27/05/2026
๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ waxa uu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Munaasabaddan qiimaha badan leh waxay xambaarsan tahay macnayaal qoto dheer oo ku saabsan iimaanka, addeecidda Eebbe (๐๐๐), samafalka, isu naxariisashada iyo xoojinta xiriirka bulshada. Ciidul Adxaa waa xilli lagu xasuusto qisadii suubbane Nabi Ibraahim (๐๐) iyo u hoggaansanaantiisii amarka Alle, taas oo astaan u ah daacadnimo, dulqaad iyo tawakkul.
Sidoo kale, ciiddu waa maalin farxad, walaaltinimo iyo isu soo dhowaansho bulshada dhexdeeda ah, iyadoo muslimiintu ay muujiyaan isku duubni, is-caawin iyo daryeelka dadka nugul.
Ugu dambayn, waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajaynaynaa in ay ciidan ciiddeeda kale ku gaaraan farxad, caafimaad, nabadgelyo iyo midnimo. Ilaahay hana ka yeelo munaasabaddan mid kheyr iyo barako ku soo kordhisa ummadda Islaamka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐!
14/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐-๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฃ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐/๐๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐ฐ๐๐ฃ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ฑ๐ช๐๐๐๐๐ค๐ (๐๐๐ซ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐๐ง๐๐ ๐๐ฎ๐๐ข๐ญ) ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐ข๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ๐.
Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ๐ข, ayaa ka qeybgalay shirka furitaanka Baarista Waxqabadka (Performance Audit) ee Mashruuca Biyoole โ Daraasadda labaad (Main Study), kaas oo lagu qabtay hoolka Wasaaradda Qorshaynta Puntland. Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, iyo kooxaha mashruuca iyo baarista.
Guddoomiyaha Hantidhawrka Guud ayaa madasha ka iftiimiyey muhiimadda iyo ujeeddooyinka baarista waxqabadka, isagoo carrabka ku adkeeyey in la hubin doono waxtarka iyo saamaynta mashaariicda laga fuliyo Puntland.
Kooxda baarista ayaa soo bandhigtay qorshaha daraasadda labaad, iyagoo xusay in baarista la soo gabagabeyn doono bisha June, lana soo saari doono warbixin tayo leh oo ka turjumaysa natiijooyin dhab ah.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa soo xiray shirka, isagoo soo dhoweeyey baarista, isla markaana xaqiijiyey in wasaaraddu diyaar u tahay fududeynta howlaha baarista. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhammaystirka baarista mashruuca.
07/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Hantidhowraha Guud ee Dowladda Puntland ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ๐ข ayaa maanta oo tarariikhdo tahay 07 Abriil 2026 goobjoog ka ahaa munaasabado xil-wareejin oo ka kala dhacay Wasaarado dhowr ah oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo si rasmi ah xilalka ugula kala wareegayeen masuuliyiintii h**e iyo kuwa cusub.
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฒ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ง ๐ฑ๐ข๐ฅ-๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก:
โข Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
โข Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
โข Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Munaasabadaha xil-wareejinta ayaa u qabsoomay si waafaqsan hab-raacyada dowladeed, iyadoo masuuliyiinta cusub ay si rasmi ah xilalka ula wareegeen, halka masuuliyiintii h**e ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan waxqabadkoodii muddadii ay xilka hayeen.
Masuuliyiinta cusub ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga goโan tahay sii wadidda iyo xoojinta horumarka hayโadaha ay hoggaaminayaan, iyagoo ka duulaya qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Puntland.
Munaasabadahaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddiyada xil-wareejinta, agaasimayaal guud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
06/04/2026
๐ Garoowe-๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ๐ข (๐๐๐ซ๐จ๐จ๐๐๐ฒ) ayaa maanta goob-joog ka ahaa munaasabado xil-wareejin oo si habsami leh uga kala qabsoomay wasaarado dhowr ah oo ka tirsan Dowladda Puntland, ๐ธ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐๐ถ๐ต๐ถ๐ถ๐ป:
โข Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa DPL
โข Wasaaradda Maaliyadda DPL
โข Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL
โข Wasaaradda Caafimaadka DPL
Munaasabadahan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu muujiyay hannaanka dowladnimo ee ku dhisan kala dambeyn, isla-xisaabtan iyo u hoggaansanaanta habraacyada rasmiga ah ee xil-wareejinta.
Masuuliyiintii h**e ee wasaaradaha ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira waxqabadkii ay gaareen muddadii ay xilalka hayeen, halka masuuliyiinta cusub ee xilalka la wareegayna ay ballanqaadeen in ay sii xoojin doonaan horumarinta adeegyada ay wasaaradahoodu u hayaan bulshada, iyagoo diiradda saaraya tayeynta shaqada iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed.
Sidoo kale, munaasabadaha xil-wareejinta waxaa goob-joog ka ahaa guddiyaka xil-wareejinta oo uu Hantidhawraha Guddominayey , xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, agaasimayaal, saraakiil kala duwan iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta nidaamka dowladeed iyo wada shaqeynta hayโadaha.
Xafiiska Hanti-dhowrka Guud wuxuu sii wadi doonaa doorkiisa kormeer iyo hubin si loo xaqiijiyo in hantida iyo howlaha dowladdu u socdaan si waafaqsan shuruucda iyo hufnaanta maamul.
-๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐-
05/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ ๐๐๐๐ โGuddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dowladda Puntland, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ๐ข, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabado rasmi ah oo xil-wareejin ah oo ka kala dhacay dhowr wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Puntland.
๐ ๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ป ๐
๐ถ๐น-๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ท๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ถ ๐ต๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐บ๐ถ ๐น๐ฒ๐ต ๐ ๐พ๐ฎ๐ฏ๐๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ ๐
๐ถ๐น๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐ฎ๐ต:
โข Wasaaradda Deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada Dowladda Puntland.
โข Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
โข Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Puntland.
โข Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland.
โข Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland.
Munaasabadaha xil-wareejinta ayaa u qabsoomay si waafaqsan hab-raacyada dowladeed, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha guddiyada xil-wareejinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shaqaalaha wasaaradaha, isla markaana si rasmi ah xilalka ula kala wareegeen masuuliyiintii h**e iyo kuwa cusub.
Ka qeybgalka Hanti-dhowraha Guud ee munaasabadahan ayaa muujinaya doorka muhiimka ah ee Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ku leeyahay ilaalinta hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo habsami u socodka maamulka maaliyadeed ee hayโadaha dowladda, gaar ahaan marxaladaha kala-guurka ee xilalka.
-๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐-
04/04/2026
๐ Garoowe, 4 April 2026
๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Puntland, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ถ๐๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐๐๐ฑ ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ค๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ณ๐ฒ๐), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo soo dhoweynta Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.
Munaasabaddan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada, isla markaana uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ๐.๐ ๐๐น๐๐ฎ๐ ๐ข๐๐บ๐ฎ๐ป ๐๐๐ด๐ฎ๐๐ผ๐ผ๐ฟ , ayaa lagu wareejiyay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyadoo sidoo kalena lagu soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha cusub ee Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.
-๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐-