Mashruuca biyo saarka ee ka socda Caasimadda Garoowe ayaa haatan maraya heer gabagabo ah.
Biyo’ha roobka oo si habsami leh ugu ururaya meelihii loogu talagalay kadibna si toos ah ugu qulqulaya tuubooyinka hoose taasoo muujinaysa waxtarka nidaamka cusub ee biyo-mareenka Caasimadda Garowe
Dowladda Hoose ee Garoowe
This is the official page of the Garowe Local Government. Page-ka Caasumadda Puntland ee ( Garoowe ).
Caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe oo Galabta Heshay Roob Saacado Da’ayay
Gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe Maxamed Cali Xamari ayaa ka qayb galay tababar Aqoon kororsi ah oo loo qabtay Gudoomiyayaasha Xaafadaha Garoowe .
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd xoojinta doorka bulshada ee amniga iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliiska
31/05/2026
Gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe Maxamed Cali Xamari ayaa ka qayb galay tababar Aqoon kororsi ah oo loo qabtay Gudoomiyayaasha Xaafadaha Garoowe .
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd xoojinta doorka bulshada ee amniga iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliiska
Tababarka waxaa diiradda lagu saaray qodobbadan:
1. Muhiimadda ilaalinta amniga iyo doorka bulshada ee sugiddiisa.
2. Kor u qaadidda aqoonta, fahamka iyo wada-shaqaynta ka dhexeysa Ciidanka Booliska iyo Guddoonnada Xaafadaha.
3. Abaabulka bulshada iyo wacyigelinta xaafadaha si loo xoojiyo nabadgelyada.
4. Soo gudbinta xogaha amniga iyo ka hortagga dambiyada.
Tababarka waxaa ka qayb galay Agaasimaha arimaha bulshada degmada Garoowe Saadiq xirsi ,Madaxa Amniga degmada Garoowe Maxamed Cabdirisaaq fidaar ,Madaxa xaafadaha Xaliimo Cabdulqaadir Bare iyo Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Xiriirka Bulshada iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Ciidanka Booliska Puntland, G/le Khadar Gool-nuug oo tababarka bixinayay .
30/05/2026
Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa maanta xirtay Laamiga Shiikh Cabdulqaadir (Shaariqa) gaar ahaan Aaga Dhakhtarka indhaha oo loo xiray Dhamaystirka Shaqada Biyosaarka oo meel Gabo gabo ah maraysa.
Bulshada Waxaa lagu wargelin in ay adeegsan karaan Laamiyada kale sida Shiikh Cabdisalaan( Alnasar), Cali Qalalan, Islaam Maxamed iyo Laamiga Sodonka.
Dadwaynaha Waxaa laga codsan in ay Dulqaataan Maalmaha laga Shaqaynayo, Mahadsanidiin.
Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta
29/05/2026
Duqa Caasimadda Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhammaan warbaahinta kala duwan ee door muuqda ka qaatay tabinta iyo baahinta Tartanka Caasimadaha Puntland ee calmiskaad cup.
Duqa ayaa mahad gaar ah u diray Sahal Cable TV iyo Danab Sports oo si heer sare ah u tebiyay tebinta tooska ah ciyaaraha una soo bandhigay shacabka quruxda iyo xiisaha tartanka.
Sidoo kale Duqa Caasimadda ayaa si gaar ah u bogaadiyay warbaahinta ka timid meelo fog fog oo dalka iyo dibaddiisa ah kuwaas oo u yimid si ay u baahiyaan tartanka gaar ahaan warbaahinta ka kala timid Hargaysa, Jigjiga, Xamar iyo guud ahaan meelo badan oo kale.
Wuxuu sidoo kale ammaanay warbaahinta Puntland iyo dhalinyaradii hal-abuurka lahaa ee TikTokers-ka ahaa kuwaas oo si firfircoon bulshada ula wadaagay muuqaallo iyo xogaha ciyaaraha isla markaana door weyn ka qaatay muujinta bilicda iyo xiisaha tartanka laga soo bilaabo furitaankii ilaa gabagabadii.
Ugu dambeyn Duqa Caasimadda ayaa xusay in wada shaqeynta warbaahinta iyo bulshada ay laf-dhabar u tahay horumarinta ciyaaraha iyo xoojinta isku xirnaanta bulshada.
29/05/2026
GAROOWE: Ciyaartoyda Caasimadda Garoowe ayaa galabta koobkii Shuhadada Calmiskaad geeyay gurigii AUN Gen. Qalyare , si maamuus iyo sharaf leh ugu wareejiyay qoyskiisa.
28/05/2026
Duqa Caasimadda Garoowe Hon Abdulkadir Geedi iyo Xoghayaha Dowladda hoose Hon Abdale Mohamed Abdale ayaa ka qeybgalay Bandhiga Koobka Caasimadaha Puntland oo ay ku guulaysteen Kooxda Caasimadda Garoowe iyadoo koobka galabta si heer sare ah loog soo bandhigay Garoonka Mire Awaare ee Caasimadda Garoowe.
Sido kale kulanka Bandhiga ah waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee shacabka Caasimadda Garoowe.
Dowladda Hoose ee Garoowe
27/05/2026
Bulshada Caasimadda Garoowe Waxaa lagu wargelin in Bari galab 3:00 Pm Galabnimo Kooxda Caasimadu Garoonka Mire Awaare ku soo Bandhigayso Koobkii Caasimadaha ee ku guulaysteen.
Hadaba Bulshada Caasimadda Waxaa lagu wargelin in ay kasoo qeybgalaan.
Dowladda Hoose ee Garoowe
The Champions - Awlaadul Caasimah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Garowe National Park
Garowe
252
