Abdiwali Gooni

Abdiwali Gooni

Share

Bogga rasmiga ah ee Cabdiwali Gooni

x.com/abdiwaligooni

31/05/2026

Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u hadal haysa doorashada berri ka dhacaysa dalkaas, iyadoo telefishinnada iyo wargeysyada ay shacabka ugu baaqayaan inay si nabad ah codkooda u dhiibtaan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ka badan 50 milyan oo qof ay isu diiwaangeliyeen doorashada, halka 547 kursi loo tartamayo Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Telefishinka dowladda Itoobiya ee EBC ayaa maanta baahiyay fariimo leh “Codkaaga waa awooddaada”, iyadoo malaayiin qof lagu dhiirrigelinayo inay berri ka qeyb galaan codbixinta guud ee dalka.

Warbaahinta kale ee Itoobiya sida The Reporter Ethiopia ayaa sheegtay in goobaha codbixinta iyo qalabka doorashada la diyaariyay.

31/05/2026

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya, Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa hakisay qorshe uu Maraykanku ku doonayay inuu gudaha Kenya ka hirgeliyo xarun karantiil oo Ebola ah.

Xaruntan ayaa loogu talagalay muwaadiniinta Maraykan ah oo looga shakiyay cudurka Ebola kadib safarro ay ku tageen Congo iyo Uganda, arrintaas oo dhalisay caro iyo walaac xooggan oo shacabka Kenya ka timi.

Maxkamaddu waxay amartay in qof qaba ama looga shakisan yahay Ebola la soo gelin karin Kenya ilaa dacwadda laga go’aaminayo, iyadoo dhageysiga xiga loo muddeeyay 2-da Juun.

29/05/2026

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Bangiga Adduunka ayaa daahfuray mashruuca “Mission 300”, oo lagu doonayo in koronto la gaarsiiyo 300 milyan oo Afrikaan ah marka la gaaro 2030.

Mashruucu wuxuu ka socdaa dalal ay kamid yihiin Kenya, Itoobiya, Tanzania, Nigeria iyo Ghana, iyadoo balaayiin dollar lagu maalgelinayo tamarta iyo kaabayaasha korontada.

Soomaaliya weli kuma jirto liiska rasmiga ah ee dalalka la shaaciyay.

25/05/2026

TOOS: Xaflada soo xiritaanka Koobka Caasimadaha Puntland ee Calmiskaad

25/05/2026

TOOS: FINAL

QARDHO VS GAROOWE

22/05/2026

TOOS: Koobka Caasimadaha Puntland ee Calmiskaad oo ay manta wada ciyaarayaan Semi finaka Xulalaka BOSASO VS QARDHO

21/05/2026

TOOS: Koobka Caasimadaha Puntland ee Calmiskaad oo ay manta wada ciyaarayaan Semi finaka Xulalaka Dhahar VS Garoowe

18/05/2026

TOOS: Koobka Caasimadaha Puntland ee Calmiskaad oo ay manta wada ciyaarayaan Xulalaka Bosaaso VS Gaalkacayo

16/05/2026

TOOS: Garoowe Vs Buuhoodle

16/05/2026

Ganacsadaha bilyaneerka ah ee u dhashay Tanzania, Mohammed Dewji, ayaa $50 milyan ku maalgelinaya warshad cabitaanno fudud laga soo saaro oo laga dhisayo Mombasa, si uu ula tartamo The Coca-Cola Company iyo PepsiCo.

Warshaddan cusub ayaa soo saari doonta cabitaannada caanka ah ee MeTL Group sida Mo Cola, Mo Xtra iyo Mo Malto, iyadoo Mo Cola lagu iibin doono qiimo ka hooseeya kan shirkadaha waaweyn.
Qorshahan ayaa lagu beegsanayaa macaamiisha dakhliga hoose leh, istiraatiijiyad h**e uga guuleysatay Tanzania iyadoo la bixinayo cabitaanno jaban oo tayo leh.

Maalgelintan waxay muujinaysaa tartanka sii xoogeysanaya ee suuqa cabitaannada Afrika, halka ay isku hayaaan maalqabeennada Afrika iyo shirkadaha caalamiga ah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garowe