sameeyay habsami u socodka shaqada, tayada ciidda laamiga lagu dhisayo, cabbirkeeda iyo habka loo saarayo laamiga.

15/05/2026

Boarka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadkii la qabtay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo guulaha laga gaaray mashaariicda hirgalay.

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 14/05/2026

Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland (PHA) ayaa Meel Wanagsan Marinaysa howlaha jarista iyo nadiifinta dhirta ku fiday waddada dhinaceeda, gaar ahaan inta u dhaxaysa Dhaxan – Xaaji Khayr.

Dhirta waddada soo gashay ayaa h**e u sababi jirtay shilal halis ah oo khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo sidoo kale xoolaha daaqaya ay qayb ka ahaayeen khatartaas.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’addu ku xaqiijinayso:

Badbaadada isticmaalayaasha waddooyinka
Yaraynta shilalka
Hagaajinta muuqaalka iyo isticmaalka waddooyinka

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 13/05/2026

Boarka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadkii la qabtay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo guulaha laga gaaray mashaariicda hirgalay.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorshayaasha socda iyo habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo hirgelintooda, si loo dardargeliyo horumarka kaabeyaasha waddooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga dooday dhismaha jidka weyn ee isku xira Gaalkacyo iyo Boosaaso, gaar ahaan mashruuca dayactirka jidka Gaalkacyo–Bacaadwey. Waxaa lagu qiimeeyey halka uu marayo mashruucu, caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo.

Ugu dambayn, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda socda, lana hubiyo tayadooda, iyadoo sidoo kale Board-ku ku balamay inuu si joogto ah u kormeero shaqooyinka socda.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Board-ka Hay’adda Waddooyinka Puntland, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha Bank-ga , xubin ka socday Rugta Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle.

10/05/2026

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) fursadda qiimaha leh ee tababbarka ay na siisay. Tababbarkani wuxuu si weyn u kordhiyay aqoontayada iyo fahamkeenna ku saabsan horumarinta waddooyinka iyo kaabayaasha. Waxaan rajaynaynaa in aqoontan aan ka faa’iidaysanno mustaqbalkeenna iyo horumarinta dalkeenna.”

Photos from Puntland Highway Authority- PHA's post 09/05/2026

Tababar
Hay'adda Waddooyinka Puntland ( PHA) ayaa tababar u qabaty ardayda kuliyada injineerinka ee Jamacada Bariga Africa Galkacyo.
Ardayda jaamacada ayaa safar aqoon kororsi ah ku tagay mashruuca dhismaha wadada Galkacyo - Bacadweyn, halkaas oo lagu tababary marxaladaha kala duwan ee ay maraan dhismaha wadooyinku, laga soo bilaabo qorshaynta ilaa fulinta.
Sidoo kale waxaa ardayda lagu tababaray qayb ka mid ah tijaabooyinka laga qaado lakabyada waddada sida tijaabada FDT, iyo hubintla jooga lakabyada wadada iyada oo la isticmaalayo RTK.
Tababarkaan wuxuu qayb ka yahay qorshaha Hay'adda Waddoyinka ee kor loogu qaadayo xirfada iyo aqoonta ardayda jaamacada dalka.
Tababarkan waxaa bixinayey Eng. Bashir Guure, Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Tayada ee PHA, waxaana ka qayb qaatay Injineerada PHA.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garowe