Puntland ICT Authority

Puntland ICT Authority

Share

Established by the goverment of Puntland to implement ICT and guidelines standards in public sector

14/06/2025

đź”’ Public Awareness | Data Protection & Privacy
Your personal data matters.

The Puntland ICT Authority is committed to protecting your privacy, securing your digital access, and ensuring fair telecom practices.

🛡️ Stay informed. Stay safe.
đź“§ Report violations: [email protected]

22/04/2025

Xafidnaanta xogta muwaadinku waa dhawrista xaqqa muwaadinka.

19/04/2025

Xafidnaanta xogtaada Digital ah, Waa Xafidnaanta Sharaftaada

18/04/2025

Protecting Your Data, Empowering Our Future.

The Puntland Public Data Collection Guidelines are here to ensure your information is handled responsibly and with care.

17/04/2025

Muwaadin ilaali xogtaada gaar ah, sugnaanta xogtaadu waa sugnaanta sharaftaada.

Puntland ICT Authority
Garowe

06/04/2025

WAKAALADDA TEKNOOLOJIYADDA DAWLADDA PUNTLAND (PICTA)

Cambaareyn iyo Baaq:

Wakaaladda Teknoolojiyadda Dowladda Puntland waxay si kulul u cambaareyneysaa falalka foosha xun ee liddiga ku ah horumarka, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsanayo xarumaha shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom ee Degmada Burtinle, Gobolka Nugaal.

Falalka noocan oo kale ah waxay halis gelinayaan amniga adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo horumarka teknolojiyadda ee Puntland. Shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda waa laf-dhabarta koboca dhaqaale iyo adeegyada casriga ah ee ay bulshada maanta ku tiirsan tahay.

Baaq:

1. Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga Puntland in ay si dhab ah u qaataan masuuliyadda ilaalinta hantida ganacsatada, gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.

2. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa waxgaradka iyo bulshada Degmada Burtinle in ay si midnimo ah uga hortagaan cid kasta oo carqalad ku ah horumarka deegaanka iyo adeegyada ay bulshadu u baahantahay.

Waa waajib in si wadajir ah looga hortago fal kasta oo wax u dhimaya ammaanka, horumarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Puntland.

PICTA – Teknoolojiyad Xasiloon, Horumar Waara.

Puntland ICT Authority
Dawladda Puntland

24/03/2025

Wacyigelin

Akoon kasta oo baraha bulshada (Social Media) looga furo magaca hay’adaha dawladda Puntland wuxuu noqonayaa hanti ummadeed, mana jirto cid gaar ah u adeegsan karta.

Sidoo kale, furashada akoon baraha bulshada ah oo magac ama astaanta Puntland si aan sharci ahayn loogu adeegsado waa dambi.

Wakaaladda Teknoolojiyadda Puntland
Dawladda Puntland Somalia

19/03/2025

Dagal kasta ee baraha bulshada ( social Media Pages or accounts) oo Magac hay'adda Dawli ah si sharci ah loogu sameeyey wuxuu ka mid noqonaya hantida umadda ka dhexaysa mana jirto cid si gaar ah u adeegsan karta .

Sidoo kale waxaa dambi ah in magac Hay'ad dawli ah si aan sharci ahayn loogu furto Social media Account ama Page, qofkii inuu ku samaystay lagu helana wuxuu mutaysan karaa ciqaab sharci.

Photos from Puntland ICT Authority's post 18/03/2025

Qeexid qaar ka mid ah sababaha Dawladda Puntland u diidey in Hay'adda Diwaangelinta iyo Bixinta Kaarka Aqoonsiga (ID-ga) heer Federal NIRA Somalia ay ka hawlgasho dhulka Puntland.

16/03/2025

Puntland ayaa si rasmi ah dadkeeda ugu diidday Aqoonsiga Qaranka, iyada oo sheegtey in aan laysku hallayn karin NIRA.

"Hay’adda Teknoolojiyadda Puntland waxay caddeyneysaa in Aqoonsiga Dhijitaalka Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Diiwaangelinta & Aqoonsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (NIRA) uusan ka shaqeyn karin Puntland.

Maadaama uusan sugnayn habraaca xafidnaanta xogta muwaadinka, uusanna jirin meel loo raaci karo xogaha gaarka ah ee muwaadiniinta laga qaado si ID loogu sameeyo, waxaan si adag ugu digeynaa shacabka Puntland in ay feejignaadaan oo ay ilaashadaan xogtooda shaqsiyeed si aan si khaldan loogu adeegsan." - Hey'adda Tiknoolajiyadda Puntland.

16/03/2025

OGAYSIIS DADWEYNE: ILAALI XOGTAADA SHAQSIGA AH.

Hay’adda Teknoolojiyadda Puntland waxay caddeyneysaa in Aqoonsiga Dhijitaalka Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Diiwaangelinta & Aqoonsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (NIRA) uusan ka shaqeyn karin Puntland.

Maadaama uusan sugnayn habraaca xafidnaanta xogta muwaadinka, uusanna jirin meel loo raaci karo xogaha gaarka ah ee muwaadiniinta laga qaado si ID loogu sameeyo, waxaan si adag ugu digeynaa shacabka Puntland in ay feejignaadaan oo ay ilaashadaan xogtooda shaqsiyeed si aan si khaldan loogu adeegsan.

Muwaadin.
▪︎ Amniga xogtaada waa muhiim.
▪︎ Hubi in macluumaadkaaga muhiimka ah uu ku jiro gacan sugan oo meel loo raaco leh.

Arrimaha khatarta dhigitalka iyo talooyinka ilaalinta xogtaada halkaan nagala soco.

Puntland ICT Authority
Dawladda Puntland

16/03/2025

PUBLIC NOTICE: WARNING FOR PUNTLAND PUBLIC DATA PROTECTION

The Puntland ICT Authority reaffirms that the National Digital ID issued by the Federal Government of Somalia's National Identification & Registration Authority (NIRA) is not permitted to operate in Puntland.

Due to unreliable data protection measures, we strongly warn the people of Puntland to remain vigilant and safeguard their personal information.

▪︎ Your data security matters.
▪︎ Ensure your sensitive information is in safe hands.
▪︎Stay informed & protect your digital identity.

For official updates, follow Puntland ICT Authority.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00