01/10/2026
Cuun: 1 October 2026: Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Garoowe ayaa Safar shaqo ku tagay Deegaanka Cuun ee Garoowe.
Xilhidbaada ayaa la kulmay Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Deegaanka Cuun Iyagoo ka dhagaystay Baahiyaha ka jira Deegaanka iyo xoojinta Wada shaqaynta.
Ujeedka Safarka ayaa isugu jirey gaarsiinta Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah iyo Wacyigalin Caafimaad oo ka dhan khatarta Caafimaad ee ka dhalan karta Isticmaalka khaldan ee Muwaadwaadka iyo Dadka aan aqoonta ulahayn Arrimaha Caafimaadka.
Dhakhaatiirta ayaa Bulshada uga digay Isticmaalka mudaawaadka oo Khatar Caafimaad ka dhalatay, waxa ayna Bulshada uga digeen in ay iska jiraan cid walba oo aan Aqoon ulahayn Arrimaha Caafimaadka.
Sido kale Safarka Waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Fayodhowrka Dowladda hoose Garoowe iyo Dhakhaatiir ka Howlgala Isbitaalka weyn ee Garoowe kuwaas oo Bulshada gaarsiiyay Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah.
Barnaamijkaan oo isugu jirey Adeega Caafimaadka iyo Wacyigalinta Caafimaadka ee Bulshada Deegaanka Cuun ee Garoowe Waxaa ka qeyb qaatay Maamulka, Dhakhaatirita Isbitaalka Weyn iyo Ururka Bisha Cas ee Garoowe.
Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta